247 | GEN 10:12 | iyo Resen oo u dhexeeyey Nineweh iyo Kaalah, (taasuna waxay tahay magaalada weyn). |
249 | GEN 10:14 | iyo Fatrusiim iyo Kasluxiim (oo ay reer Falastiin ka yimaadeen), iyo Kaftoriim. |
339 | GEN 14:2 | inay la dirireen Berac oo boqor u ahaa Sodom, iyo Birshac oo boqor u ahaa Gomora, iyo Shinaab oo boqor u ahaa Admah, iyo Shemeeber oo boqor u ahaa Seboyim, iyo boqorkii Belac (oo iyana ahayd Socar). |
340 | GEN 14:3 | Kuwanu waxay kulligood isugu yimaadeen Dooxo Siddiim (oo iyana ahayd Baddii Cusbada). |
344 | GEN 14:7 | Oo way soo noqdeen, oo waxay yimaadeen Ceyn Mishfaad (oo iyana ahayd Qaadeesh), oo waxay dileen dadkii dalkii reer Camaaleq oo dhan, waxaa kale oo ay dileen reer Amor oo degganaa Hasason Tamar. |
345 | GEN 14:8 | Oo waxaa soo baxay boqorkii Sodom, iyo boqorkii Gomora, iyo boqorkii Admah, iyo boqorkii Seboyim, iyo boqorkii Belac (oo iyana ahayd Socar); oo waxay Dooxo Siddiim ugu diyaargaroobeen inay la dagaallamaan |
478 | GEN 19:20 | Bal eeg, magaaladan baa dhow inaan u cararo, waana mid yar, de iyada aan u baxsado, (miyaanay mid yar ahayn?) naftayduna waa noolaan doontaa. |
1018 | GEN 35:6 | Yacquubna wuxuu yimid Luus oo ku taal dalka Kancaan (taasuna waa Beytel), isagii iyo dadkii la jiray oo dhanba. |
1498 | GEN 49:24 | Laakiinse qaansadiisu xoog bay sii yeelatay, Dhudhummadii gacmihiisana waxaa lagu xoogeeyey Gacmaha Kan xoogga leh oo Yacquub, (Kaasuu adhijirku ka imanayaa, waana dhagaxii Israa'iil) |
2396 | EXO 30:13 | Oo waxan waa inay bixiyaan, nin walba oo u gudba kuwa la tiriyey waa inuu bixiyaa nus sheqel le'eg sheqelkii meesha quduuska ah: (sheqelku waa labaatan geeraah:) nus sheqel waa in Rabbiga loo bixiyaa. |
3279 | LEV 18:27 | (waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;) |
3740 | NUM 3:47 | madaxtiriskiiba waxaad iigu madax furataa shan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah. (Sheqelku waa labaatan geeraah.) |
4098 | NUM 13:22 | Oo waxay tageen xagga koonfureed, oo yimaadeen Xebroon; oo Axiiman iyo Sheeshay iyo Talmay oo reer Canaaq ahaa ayaa halkaas degganaa. (Oo Xebroon waxaa la dhisay goor toddoba sannadood ka horraysa intaan la dhisin Socan oo Masar ku taal.) |
4274 | NUM 18:16 | Oo kuwa la madax furayo, markay bil jiraan waa inaad ku madax furtaa, sidaad u qiimayso, lacag ah shan sheqel oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah (kaasu waa labaatan geeraah). |
4570 | NUM 27:14 | maxaa yeelay, eraygayga baad kaga caasideen cidladii Sin markay dadka shirku dirireen ee aad aniga quduus igaga dhigi weydeen biyaha agtooda, iyagoo u jeeda. (Kuwaasu waa biyihii Meriibaah oo ku yaal Qaadeesh oo ah cidlada Sin.) |
4610 | NUM 28:31 | Oo iyaga iyo qurbaannadooda cabniinka waa inaad bixisaan iyadoo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa hadhuudhka ahu ku jirin (oo waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn). |
4712 | NUM 31:46 | iyo lix iyo toban kun oo qof.) |
4719 | NUM 31:53 | (Waayo, raggii dagaalyahannada ahaa nin waluba wuxuu qaatay wixii uu soo dhacay.) |
