52 | GEN 2:21 | Oo Rabbiga Ilaah ahu hurdo weyn buu ku riday ninkii, kolkaasuu gam'ay; kolkaasuu wuxuu ka bixiyey feedhihiisii middood, meesheediina hilib buu ku awday. |
98 | GEN 4:18 | Enoogna waxaa u dhashay Ciiraad, Ciiraadna wuxuu dhalay Mexuuya'el, Mexuuya'elna wuxuu dhalay Metuusha'el, Metuusha'elna wuxuu dhalay Lameg. |
118 | GEN 5:12 | Qaynaanna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Mahalale'el. |
119 | GEN 5:13 | Qaynaanna markuu Mahalale'el dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo afartan sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
121 | GEN 5:15 | Mahalale'elna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Yaared. |
122 | GEN 5:16 | Mahalale'elna markuu Yaared dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
123 | GEN 5:17 | Wakhtigii Mahalale'el noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa siddeed boqol iyo shan iyo sagaashan sannadood, dabadeedna wuu dhintay. |
145 | GEN 6:7 | Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Waxaan dhulka ka baabbi'in doonaa dadkii aan abuuray; dadka, iyo weliba dugaagga, iyo waxa gurguurta, iyo haadda hawada; maxaa yeelay, waan ka qoomamooday samayntii aan sameeyey iyaga. |
147 | GEN 6:9 | Kuwanu waa farcankii Nuux. Nuux wuxuu ahaa nin xaq ah, oo ku eed la' farcankiisii; Nuuxna Ilaah buu la socon jiray. |
151 | GEN 6:13 | Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Intii jidh leh oo dhan dhammaadkoodii aan dhammayn lahaa ayaa gaadhay; waayo, dhulkii waxaa ka buuxsamay dulmi iyaga ka yimid, oo bal eeg, iyagaan dhulka la baabbi'in doonaa. |
155 | GEN 6:17 | Oo bal eeg, anigu daad biyo ah baan ku soo dayn dhulka, inaan baabbi'iyo inta jidhka leh oo dhan oo neefta noloshu ku jirto, inta samada ka hoosaysa; wax kasta oo dhulka joogaaba way dhiman doonaan. |
164 | GEN 7:4 | Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood, dabadeedna afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan roob ku soo dayn dhulka; oo wax kasta oo nool oo aan sameeyey waan ka baabbi'in doonaa dhulka dushiisa. |
172 | GEN 7:12 | Roobkuna wuxuu dhulka ku da'ayay afartan maalmood iyo afartan habeen. |
183 | GEN 7:23 | Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii. |
217 | GEN 9:11 | Oo waxaan idinku adkayn doonaa axdigayga; inta jidh leh oo dhan mar dambe biyo daad ah laguma baabbi'in doono; daad dambe oo dhulka baabbi'iyaana mar dambe ma jiri doono. |
221 | GEN 9:15 | oo waxaan xusuusan doonaa axdigayga ina dhex yaal aniga iyo idinka iyo uun kasta oo nool oo jidh kasta leh; biyuhuna dib dambe ma noqon doonaan daad baabbi'iya inta jidh leh oo dhan. |
263 | GEN 10:28 | iyo Coobaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa; |
324 | GEN 13:5 | Oo Luud, oo isna Aabraam la socday, wuxuu lahaa adhi, iyo lo', iyo teendhooyin. |
329 | GEN 13:10 | Kolkaasuu Luud indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay Bannaankii Webi Urdun oo dhan, iyo inay meel waluba aad u waraabsan tahay, intaan Rabbigu baabbi'in Sodom iyo Gomora; wuxuu u ekaa beertii Ilaah, iyo sida dalka Masar markaad tagto xagga Socar. |
342 | GEN 14:5 | Sannaddii afar iyo tobnaadna waxaa yimid Kedorlaacomer, iyo boqorradii la jiray, oo waxay reer Refaa'iim ku dileen Cashterod Qarnayim, oo reer Suusiimna waxay ku dileen Haam, oo reer Eymiimna waxay ku dileen Shaweh Qiryaatayim, |
