Wildebeest analysis examples for:   som-som   !    February 11, 2023 at 19:35    Script wb_pprint_html.py   by Ulf Hermjakob

416  GEN 17:18  Oo Ibraahim wuxuu Ilaah ku yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in Ismaaciil hortaada ku noolaado!
791  GEN 28:17  Wuuna cabsaday, oo wuxuu yidhi, Meeshanu cabsi badanaa! Tanu meel kale ma aha, gurigii Ilaah mooyaane, tanuna waa iriddii samada.
842  GEN 30:11  Oo Lee'ahna waxay tidhi, Ayaan weynaa! Magiciisiina waxay u bixisay Gaad.
844  GEN 30:13  Oo Lee'ahna waxay tidhi, Waan faraxsanahay! waayo, naaguhu waxay iigu yeedhi doonaan tan faraxsan. Magiciisiina waxay u bixisay Aasheer.
3098  LEV 13:45  Oo qofkii cudurka baraska qaba dharkiisu wax jeexjeexan ha ahaadeen, oo timaha madaxiisuna ha bannaanaadeen, oo bushintiisa sarena ha daboolo, oo ha ku qayliyo, Waan nijaasaysnahay, waan nijaasaysnahay!
4054  NUM 11:29  Markaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, War ma aniga baad ii xinaasaysaa? Bal may dadka Rabbiga oo dhammu nebiyo ahaadaan, oo Rabbigu muu iyaga ruuxiisa ku soo dejiyo!
4111  NUM 14:2  Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo shirkii oo dhammu waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa inoo roonayd inaynu dalkii Masar ku dhimanno! Amase inaynu cidladan ku dhimanno!
4315  NUM 20:3  Kolkaasaa dadkii Muuse la dirireen, wayna la hadleen oo ku yidhaahdeen, Waxaa noo roonayd inaannu walaalahayo iskala dhimanno markay Rabbiga hortiisa ku dhinteen!
4370  NUM 21:29  Moo'aabay, waa kuu hoog! Waad baabba'day, dadka reer Khemooshow. Wiilashiisii wuxuu u sii daayay sida laajiyo, Gabdhihiisiina wuxuu maxaabiis ahaan ugu sii daayay Boqorka reer Amor oo Siixon ahaa.
4440  NUM 23:23  Hubaal sixir reer Yacquub kuma dhaco, Oo reer binu Israa'iil innaba fal ma qabto, Haddaba Yacquub iyo Israa'iil waxaa laga sheegi doonaa, Bal fiiri waxa Ilaah sameeyey!
4452  NUM 24:5  Teendhooyinkiinnu wanaagsanaa, Reer Yacquubow, Oo taambuugyadiinnu qurxoonaa, Reer binu Israa'iilow!
4905  DEU 1:11  Oo weliba Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin ha idinka dhigo kun jeer in ka sii badan intaad haatan tihiin, oo ha idiin barakeeyo siduu idin ballanqaaday!
5084  DEU 5:29  Waxaan jeclaan lahaa in qalbi sidaas ahu uu iyaga ku jiro si ay iiga cabsadaan oo ay had iyo goorba u dhawraan amarradayda inay iyaga iyo carruurtooduba weligood nabdoonaadaan!
5680  DEU 28:67  Oo waaberigii waxaad odhan doontaan, Bal may fiid noqoto! Sababtuna waa cabsida aad qalbiga ka cabsan doontaan iyo xumaanta aad indhaha ku arki doontaan.
5789  DEU 32:29  Bal may caqli yeeshaan, oo ay waxan gartaan, Oo bal may ka fikiraan ugu dambaystooda!
6866  JDG 11:35  Oo markuu arkay iyadii ayuu dharkiisii iska jeexjeexay, oo wuxuu yidhi, Hoogay gabadhaydiiyey! Hoos baad ii dhigtay, oo waxaad tahay kuwa i dhiba middood; waayo, Rabbigaan afkayga u furay, oo dibna uma aan noqon karo.
7306  1SA 4:7  Oo reer Falastiinna way cabsadeen, oo waxay yidhaahdeen, Ilaah baa xeradii soo galay. Oo haddana waxay yidhaahdeen, Hoog baa inagu dhacay! Waayo, hadda ka hor waxan oo kale lama arag.