4758 | NUM 32:38 | iyo Neboo, iyo Bacal Mecoon, (kuwaasoo magacyadoodii la beddelay,) iyo Sibmaah; oo magacyo kalay u bixiyeen magaalooyinkii ay dhisteen. |
4798 | NUM 33:36 | Oo Cesyoon Geberna way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Sin (taasoo ah Qaadeesh). |
4820 | NUM 34:2 | Reer binu Israa'iil waxaad ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka Kancaan, (kaas oo ah dalka dhaxal idiinku dhici doona oo ah dalka Kancaan siday soohdimihiisu yihiin,) |
4952 | DEU 2:12 | Oo reer Xorna waagii hore waxay degganaan jireen Seciir, laakiinse reer Ceesaw ayaa daba hantiyey oo hortooda ka baabbi'iyey, oo meeshoodii degay, sida reer binu Israa'iil ay ku sameeyeen dalkii ay hantiyeen oo Rabbigu iyaga siiyey.) |
4963 | DEU 2:23 | Oo reer Caw oo degganaa tuulooyin tan iyo Gaasa yiil waxaa wada baabbi'iyey oo meeshoodii degay reer Kaftoriim oo ka soo baxay Kaftoor.) |
4986 | DEU 3:9 | (Reer Siidoon waxay Xermoon ku magacaabaan Siryon, reer Amorna waxay ku magacaabaan Seniir.) |
4988 | DEU 3:11 | (Waayo, boqorkii Baashaan oo ahaa Coog keligiis ayaa ka hadhay dadkii reer Refaa'iim, oo bal eeg, sariirtiisu waxay ahayd sariir bir ah, oo dhererkeedu wuxuu ahaa sagaal dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa afar dhudhun, markii nin dhudhunkiis lagu qiyaaso. Sariirtaas sow ma oollin Rabbaah oo ku taal dalka reer Cammoon?) |
4991 | DEU 3:14 | Reer Yaa'iir oo ahaa ina Manasehna wuxuu qabsaday gobolka Argob oo dhan iyo tan iyo soohdinta reer Geshuur iyo reer Macakaah, oo Baashaanna wuu isugu magacaabay oo u bixiyey Hawood Yaa'iir, oo ilaa maantadanna waa loo yaqaan.) |
4996 | DEU 3:19 | Laakiinse afooyinkiinna iyo yaryarkiinna iyo xoolihiinnu ha iska joogeen magaalooyinkiinna aan idin siiyey, (waayo, waan ogahay inaad xoolo badan leedihiin,) |
5054 | DEU 4:48 | Waxay qabsadeen tan iyo Carooceer oo ku taal Dooxada Arnoon qarkiisa iyo xataa Buur Sii'oon (taasu waa Buur Xermoon), |
5060 | DEU 5:5 | (oo anna markaas waxaan istaagay Rabbiga iyo idinka dhexdiinna si aan idiin tuso Eraygii Rabbiga, waayo, waxaad ka cabsanayseen dabka, oo buurtana ma aydaan fuulin,) oo isaguna wuxuu yidhi, |
5197 | DEU 10:9 | Oo sidaas daraaddeed Laawi walaalihiis lama laha qayb iyo dhaxal toona, dhaxalkiisa waxaa ah Rabbiga sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu ku yidhi.) |
5325 | DEU 15:4 | Si kastaba ha ahaatee mid miskiin ah waa inaan dhexdiinna laga helin, (maxaa yeelay, hubaal Rabbigu waa idinku barakayn doonaa dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siinayo inaad hantidaan,) |
5698 | DEU 29:16 | waanad aragteen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa iyo sanamyadoodii ahaa qoryaha, iyo dhagaxa, iyo lacagta, iyo dahabka, oo iyaga dhex yiil,) |
5910 | JOS 3:15 | oo markii kuwa sanduuqa sida ay soo gaadheen Webi Urdun, oo wadaaddada sida sanduuqa ay cagahoodu galeen biyaha qarkooda, (waayo, xilliga waxgoosashada oo dhan Webi Urdun qararkiisa oo dhan buu buuxdhaafaa) |
5952 | JOS 6:1 | (Haddaba Yerixoo waxaa loo xidhay reer binu Israa'iil aawadood; oo lamana geli jirin, lagamana bixi jirin.) |