363 | GEN 15:2 | Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaad i siin doontaa? Waayo, anigu carruurla'aan baan sii socdaa, reerkaygana waxaa dhaxli doona Eliiceser oo ah reer Dimishaq. |
370 | GEN 15:9 | Oo wuxuu ku yidhi, Ii kaxee qaalin lo' ah oo saddex jir ah, iyo ceesaan saddex jir ah, iyo wan saddex jir ah, iyo qoolley, iyo xamaam yar. |
381 | GEN 15:20 | iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Refaa'iim, |
389 | GEN 16:7 | Oo malaa'igtii Rabbigaa heshay iyadoo ag joogta il biyo ah oo cidlada ku taal, oo ishuna waxay ku tiil jidka Shuur. |
390 | GEN 16:8 | Oo malaa'igtii waxay ku tidhi, Haagaar, midiidintii Saaray, xaggee baad ka timid? Xaggee baadse ku socotaa? Oo waxay ku tidhi, Murwadayda Saaray baan ka cararayaa. |
391 | GEN 16:9 | Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Ku noqo murwadaadii, oo gacmaheeda is-hoos dhig. |
392 | GEN 16:10 | Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Farcankaaga aad baan u tarmin doonaa si aan loo tirin karin farabadnaantiisa aawadeed. |
393 | GEN 16:11 | Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Bal eeg, uur baad leedahaye, oo wiil baad dhali doontaa; magiciisana waxaad u bixin doontaa Ismaaciil, maxaa yeelay, Rabbigu waa maqlay dhibaatadaadii. |
396 | GEN 16:14 | Sidaas daraaddeed ceelkii waxaa loo bixiyeyBi'ir Lahayroy; bal eeg, wuxuu u dhexeeyaa Qaadeesh iyo Bered. |
399 | GEN 17:1 | Oo markuu Aabraam jiray sagaal iyo sagaashan sannadood ayaa Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah; hortayda ku soco, oo mid eed la' ahow. |
412 | GEN 17:14 | Oo buuryoqabka lab oo aan buuryadiisa laga gooynin, midkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa; waayo, axdigaygii buu jebiyey. |
432 | GEN 18:7 | Oo Ibraahim xagga lo'dii buu ku orday, oo wuxuu soo kaxeeyey dibi yar oo dhaylo ah oo wanaagsan, oo wuxuu u dhiibay nin dhallinyaro ah, isaguna dhaqsuu u diyaariyey. |
436 | GEN 18:11 | Haddaba Ibraahim iyo Saarah way da' weynaayeen; gabow bayna la dhaceen; caadadii naaguhuna Saarah way ka joogsatay. |
448 | GEN 18:23 | Oo Ibraahim baa u dhowaaday, oo yidhi, Miyaad kuwa xaqa ah la baabbi'inaysaa kuwa sharka fala? |
449 | GEN 18:24 | Mindhaa waxaa magaalada jooga konton xaq ah. De miyaad baabbi'inaysaa meesha oo aadan ugu tudhaynin kontonka xaqa ah ee jooga aawadood? |
453 | GEN 18:28 | Mindhaa kontonka xaqa ah shan baa ka dhiman; miyaad magaalada oo dhan u baabbi'in hadday shanu ka dhiman tahay? Markaasuu yidhi, Baabbi'in maayo haddaan meeshaas shan iyo afartan ka helo. |
454 | GEN 18:29 | Kolkaasuu mar kale la hadlay, oo yidhi, Mindhaa waxaa halkaas laga heli afartan. Markaasuu yidhi, Afartanka aawadood ayaanan u baabbi'inayn. |
455 | GEN 18:30 | Oo wuxuu yidhi, Sayidku yuusan cadhoon, waan la hadlayaaye. Mindhaa waxaa halkaas laga heli soddon. Markaasuu yidhi, Baabbi'in maayo haddaan soddon halkaas ka helo. |
456 | GEN 18:31 | Markaasuu yidhi, Bal eeg, waxaan isu diray inaan Sayidka la hadlo: mindhaa waxaa halkaas laga heli labaatan. Markaasuu yidhi, Labaatanka daraaddood ayaanan u baabbi'inayn. |