7307  1SA 4:8  Hoog baa inagu dhacaye! Bal yaa inaga samatabbixin doona ilaahyadan xoogga weyn gacantooda? Kuwanu waa ilaahyadii Masriyiinta ku laayay cidlada ee ku soo daayay belaayooyin cayn kasta ah.
7410  1SA 9:17  Oo Samuu'eelna wuxuu arkay Saa'uul, Rabbiguna wuxuu isaga ku yidhi, Bal eeg, waa kaas ninkii aan kuu sheegay! Kan qudhiisa ayaa dadkayga u talin doona.
7930  1SA 26:22  Markaasaa Daa'uud ugu jawaabay, Boqorow, waa kan warankaagii! Haddaba ragga dhallinyarada ah midkood ha u yimaado oo ha kuu qaado.
8044  2SA 1:19  Reer binu Israa'iilow, Ammaantiinnii waxaa lagu dilay meelihiinna sarsare! Bal eega kuwa xoogga leh siday u dhaceen!
8050  2SA 1:25  Kuwii xoogga badnaa siday dagaalka ugu dhex dhaceen! Yoonaataan waxaa lagu dilay meelihiinna sarsare.
8052  2SA 1:27  Bal eeg kuwii xoogga badnaa siday u dhaceen, Hubkii dagaalkuna siduu u hallaabay!
8180  2SA 6:20  Markaasaa Daa'uud u noqday inuu reerkiisii u duceeyo. Oo Miikaal oo ahayd ina Saa'uul ayaa u soo baxday inay Daa'uud ka hor timaado, oo waxay ku tidhi, Boqorka reer binu Israa'iil qurux badnaa maanta, kaasoo maanta isku hor qaawiyey gabdhihii addoommadiisa sida waxmatarayaasha midkood isugu qaawiyo oo kale!
8203  2SA 7:20  Sayidow, Rabbow! Bal maxaan kaloo kugu odhan karaa? Waayo, waad i garanaysaa anoo addoonkaaga ah, Rabbow Ilaahow.
8331  2SA 13:11  Oo markay u soo dhowaysay inuu cuno ayuu iyadii qabsaday, oo wuxuu ku yidhi, Walaalay, kaalay ila seexo!
8396  2SA 15:4  Oo Absaaloom wuxuu kaloo yidhi, Way, bal maa aniga dalka xaakin la iiga dhigo, si nin alla ninkii dacwo ama muraad lihi iigu yimaado oo aan caddaalad ugu xukumo!
8406  2SA 15:14  Daa'uudna wuxuu addoommadiisii Yeruusaalem la joogay oo dhan ku yidhi, War ina kiciya aynu cararnee; haddii kalese midkeenna Absaaloom ka baxsan maayo; haddaba dhaqsada oo baxa, waaba intaasoo uu haddiiba ina soo qabtaaye, oo belaayo inagu ridaaye, oo uu magaaladana seef ku laayaaye!
8436  2SA 16:7  Oo Shimcii markuu habaartamayay wuxuu lahaa, Naga tag, nin yahow dhiigga qabaa, oo naga tag, nin yahow waxmataraha ihi!
8514  2SA 19:1  Oo boqorkiina aad buu u naxay, oo wuxuu kor ugu baxay qolkii iridda ka koreeyey, wuuna ooyay; oo intuu sii socdayna, wuxuu lahaa, Wiilkaygii Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygii Absaaloomow! Hooggaygee, waan ku dhiman lahaa, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!
8518  2SA 19:5  Markaasaa boqorkii hagoogtay, oo cod weyn buu ku qayliyey oo yidhi, Wiilkaygii Absaaloomow, Absaaloomow, wiilkaygiiyow, wiilkaygiiyow!
8527  2SA 19:14  Oo Camaasaana waxaad ku tidhaahdaan, War miyaadan ahayn laftayda iyo luddayda? Ilaah saas iyo si ka sii daran ha igu sameeyo, haddaan ciidanka sirkaal kaaga dhigi waayo, oo aadan had iyo goorba hortayda joogin meeshii Yoo'aab!