6168 | JOS 13:12 | iyo boqortooyadii Baashaan ku tiil oo dhan oo Coog ka xukumi jiray Cashtarod iyo Edrecii (Isagu wuxuu ka hadhay reer Rafaa), waayo, kuwaas waxaa laayay Muuse, wuuna eryay. |
6213 | JOS 15:9 | Oo soohdintu waxay ka soo baxday buurta dhaladeeda ilaa isha biyaha ee Neftoo'ax, oo ay u baxday xagga magaalooyinkii ku yiil Buur Cefroon; oo soohdintu waxay sii martay xagga Bacalaah, (taasu waxa weeyaan Qiryad Yecaariim), |
6214 | JOS 15:10 | markaasay soohdintu ka laabatay Bacalaah galbeedkeeda ilaa Buur Seciir, oo waxay sii martay Buur Yecaariim dhinaceeda woqooyi (taasuna waxa weeyaan Kesaaloon), oo waxay hoos ugu dhaadhacday xagga Beytshemesh, oo waxay sii martay Timneh; |
6217 | JOS 15:13 | Oo wuxuu Kaaleeb ina Yefunneh qayb ka siiyey reer Yahuudah dhexdooda, sidii Rabbigu Yashuuca ugu amray, oo qaybtaas wuxuu ahaa Qiryad Arbac, kaas oo ahaa Canaaq aabbihiis (taasuna waxa weeyaan Xebroon). |
6229 | JOS 15:25 | iyo Xaasoor Xadataah, iyo Qiryood Xesroon (oo taasuna waa Xaasoor qudheeda), |
6253 | JOS 15:49 | iyo Dannaah, iyo Qiryad Sannaah (taasoo Debiir ah), |
6258 | JOS 15:54 | Xumtaah, iyo Qiryad Arbac (taasoo ah Xebroon), iyo Siicor, iyana waa sagaal magaalo iyo tuulooyinkoodii. |
6264 | JOS 15:60 | Qiryad Bacal (taasoo ah Qiryad Yecaariim), iyo Rabbaah, iyana waa laba magaalo iyo tuulooyinkoodii. |
6308 | JOS 18:13 | Oo soohdintu waxay halkaas uga gudubtay Luus (taasoo ah Beytel), iyo ilaa dhinaceeda koonfureed, oo soohdintu waxay ku dhaadhacday Cataarood Addaar, taasoo u dhow buurta ku taal Beytxooroonta hoose xaggeeda koonfureed. |
6323 | JOS 18:28 | iyo Seelac, iyo Elef, iyo Yebuus (taasoo ah Yeruusaalem), iyo Gibecaad, iyo Qiryad, oo intaasu waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. Intaasu waa dhaxalkii reer Benyaamiin siday reerahoodii ahaayeen. |
6381 | JOS 20:7 | Oo waxay sooceen Qedesh oo ku tiil Galili oo ah dalka buuraha leh oo reer Naftaali, iyo Shekem oo iyana ku tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyo Qiryad Arbac (oo ah Xebroon) ee ku tiil dalka buuraha leh oo reer Yahuudah. |
6394 | JOS 21:11 | Oo waxaa la siiyey Qiryad Arbac, oo Arbacna wuxuu ahaa Canaaq aabbihiis (oo taasuna waa Xebroon), oo waxay ku tiil dalka buuraha leh ee reer Yahuudah, iyada iyo agagaarkeeda ku wareegsanba. |
6450 | JOS 22:22 | Rabbiga ah Ilaaha ilaahyada, Rabbiga ah Ilaaha ilaahyadu wuu og yahay, oo reer binu Israa'iilna waa inuu ogaadaa, haddii taasu caasinimo tahay, ama xadgudub Rabbiga ka gees ah (maanta ha na badbaadin), |
6521 | JDG 1:10 | Oo reer Yahuudah waxay ku duuleen dadkii reer Kancaan oo degganaa Xebroon, (oo waagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac), oo waxay laayeen Sheeshay iyo Axiiman iyo Talmay. |
6522 | JDG 1:11 | Oo intay halkaas ka tageen ayay dadkii degganaa Debiir ku duuleen. (Oo waagii hore Debiir magaceedu wuxuu ahaa Qiryad Sefer). |
6534 | JDG 1:23 | Oo reer Yuusufna waxay Beytel u direen ilaallo soo basaasta. (Magaaladaas markii hore waxaa magaceeda la odhan jiray Luus.) |