457 | GEN 18:32 | Oo wuxuu yidhi, Sayidku yuusan cadhoon, oo weli waan la hadlayaaye, waase markan keliya. Mindhaa waxaa halkaas laga heli toban. Wuxuuna yidhi, Tobanka daraaddood ayaanan u baabbi'inayn. |
459 | GEN 19:1 | Oo labadii malaa'igood baa Sodom fiidkii yimid; Luudna wuxuu fadhiyey iridda Sodom. Oo markuu Luud iyagii arkay ayuu u kacay inuu ka hor tago; wuuna sujuuday oo wejigiisuu dhulka saaray; |
471 | GEN 19:13 | waayo, meeshan waannu baabbi'in doonnaa, maxaa yeelay, qayladoodii baa Rabbiga hortiisa aad ugu badatay: oo Rabbigu wuxuu noo soo diray inaannu baabbi'inno. |
472 | GEN 19:14 | Markaasuu Luud dibadda u baxay, oo wuxuu la hadlay wiilashuu soddogga u ahaa, oo gabdhihiisa qabay, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, oo ka soo baxa meeshan; waayo, Rabbigu magaalada wuu baabbi'in doonaa. Laakiin wuxuu wiilashuu soddogga u ahaa ula ekaaday sidii mid ku cayaaraya. |
473 | GEN 19:15 | Oo markii waagii beryay ayaa malaa'igihii Luud deddejiyeen, iyagoo leh, Kac, oo la tag naagtaada iyo labadaada gabdhood oo halkan jooga; waaba intaasoo aad dembiga magaalada ku baabba'daane. |
475 | GEN 19:17 | Oo markay dibadda u soo bixiyeen ayuu ku yidhi, Naftaada la baxso; gadaashaadana ha eegin. Bannaanka oo dhanna ha joogsan, ee buurta u baxso, waaba intaas oo aad baabba'daaye. |
487 | GEN 19:29 | Oo waxay noqotay, markii Ilaah baabbi'iyey magaalooyinkii Bannaanka, in Ilaah xusuustay Ibraahim, Luudna roggidda wuu ka bixiyey markuu rogay magaalooyinkii Luud dhex degganaa. |
495 | GEN 19:37 | Oo tii curaddii ahayd waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Moo'aab, isna waa reer Moo'aabka maanta joogo aabbahood. |
500 | GEN 20:4 | Abimelegna uma uusan dhowaan iyada, wuxuuna yidhi, Sayidow, miyaad quruun xaq ah baabbi'inaysaa? |
516 | GEN 21:2 | Oo Saarah way uuraysatay, oo Ibraahim wiil bay u dhashay isagoo da' weyn, waxayna ahayd wakhtigii Ilaah kala hadlay isaga. |
521 | GEN 21:7 | Oo waxay tidhi, Yaa Ibraahim ku odhan lahaa, Saarah carruur bay nuujin doontaa? Waayo, wiil baan u dhalay isaga oo da' weyn. |
528 | GEN 21:14 | Ibraahimna aroortii horuu kacay, wuxuuna qaaday cunto iyo sibraar biyo ah, oo Haagaar buu siiyey intuu garbaha u saaray, wiilkiina wuu siiyey, markaasuu eryay: wayna iska tagtay, oo ku wareegtay cidladii Bi'ir Shebac. |
531 | GEN 21:17 | Ilaah baana maqlay codkii wiilka; malaa'igtii Ilaahna Haagaar bay samada uga yeedhay, oo waxay ku tidhi, Haagaaray, maxaa ku helay? Ha baqin; waayo, Ilaah waa maqlay codkii wiilka, meeshuu joogo isagu. |
545 | GEN 21:31 | Sidaas daraaddeed meeshaas wuxuu u bixiyey Bi'ir Shebac; maxaa yeelay, labadooduba meeshaas bay ku dhaarteen. |
546 | GEN 21:32 | Sidaas daraaddeed axdi bay ku dhigteen Bi'ir Shebac; markaasaa Abimeleg kacay, isaga iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa, oo waxay ku noqdeen dhulkii reer Falastiin. |
547 | GEN 21:33 | Ibraahimna geed buu Bi'ir Shebac ku beeray, oo halkaas buu ku ducaystay magaca Rabbiga Ilaaha daa'imka ah. |
559 | GEN 22:11 | Markaasay malaa'igtii Rabbigu samada uga yeedhay isaga, oo waxay ku tidhi, Ibraahimow, Ibraahimow. Kolkaasuu yidhi, Waa i kan. |
563 | GEN 22:15 | Kolkaasaa mar labaad malaa'igtii Rabbigu Ibraahim samada uga yeedhay, |