8671  2SA 23:15  Oo Daa'uud intuu biyo u xiisooday ayuu yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in biyo layga siiyo ceelka Beytlaxam ee iridda ku ag yaal!
8738  1KI 1:18  Oo haddaba bal eeg, waxaa boqor ah Adoniiyaah, oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, taas ma ogid!
8764  1KI 1:44  Oo boqorkiina wuxuu raaciyey isagii wadaadkii Saadooq ahaa iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac, iyo kuwii reer Kereetiim, iyo kuwii reer Feleetii, oo iyana waxay isagii fuushiiyeen baqalkii boqorka!
9015  1KI 8:27  Haddaba ma dhab baa in Ilaah dhulka degganaan doono? Xataa samada iyo samada samooyinku kuma qaadi karaan, haddaba bal gurigan aan dhisay sidee buu kuu qaadi karaa!
9217  1KI 13:30  Oo xabaashiisii uu isagu lahaa ayuu meydkiisii geliyey, wayna u baroorteen, oo yidhaahdeen, Hoognay, walaalkayow!
9370  1KI 18:26  Markaasay qaateen dibigii la siiyey, wayna qaleen, oo aroortii ilaa duhurkii ayay u yeedhanayeen magicii Bacal, oo waxay lahaayeen, Bacalow, na maqal! Laakiinse cod iyo wax iyaga u jawaabay toona ma jirin. Oo meeshii allabariga oo la dhisay hareeraheeda ayay boodboodayeen.
9385  1KI 18:41  Markaasaa Eliiyaah wuxuu Axaab ku yidhi, War kac oo wax cun, oo wax cab, waayo, waxaa sanqadhaya roob badan!
9486  1KI 22:3  Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil addoommadiisii ku yidhi, War miyeydnaan ogayn inaan iska leennahay Raamod Gilecaad? Oo annana waannu iska fadhinnaa, oo kalama aannu bixin gacantii boqorka Suuriya!
9567  2KI 2:12  Oo Eliishaana taas wuu arkay, oo wuxuu ku qayliyey, Aabbow, Aabbow, gaadhifardoodkii dadkii Israa'iil iyo raggoodii fardooleyda ahaa! Oo isna mar dambe uma uu jeedin; oo dharkiisii buu intuu ku dhegay laba inood u kala jeexay.
9590  2KI 3:10  Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu yidhi, Hoogay! waayo, Rabbigu wuxuu saddexdayadan boqor isugu yeedhay inuu gacanta reer Moo'aab na geliyo.
9626  2KI 4:19  Oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Madaxa madaxa! Oo isna wuxuu addoonkiisii ku yidhi, War qaad, oo hooyadiis u gee.
9647  2KI 4:40  Sidaas daraaddeed raggii bay u soo gureen inay cunaan aawadeed. Oo intay maraqii cunayeen ayay qayliyeen, oo yidhaahdeen, War nin yahow Ilaah, dheriga geeri baa ku jirta! Maraqiina way cuni kari waayeen.
9683  2KI 6:5  Laakiinse midba intuu qori jarayay ayaa faaskii intii birta ahayd biyihii ku dhex dhacday, oo isna intuu qayliyey ayuu yidhi, Sayidkaygiiyow, hoogay! Waayo, deyn buu igu ahaa.
9693  2KI 6:15  Oo ninkii Ilaah shaqeeyihiisii markuu aroortii soo toosay oo uu baxay, bal eeg, waxaa la arkay ciidan fardo iyo gaadhifardood wata oo magaaladii ku wareegsan. Markaasaa midiidinkiisii wuxuu isagii ku yidhi, Sayidow, hoogaye! sidee baynu yeeli doonnaa?
9806  2KI 10:9  Oo markii subaxdii la gaadhay ayuu soo baxay oo dibadda istaagay, oo wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Idinku xaq baad tihiin! Bal eega, anigu sayidkaygii baan shirqoolay, oo waan dilay, laakiinse bal yaa kuwan oo dhan laayay?