6745 | JDG 8:24 | Oo haddana Gidcoon wuxuu ku yidhi, Waxaan idin weyddiisan lahaa in ninkiin waluba i siiyo hilqadihii uu boolida u helay. (Waxay haysteen hilqado dahab ah, maxaa yeelay, waxay ahaayeen reer Ismaaciil). |
6774 | JDG 9:18 | oo idinku maanta waxaad ku kacdeen reerkii aabbahay, oo waxaad isku dhagax ku layseen wiilashiisii oo ah toddobaatan qof, oo waxaad dadkii Shekem boqor uga dhigteen Abiimeleg oo ah wiilkii addoontiisa, maxaa yeelay, isagu waa walaalkiin;) |
7036 | JDG 19:10 | Laakiinse ninkii ma doonaynin inuu habeenkaas joogo, wuuse kacay oo tegey, oo wuxuu yimid meel ku toosan Yebuus, (taas oo ah Yeruusaalem); oo wuxuu watay laba dameer oo kooraysan, oo naagtiisii addoonta ahaydna way la socotay. |
7059 | JDG 20:3 | (Markaasaa reer Benyaamiin waxay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah tageen.) Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War bal noo sheeg siday xumaantanu u dhacday. |
7079 | JDG 20:23 | (Markaasay reer binu Israa'iil tageen oo ilaa fiidkii ku hor ooyeen Rabbiga, oo Rabbigay weyddiisteen iyagoo leh, Miyaannu haddana u dhowaannaa inaannu walaalahayo reer Benyaamiin la dirirno? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga oo la dirira.) |
7084 | JDG 20:28 | oo wakhtigaas waxaa is-hor taagi jiray Fiinexaas ina Elecaasaar oo ina Haaruun ahaa), oo waxay yidhaahdeen, Miyaannu mar kale haddana ku duulnaa walaalahayo reer Benyaamiin, mise waannu ka joogsannaa? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga, waayo, berri baan gacanta idiin soo gelin doonaa. |
7280 | 1SA 3:2 | Oo wakhtigaas markii Ceelii jiifsaday meeshiisii, (haddaba indhihiisii way arag darnaayeen oo waxba ma uu arki karin) |
7402 | 1SA 9:9 | (Waagii hore reer binu Israa'iil dhexdooda markii nin Ilaah wax weyddiisanayo, sidan buu odhan jiray, Ina keena aan wax arkaha u tagnee, waayo, haatan kan la yidhaahdo, Nebi, waagii hore waxaa la odhan jiray, Wax arke.) |
7420 | 1SA 9:27 | Oo markay ka sii dhaadhacayeen magaalada darafkeeda, Samuu'eel ayaa Saa'uul ku yidhi, Midiidinka u sheeg inuu inaga sii hor maro, (markaasuu isna ka hor maray,) laakiinse adigu istaag haatan, aan erayga Ilaah ku maqashiiyee. |
7493 | 1SA 13:6 | Oo dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inay cidhiidhi ku jiraan, (waayo, dadku way dhibaataysnaayeen) markaasaa dadkii waxay ku dhuunteen godad, iyo kayn, iyo dhagaxyo dhexdooda, iyo boholo, iyo hogag. |
8062 | 2SA 2:10 | (Oo Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul afartan sannadood buu jiray markii uu bilaabay inuu boqor u noqdo reer binu Israa'iil, oo wuxuuna boqor u ahaa laba sannadood.) Laakiinse reer Yahuudah waxay raaceen Daa'uud. |
8126 | 2SA 4:3 | oo reer Bi'irodna waxay u carareen xagga Gitayim, oo halkaasay degganaayeen ilaa maantadan). |
8266 | 2SA 11:4 | Markaasaa Daa'uud wargeeyayaal u diray, wuuna soo kaxaystay; markaasay u soo gashay, wuuna la seexday, (waayo, waxay iska daahirisay nijaasteedii); dabadeedna gurigeedii bay ku noqotay. |