567 | GEN 22:19 | Haddaba Ibraahim wuxuu ku noqday raggiisii dhallinyarada ahaa, markaasay kaceen oo waxay wada tageen Bi'ir Shebac, Ibraahimna wuxuu iska degay Bi'ir Shebac. |
569 | GEN 22:21 | Waxay yihiin Cuus oo ah curadkiisa, iyo Buus oo ah walaalkiis, iyo Qemuu'el oo ah Araam aabbihiis; |
570 | GEN 22:22 | iyo Kesed, iyo Haso, iyo Fildash, iyo Yidlaf iyo Betuu'el. |
571 | GEN 22:23 | Betuu'elna wuxuu dhalay Rebeqah. Siddeeddan bay Milkah u dhashay Naaxoor, oo ahaa Ibraahim walaalkiis. |
572 | GEN 22:24 | Addoontiisii la odhan jiray Re'uumah waxay iyana u dhashay Tebah, iyo Gaham, iyo Tahash, iyo Macakah. |
593 | GEN 24:1 | Ibraahimna waa da' weynaa, gabow buuna la dhacay. Rabbiguna Ibraahim buu ku barakeeyey wax walba. |
599 | GEN 24:7 | Rabbiga Ilaaha samada ah, oo iga soo kaxeeyey gurigii aabbahay iyo dalkaygii aan ku dhashay, oo ila hadlay, iiguna dhaartay, isagoo leh, Farcankaaga ayaan dalkan siinayaa, ayaa malaa'igtiisa kaa sii hor diri doona, wiilkaygana naag baad halkaas uga soo guurin doontaa. |
603 | GEN 24:11 | Awrtiina wuxuu tu'iyey meel magaalada dibaddeeda ah oo ceelka biyaha agtiisa ah kolkay galabtii ahayd, marka dumarku biyo dhaansiga u soo baxaan. |
607 | GEN 24:15 | Intuusan hadalkii dhammayn, waxaa soo baxday, iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, Rebeqah oo u dhalatay Betuu'el wiilkii Milkah, oo ahayd naagtii Naaxoorkii ahaa Ibraahim walaalkiis. |
616 | GEN 24:24 | Oo waxay ku tidhi isagii, Anigu waxaan ahay ina Betuu'el, wiilkii Milkah ay Naaxoor u dhashay. |
627 | GEN 24:35 | Rabbigu aad iyo aad buu u barakeeyey sayidkayga, wuuna weynaaday: wuxuuna siiyey adhi iyo lo', iyo lacag iyo dahab, iyo rag addoommo ah, iyo naago addoommo ah, iyo geel iyo dameerro. |
632 | GEN 24:40 | Oo wuxuu igu yidhi, Rabbiga aan hortiisa ku socdo wuxuu ku raacin doonaa malaa'igtiisa, jidkaagana wuu kugu liibaanin doonaa, wiilkaygana naag baad uga guurin doontaa xigaalkaygii iyo gurigii aabbahay, |
639 | GEN 24:47 | Markaasaan weyddiiyey oo ku idhi, Ina ayaad tahay? Oo waxay tidhi, Ina Betuu'el wiilkii Naaxoor ay Milkah u dhashay isaga. Markaasaan sangeliskii sanka u sudhay; dugaagadihiina gacmaha u geliyey. |
642 | GEN 24:50 | Markaasay Laabaan iyo Betuu'el jawaabeen oo yidhaahdeen, Waxanu wuxuu ka soo baxay xagga Rabbiga, annana kugulama hadli karno xumaan iyo samaan toona. |
654 | GEN 24:62 | Isxaaqna wuxuu ka yimid xagga jidka Bi'ir Lahayroy, waayo, wuxuu degganaa dhulka Koonfureed. |
661 | GEN 25:2 | Oo waxay u dhashay Simraan, iyo Yoqshaan, iyo Medaan, iyo Midyaan, iyo Yishbaaq, iyo Shuu'ah. |
662 | GEN 25:3 | Yoqshaanna wuxuu dhalay Shebaa, iyo Dedaan. Wiilashii Dedaanna waxay ahaayeen Ashuurim, iyo Letushim, iyo Le'ummiim. |
670 | GEN 25:11 | Ibraahim geeridiisii ka dib ayaa Ilaah barakeeyey wiilkiisii Isxaaq; Isxaaqna wuxuu ag degganaa Bi'ir Lahayroy. |
672 | GEN 25:13 | Kuwanuna waa magacyadii wiilashii Ismaaciil, magacyadoodii sidii farcankoodii ahaa. Curadkii Ismaaciil wuxuu ahaa Nebayod; waxaana ku xigay Qedaar, iyo Adbe'el, iyo Mibsam, |
679 | GEN 25:20 | Isxaaqna afartan sannadood buu jiray markuu guursaday Rebeqah ina Betuu'el kii dalkiisu ahaa Suuriya ee reer Fadan Araam, iyadoo ahayd Laabaan kii dalkiisu Suuriya ahaa walaashiis. |