9847  2KI 11:14  Oo bal eeg, boqorku wuxuu taagnaa tiirka agtiisa siday caadadu ahayd, oo saraakiishii iyo kuwii turumbada watayna boqorkay ag taagnaayeen; oo dadkii waddanka oo dhammuna way reyreeyeen oo turumbooyin afuufeen. Markaasaa Catalyaah dharkeedii iska jeexjeexday oo waxay ku qaylisay, Waa fallaagow, waa fallaagow!
9889  2KI 13:14  Haddaba Eliishaa wuxuu la bukooday cudurkii uu u dhintay, oo waxaa isagii u yimid Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo intuu ku dul ooyay ayuu ku yidhi, Aabbow, aabbow, bal eeg, gaadhifardoodkii dalka Israa'iil iyo raggoodii fardooleyda ahaa!
10399  1CH 4:10  Oo Yacbeesna wuxuu baryay Ilaahii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Waxaan jeclaan lahaa inaad i barakaysid, oo aad soohdintayda ii ballaadhisid, iyo in gacantaadu ila jirto, oo aad sharka iga dhawrtid, si aanan u tiiraanyoon! Oo Ilaahna wuu siiyey wixii uu weyddiistay.
10694  1CH 11:17  Oo Daa'uudna intuu biyo u xiisooday ayuu yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in biyo layga siiyo ceelka Beytlaxam, ee iridda ku ag yaal!
11674  2CH 23:13  Oo bal eeg, boqorku wuxuu ag taagnaa tiirkiisii iridda u dhowaa, oo saraakiishii iyo kuwii turumbada watayna boqorkay ag taagnaayeen, oo dadkii waddanka oo dhammuna way reyreeyeen oo turumbooyin afuufeen, oo kuwii gabayaaga ahaana waxay ka dhawaajiyeen alaabtii muusikada oo waxay hoggaamiyeen kuwii qaaday gabaygii ammaanta ahaa. Kolkaasaa Catalyaah dharkeedii iska jeexjeexday oo waxay tidhi, Waa fallaagow! Waa fallaagow!
12850  EST 9:12  Markaasaa boqorkii wuxuu Boqorad Esteer ku yidhi, Yuhuuddii waxay Shuushan oo ah hoygayga ku laayeen oo ku baabbi'iyeen shan boqol oo nin, iyo Haamaan tobankiisii wiil. Oo gobolladayda intooda kale maxay ku sameeyeen! Haddaba baryadaadu waa maxay, waa lagu siinayaaye? Amase maxaad kaloo weyddiisanaysaa? Waa laguu samaynayaaye.
12953  JOB 4:19  Intee ka sii badan buu eedeeyaa kuwa guryaha dhoobada ah deggan, Oo aasaaskoodii boodhka ku jiro, Oo sida balanbaallis u burbura!
12984  JOB 6:2  Hahe haddii dhibkayga la miisaami lahaa, Oo masiibadayda kafado la wada saari lahaa!
12990  JOB 6:8  Hahe bal maan helo waxa aan u baryootamo, Oo Ilaah bal muu i siiyo waxa aan u xiisoodo!
12991  JOB 6:9  Oo xataa Ilaah bal muu iska jeclaado inuu i burburiyo, Oo bal muu gacantiisa iga sii daayo oo i baabbi'iyo!
13007  JOB 6:25  Erayo runu xoog badanaa! Laakiinse bal canaantiinna muranka ahu maxay caddaysaa?
13108  JOB 10:18  Bal maxaad iiga soo bixisay uurkii hooyaday? Waxaa wanaagsanaan lahayd in naftu iga baxdo iyadoo aan iluna i arag!
13117  JOB 11:5  Bal muu Ilaah hadlo! Oo bal muu bushimihiisa furo isagoo kaa gees ah!
13162  JOB 13:5  Bal maad iska aamustaan! Taasu xigmad bay idiin ahaan lahayd.
13198  JOB 14:13  Hahe bal maad She'ool igu qarisid, Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto, Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid!
13223  JOB 15:16  Haddaba bal sidee buu u daahir ahaanayaa nin karaahiyo iyo wasakhaan ah, Oo dembiga sida biyo u cabbaa!