8585 | 2SA 21:2 | Markaasaa boqorkii reer Gibecoon u yeedhay, oo ku yidhi; (haddaba reer Gibecoon ma ay ahayn reer binu Israa'iil, laakiinse waxay ahaayeen dad ka hadhay reer Amor; oo reer binu Israa'iilna way u dhaarteen iyaga; oo Saa'uul baa wuxuu damcay inuu laayo iyaga qiiradii uu u qabay reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah aawadeed;) |
8790 | 1KI 2:17 | Markaasuu yidhi, Waan ku baryayaaye, iila hadal Boqor Sulaymaan inuu i siiyo Abiishag tan reer Shuuneem aan guursadee, (waayo, Maya, ku odhan maayo.) |
8945 | 1KI 7:8 | Oo gurigiisii uu degi lahaana wuxuu ku yiil balbalada barxaddeeda kale, oo isku si baana loo dhisay. Oo guri balbaladan u eg ayuu u dhisay gabadhii Fircoon (oo Sulaymaan guursaday). |
9027 | 1KI 8:39 | de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo iyaga cafi, oo yeel, oo nin walba ugu abaalgud siday jidadkiisa oo dhammu yihiin, adoo qalbigiisa og, (maxaa yeelay, adigoo keliya ayaa garta waxa binu-aadmiga oo dhan qalbiyadooda ku jira;) |
9030 | 1KI 8:42 | (waayo, waxay maqli doonaan magacaaga weyn, iyo gacantaada xoogga badan, iyo cududdaada fidsan) markuu yimaado oo uu u soo tukado gurigan xaggiisa, |
9065 | 1KI 9:11 | ayuu Boqor Sulaymaan Xiiraam siiyey labaatan magaalo oo ku tiil dalkii Galili. (Maxaa yeelay, Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan siiyey qoryo kedar ah, iyo qoryo beroosh ah, iyo dahab, in alla intuu doonayay.) |
9127 | 1KI 11:16 | (waayo, Yoo'aab iyo reer binu Israa'iil oo dhammu halkaasay iska joogeen intii lix bilood ah, ilaa uu wada jaray wixii lab ahaa ee Edom joogay oo dhan;) |
9143 | 1KI 11:32 | (laakiinse qabiil isagaa u haysanaya addoonkaygii Daa'uud aawadiis, iyo Yeruusaalem oo ah magaaladii aan qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ka doortay aawadeed;) |
9157 | 1KI 12:3 | (waayo, Yaaraabcaam wuxuu weli joogay dalkii Masar oo uu Boqor Sulaymaan kaga cararay, oo Yaaraabcaamna wuxuu iska joogay dalka Masar, laakiinse waa loo cid diray oo loo yeedhay;) markaasay Rexabcaam la hadleen oo waxay ku yidhaahdeen, |
9348 | 1KI 18:4 | waayo, markay Yesebeel baabbi'isay nebiyadii Rabbiga ayaa Cobadyaah kaxeeyey boqol nebi, oo kontonba god buu ku qariyey, oo wuxuu ku quudin jiray kibis iyo biyo.) |
9480 | 1KI 21:26 | Oo wax aad karaahiyo u ah ayuu sameeyey markuu sanamyo raacay oo uu u wada sameeyey siday sameeyeen reer Amor kii Rabbigu ka tuuray dadka Israa'iil hortooda.) |
9521 | 1KI 22:38 | Oo gaadhifaraskii waxaa lagu maydhay balligii Samaariya agtiisa, oo dhiiggiisiina eeyahaa leefleefay, oo waxay noqotay siduu ahaa eraygii Rabbigu ku hadlay. (Haddaba dhillooyinkii halkaasay isku maydheen.) |
9708 | 2KI 6:30 | Oo markii boqorkii naagtii hadalkeedii maqlay ayuu dharkiisii dildillaaciyey; (oo markaas wuxuu dul marayay derbiga), oo dadkiina way wada arkayeen inuu jidhkiisii ku guntaday joonyado. |
9724 | 2KI 7:13 | Oo mid addoommadiisii ka mid ahaa ayaa ugu jawaabay, Waxaan kaa baryayaa in qaar wado shan faras oo kuwa magaalada ku hadhay ah, (maxaa yeelay, iyagu waxay la mid yihiin sida dadkii Israa'iil ka hadhay oo dhan, oo waxay la mid yihiin sida dadkii Israa'iil ee le'day oo dhan, ) oo aynu dirno iyagu ha soo arkeene. |