707 | GEN 26:14 | wuxuuna lahaa adhi iyo lo', iyo addoommo fara badan; markaasay reer Falastiin ka masayreen. |
716 | GEN 26:23 | Markaasuu halkaas ka tegey, oo wuxuu u kacay Bi'ir Shebac. |
726 | GEN 26:33 | Markaasuu u bixiyey Shebcaah; sidaas daraaddeed magaaladaas magaceeda waxaa ilaa maantadan la yidhaahdaa Bi'ir Shebac. |
727 | GEN 26:34 | Ceesaw markuu afartan sannadood jiray ayuu guursaday Yuhuudiid ina Be'eerii kii reer Xeed, iyo Basmad ina Eeloon kii reer Xeed. |
740 | GEN 27:12 | Mindhaa aabbahay waa i taaban doonaa, oo markaasaan ula ekaan doonaa khaa'in, oo habaar baan isu soo jiidi doonaa, ducose ma heli doono. |
772 | GEN 27:44 | oo dhawr maalmood isaga la joog, ilaa walaalkaa ciilku ka ba'ayo, iyo ilaa walaalkaa cadhaduu kuu qabo ka ba'ayso, |
776 | GEN 28:2 | Kac oo xagga Fadan Araam tag, iyo xagga gurigii Betuu'el oo ah hooyadaa aabbeheed; oo halkaas naag ka guurso gabdhaha Laabaan oo ah hooyadaa walaalkeed. |
779 | GEN 28:5 | Isxaaqna Yacquub wuu diray: oo wuxuu u kacay Fadan Araam xagga Laabaan, ina Betuu'el kii reer Suuriya, oo ahaa Rebeqah walaalkeed tii ahayd Yacquub iyo Ceesaw hooyadood. |
784 | GEN 28:10 | Yacquubna waa ka tegey Bi'ir Shebac, oo wuxuu u kacay xagga Haaraan. |
786 | GEN 28:12 | Wuuna riyooday, oo riyadiisii wuxuu ku arkay sallaan dhulka qotoma oo caaraddiisiina samada gaadhay, wuxuuna arkay malaa'igihii Ilaah oo ku koraya, kuna soo degaya. |
811 | GEN 29:15 | Markaasaa Laabaan Yacquub ku yidhi, Walaalkayga aad tahay aawadeed ma habboon tahay inaad mushahaarola'aan iigu shaqaysid? Bal ii sheeg, mushahaaradaadu maxay ahaan doontaa? |
812 | GEN 29:16 | Laabaanna wuxuu lahaa laba gabdhood: midda weyn magaceedu wuxuu ahaa Lee'ah, tan yar magaceeduna wuxuu ahaa Raaxeel. |
813 | GEN 29:17 | Lee'ahna way indha darnayd, laakiinse Raaxeel way quruxsanayd, suurad wanaagsanna way lahayd. |
819 | GEN 29:23 | Oo waxay noqotay inuu fiidkii kaxeeyey gabadhiisii Lee'ah, oo uu u geeyey isagii; isna wuu u tegey iyadii. |
820 | GEN 29:24 | Laabaanna wuxuu gabadhiisii Lee'ah siiyey Silfah oo isaga addoon u ahayd inay iyada addoon u noqoto. |
821 | GEN 29:25 | Yacquubna wuxuu aroortii arkay inay tahay Lee'ah, oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Miyaanan Raaxeel kuugu shaqaynayn? De maxaad haddaba ii khiyaanaysay? |
826 | GEN 29:30 | Oo Raaxeelna wuu u tegey, oo isna Raaxeel aad buu uga jeclaa Lee'ah, toddoba sannadood oo kalena wuu u shaqeeyey isaga. |
827 | GEN 29:31 | Rabbiguna wuxuu arkay in Lee'ah la nebcaaday, markaasuu maxalkeedii furay; laakiinse Raaxeel waxay ahayd madhalays. |
828 | GEN 29:32 | Lee'ahna way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Ruubeen, oo waxay tidhi, Sababtu waxaa weeye inuu Rabbigu dhibaatadayda arkay, oo haatan ninkaygu wuu i jeclaan doonaa. |
840 | GEN 30:9 | Lee'ahna markay aragtay inay dhalmo daysay ayay kaxaysay addoonteedii Silfah, oo waxay siisay Yacquub inuu naag ka dhigto. |
841 | GEN 30:10 | Lee'ah addoonteedii Silfah ahaydna Yacquub wiil bay u dhashay. |
842 | GEN 30:11 | Oo Lee'ahna waxay tidhi, Ayaan weynaa! Magiciisiina waxay u bixisay Gaad. |
843 | GEN 30:12 | Lee'ah addoonteedii Silfah ahaydna wiil labaad bay u dhashay Yacquub. |