13324  JOB 19:23  Waxaan jeclaan lahaa in erayadayda la qoro! Iyo in kitaab gudihiis lagu qoro!
13325  JOB 19:24  Iyo inay weligood dhagax kula qornaadaan Qalin bir ah iyo rasaas!
13405  JOB 22:12  War sow Ilaah kuma jiro samada sare? Oo bal eega xiddigaha dheeraantooda iyo siday u sarreeyaan!
13426  JOB 23:3  Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado meeshaan isaga ka heli karo, Si aan kursigiisa ugu imaado!
13471  JOB 25:6  Intee buu ka sii liitaa nin dirxi ahu! Iyo binu-aadmiga dirxiga ahu!
13473  JOB 26:2  Sidee baad u caawisay midka aan itaalka lahayn! Oo kan ayan gacantiisu xoogga lahayn sidee baad u badbaadisay!
13474  JOB 26:3  Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn! Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan!
13485  JOB 26:14  Bal eeg, waxanu waa darafyadii jidadkiisa uun; Oo inta isaga laga maqlaana yaraan badanaa! Laakiinse bal yaa onkodka xooggiisa garan kara?
13542  JOB 29:6  Markay tallaabooyinkaygu subagga la barwaaqoobi jireen, Oo ay webiyaasha saliidda ahu dhagaxa iiga soo shubmi jireen!
13627  JOB 31:35  Hoogaye haddaan lahaan lahaa mid i maqla! (Bal eeg, waa tan calaamaddaydii, haddaba Ilaaha Qaadirka ahu ha ii jawaabo;) Yaa i siinaya eedayntii uu cadowgaygu iga qoray!
13818  JOB 38:21  Shakila'aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay!
13900  JOB 40:32  Gacantaada isaga kor saar, Markaas dagaalka xusuuso, oo mar dambe saas yeeli maysid!
13963  PSA 3:2  Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa! Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin.
14023  PSA 8:2  Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
14031  PSA 8:10  Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
14099  PSA 14:7  Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
14466  PSA 36:8  Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa! Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.
14565  PSA 40:17  Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jecelu had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo!
14762  PSA 53:7  Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
14778  PSA 55:7  Oo anna waxaan is-idhi, Waxaan jeclaan lahaa inaan baalal yeesho sida qoolley oo kale! Markaasaan iska duuli lahaa oo nasan lahaa.
14927  PSA 66:3  Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa! Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.
15094  PSA 73:19  Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah! Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.
15211  PSA 78:40  Immisa jeer bay isaga ku caasiyoobeen markay cidlada joogeen, Oo immisa jeer bay calool xumeeyeen markay lamadegaanka dhex joogeen!
15285  PSA 81:9  Dadkaygiiyow, bal i maqla, Oo anna waan idiin digi doonaa, Reer binu Israa'iilow, bal haddaad i maqli lahaydeen!
15290  PSA 81:14  Bal may dadkaygu i dhegaystaan, Oo reer binu Israa'iil bal may jidkayga ku socdaan!
15322  PSA 84:2  Rabbiga ciidammadow, taambuugyadaadu sidee bay u yihiin wax la jeclaado!
15438  PSA 89:48  Bal xusuuso sida wakhtigaygu u gaaban yahay, Waayo, sidaad binu-aadmiga oo dhan u abuurtay micnedarnaa!
15482  PSA 92:6  Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa! Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.
15527  PSA 95:7  Waayo, isagu waa Ilaaheen, Oo innaguna waxaynu nahay dadkii daaqsintiisa, iyo idaha gacantiisa ku jira. Bal maanta maad codkiisa maqashaan!
15662  PSA 104:24  Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa! Kulligoodna xigmad baad ku samaysay, Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.
15774  PSA 107:8  Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
15781  PSA 107:15  Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
15787  PSA 107:21  Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
15797  PSA 107:31  Dadku muu Rabbiga ku ammaano wanaaggiisa, Iyo shuqulladiisa yaabka badan oo uu binu-aadmiga u sameeyo!
15971  PSA 119:5  Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo Inaan qaynuunnada dhawro!
16063  PSA 119:97  Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
16069  PSA 119:103  Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa! Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!