9775 | 2KI 9:15 | laakiinse Boqor Yooraam wuxuu ku noqday Yesreceel in laga soo daweeyo nabrihii reer Suuriya ku dhufteen markuu la diriray boqorkii reer Suuriya oo Xasaa'eel ahaa). Markaasaa Yeehuu wuxuu yidhi, Hadday idinla wanaagsan tahay yaan ninna baxsan oo magaalada ka bixin si uu intuu Yesreceel tago xaalkan u sheego. |
9881 | 2KI 13:6 | Habase yeeshee kama ay tegin dembiyadii reerkii Yaaraabcaam uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, laakiinse way ku socdeen, oo Samaariyana waxaa ku hadhay geedihii Asheeraah.) |
10163 | 2KI 22:14 | Markaasaa wadaadkii Xilqiyaah ahaa, iyo Axiiqaam, iyo Cakhboor, iyo Shaafaan, iyo Casaayaah waxay u tageen nebiyaddii Xuldaah ahayd oo u dhaxday Shalluum ina Tiqwaah oo ahaa ina Xarxas, kaasoo ahaa kii dharka dhawri jiray. (Haddaba iyadu waxay degganayd Yeruusaalem xaafaddeeda labaad.) Markaasay iyadii la hadleen, |
10230 | 2KI 25:4 | Markaasaa meel magaalada ahayd la jebiyey, oo raggii dagaalka oo dhammu intay habeennimo carareen ayay mareen jidkii iriddii u dhexaysay labada derbi oo ku ag tiil beertii boqorka; oo boqorkiina wuxuu maray jidkii Caraabaah. (Haddaba reer Kaldayiin waxay ku wareegsanaayeen magaalada.) |
10283 | 1CH 1:27 | Aabraam (kaasoo ah Ibraahim). |
10434 | 1CH 5:2 | Yahuudah walaalihiis wuu ka xoog badnaa, oo isaga xaggiisuu amiirku ka yimid, laakiinse curadnimada waxaa iska lahaa Yuusuf:) |
10468 | 1CH 5:36 | Yooxaanaanna wuxuu dhalay Casaryaah, (isagu wuxuu ahaa kii hawsha wadaadnimada ka qaban jiray gurigii Sulaymaan Yeruusaalem ka dhisay, ) |
10554 | 1CH 7:15 | Maakiirna wuxuu guursaday walaashii Xufiim iyo Shufiim, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah, ) oo wiilkii labaad magiciisana waxaa la odhan jiray Selaafexaad, oo Selaafexaadna wuxuu lahaa gabdho. |
10681 | 1CH 11:4 | Markaasaa Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay tageen Yeruusaalem (taasoo ah Yebuus), oo halkaasna waxaa joogay dadkii dalka degganaa oo ahaa reer Yebuus. |
11092 | 1CH 26:10 | Oo weliba Xosaah oo ahaa reer Meraariina wuxuu lahaa wiilal, waxaana ugu weynaa Shimrii (waayo, in kastoo uusan curadkii ahayn haddana aabbihiis ayaa madax ka dhigay), |
11285 | 2CH 5:12 | oo weliba waxaa kaloo joogay kuwii reer Laawi oo gabayaaga ahaa oo dhan, xataa Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun, iyo wiilashoodii iyo walaalahood, oo waxay soo xidheen dhar wanaagsan, waxayna wateen suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, oo waxay istaageen meeshii allabariga dhankeedii bari, oo iyaga waxaa la jiray boqol iyo labaatan wadaad oo turumbooyin ka dhawaajinaya, ) |
11300 | 2CH 6:13 | (waayo, Sulaymaan wuxuu sameeyey mambar naxaas ah oo dhererkiisu ahaa shan dhudhun, ballaadhkiisuna shan dhudhun, sarajooggiisuna saddex dhudhun, oo wuxuu qotomiyey barxadda dhexdeedii, oo intuu ku kor istaagay ayuu shirkii reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku jilba joogsaday, oo gacmihiisuu xagga samada u kala bixiyey). |
11317 | 2CH 6:30 | de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo iyaga cafi, oo nin walba ugu abaalgud siday jidadkiisa oo dhammu yihiin, adoo qalbigiisa og, (maxaa yeelay, adigoo keliya ayaa garta waxa binu-aadmiga oo dhan qalbiyadooda ku jira, ) |
11323 | 2CH 6:36 | Haddii ay kugu dembaabaan, (waayo, nin aan dembaabinu ma jiro, ) oo aad u cadhootid oo aad markaas cadowga u gacangelisid inay la tagaan oo maxaabiis ahaan ugu kaxaystaan dal kale, ama ha dhowaado, ama ha dheeraadee, |
11402 | 2CH 10:2 | Oo markii Yaaraabcaam ina Nebaad taas maqlay ayuu ka soo noqday dalkii Masar (waayo, wuxuu joogay dalkii Masar oo uu Boqor Sulaymaan kaga cararay). |
11440 | 2CH 11:21 | Oo Rexabcaamna wuxuu naagihiisii iyo addoommihiisaba ka sii jeclaaday Macakaah oo ahayd ina Absaaloom, (waayo, wuxuu guursaday siddeed iyo toban naagood iyo lixdan addoommo ah, oo wuxuuna dhalay siddeed iyo labaatan wiil iyo lixdan gabdhood.) |
11601 | 2CH 20:9 | Markii wax shar ahu ay nagu dhacaan hadday yihiin seef ama xukun ama belaayo ama abaar, annagu waxaan soo hor istaagi doonnaa gurigan iyo adiga, (waayo, magacaagu wuxuu ku jiraa gurigan), markaasaannu kuu qayshan doonnaa annagoo dhib ku jirna, oo adna waad na maqli doontaa oo waad na badbaadin doontaa. |
11658 | 2CH 22:9 | Kolkaasuu doondoonay Axasyaah (oo Samaariya ku dhex dhuumanayay), waana la soo qabtay oo waxaa loo keenay Yeehuu, waana la dilay, oo isagii waa la aasay, waayo, waxay isyidhaahdeen, Isaga waxaa dhalay Yehooshaafaad oo Rabbiga ku doondooni jiray qalbigiisa oo dhan. Oo Axasyaah reerkiisiina ma uu lahayn xoog uu boqortooyada ku sii haysto. |
11660 | 2CH 22:11 | Laakiinse Yehooshabecad oo ahayd boqorka gabadhiisii waxay la tagtay Yoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, oo ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo. Haddaba Yehooshabecad oo ahayd Boqor Yehooraam gabadhiis, oo u dhaxday wadaadkii Yehooyaadaac la odhan jiray waxay isagii ka qarisay Catalyaah si ayan isaga u dilin (maxaa yeelay, iyadu waxay ahayd Axasyaah walaashiis). |
11707 | 2CH 24:25 | Oo markay isagii ka tageen, (waayo, waxay ka tageen isagoo aad iyo aad u buka) ayaa isaga addoommadiisii u sirqooleen dhiiggii uu qabay oo ilma Yehooyaadaac, kii wadaadka ahaa, oo waxay dileen isagoo sariirtiisii ku jiifa, wuuna dhintay. Oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, laakiinse isagii laguma dhex aasin qabuurihii boqorrada. |
11960 | 2CH 34:22 | Markaasaa Xilqiyaah iyo kuwii boqorku amrayba waxay u tageen nebiyaddii Xuldaah ahayd oo u dhaxday Shalluum ina Tawqhad, oo ahaa ina Xasraah, kaasoo ahaa kii dharka dhawri jiray. (Haddaba iyadu waxay degganayd Yeruusaalem xaafaddeeda labaad.) Markaasay iyadii kala hadleen xaalkaas. |
12024 | EZR 1:3 | Haddaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Ilaahiisu ha la jiro, oo isna ha tago Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ku taal, oo ha dhiso guriga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo ku yaal Yeruusaalem. (Isagu waa Ilaah.) |
12280 | EZR 10:23 | Oo reer Laawina, Yoosaabaad, iyo Shimcii, iyo Qeelaayaah (kaasu waa Qeliitaa), iyo Fetaxyaah, iyo Yahuudah, iyo Eliiceser. |