Wildebeest analysis examples for:   som-som   B    February 11, 2023 at 19:35    Script wb_pprint_html.py   by Ulf Hermjakob

1  GEN 1:1  Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.
9  GEN 1:9  Ilaahna wuxuu yidhi, Biyaha samada ka hooseeya meel ha isugu soo urureen, oo ciidda engegani ha muuqato; sidaasayna ahaatay.
10  GEN 1:10  Markaasuu Ilaah ciiddii engegnayd u bixiyey Dhul; ururkii biyahana wuxuu u bixiyey Bado: oo Ilaah wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.
20  GEN 1:20  Oo Ilaah wuxuu yidhi, Biyuhu aad ha u soo bixiyeen uun dhaqdhaqaaqa oo badan, oo naf nool leh, haadduna ha duusho dhulka dushiisa xagga meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd.
29  GEN 1:29  Oo Ilaah wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaan idin siiyey geed kasta oo yar oo iniino dhala, oo ku yaal dhulka dushiisa oo dhan, iyo geed kasta oo weyn, kaasoo midho leh, iniinona dhala; oo waxay idiin noqon doonaan cunto;
79  GEN 3:23  sidaas daraaddeed Ilaah isaga wuu ka saaray Beer Ceeden, si uu u beerto dhulkii isaga laga soo qaaday.
80  GEN 3:24  Kolkaasuu ninkii eryay; Beer Ceeden barigeedana wuxuu taagay Keruubiim, iyo seef ololaysa, oo dhan walba u jeesanaysa, si ay u dhawrto jidka geedka nolosha.
94  GEN 4:14  Bal eeg, maanta dhulkaad iga eriday, wejigaagana waan ka qarsoonaan doonaa, waxaanan dhulka ku noqon doonaa mid carcarara oo warwareega; waxaana dhici doonta in kii i arkaaba i dili doono.
178  GEN 7:18  Biyihiina way xoogaysteen, oo dhulkay aad ugu kordheen; doonnidiina waxay dul socotay biyihii.
179  GEN 7:19  Biyihiina aad bay ugu xoogaysteen dhulka; oo dhammaan buurihii dhaadheeraa oo samada oo dhan ka hooseeyey way qarsoomeen.
184  GEN 7:24  Biyihiina boqol iyo konton maalmood ayay dhulka xoog ku lahaayeen.
189  GEN 8:5  Biyihiina way sii dhinmayeen ilaa bishii tobnaad. Bishii tobnaad, maalinteedii kowaad, ayaa buuraha dushoodii la arkay.
215  GEN 9:9  Bal eega, anigu axdigayga baan idinku adkaynayaa, idinka iyo farcankiinna idinka dambeeya;
245  GEN 10:10  Bilowgii boqortooyadiisu waxay ahayd Baabel, iyo Ereg, iyo Akad, iyo Kalneh, waxayna ku yiilleen waddankii Shincaar.
273  GEN 11:6  Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eega, iyagu waa isku dad keliya, oo dhammaan isku af keliya bay leeyihiin, oo waxanuna waa waxa ay bilaabayaan inay sameeyaan, oo haatan wax ka hor joogsan doona waxay damcaan inay sameeyaan ma jiraane.
276  GEN 11:9  Sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan.
307  GEN 12:8  Markaasuu meeshaas ka guuray, oo wuxuu tegey buurtii xagga bari ka ahayd Beytel, oo teendhadiisii buu ka dhistay meel Beytel galbeed ka ahayd, Aaciina bari ka ahayd; markaasuu meeshaas meel allabari Rabbiga uga dhisay, oo magaca Rabbiga ku baryootamay.
310  GEN 12:11  Oo waxay noqotay in markii uu ku soo dhowaaday inuu Masar galo, uu ku yidhi naagtiisii Saaray, Bal eeg, waan ogahay inaad tahay naag arag quruxsan,
322  GEN 13:3  Xagga koonfureed ayuu ka tegey oo wuxuu u socdaalay ilaa Beytel, meeshii bilowgii ay teendhadiisu ahayd, ee u dhexaysay Beytel iyo Aacii;
329  GEN 13:10  Kolkaasuu Luud indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay Bannaankii Webi Urdun oo dhan, iyo inay meel waluba aad u waraabsan tahay, intaan Rabbigu baabbi'in Sodom iyo Gomora; wuxuu u ekaa beertii Ilaah, iyo sida dalka Masar markaad tagto xagga Socar.
330  GEN 13:11  Markaasuu Luud wuxuu doortay Bannaankii Urdun oo dhan; oo Luud xagga bari buu u socdaalay; oo way kala guureen.
331  GEN 13:12  Aabraam wuxuu degay dalkii Kancaan, Luudna wuxuu degay magaalooyinkii Bannaanka ku yiil, oo teendhadiisii wuxuu u wareejiyey xagga Sodom.
336  GEN 13:17  Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaadhkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa.
339  GEN 14:2  inay la dirireen Berac oo boqor u ahaa Sodom, iyo Birshac oo boqor u ahaa Gomora, iyo Shinaab oo boqor u ahaa Admah, iyo Shemeeber oo boqor u ahaa Seboyim, iyo boqorkii Belac (oo iyana ahayd Socar).
340  GEN 14:3  Kuwanu waxay kulligood isugu yimaadeen Dooxo Siddiim (oo iyana ahayd Baddii Cusbada).
345  GEN 14:8  Oo waxaa soo baxay boqorkii Sodom, iyo boqorkii Gomora, iyo boqorkii Admah, iyo boqorkii Seboyim, iyo boqorkii Belac (oo iyana ahayd Socar); oo waxay Dooxo Siddiim ugu diyaargaroobeen inay la dagaallamaan
354  GEN 14:17  Markuu ka soo noqday layntii Kedorlaacomer iyo boqorradii la jiray ka dib ayaa boqorkii Sodom Aabraam kaga hor tegey Dooxo Shaweh oo ahayd Dooxadii Boqorka.
358  GEN 14:21  Boqorkii Sodom wuxuu Aabraam ku yidhi, Dadka uun i sii, alaabtana adigu iska qaado.
364  GEN 15:3  Oo Aabraam wuxuu yidhi, Bal eeg, aniga ima aad siin farcan: oo mid gurigayga ku dhashay baa i dhaxlaya.
366  GEN 15:5  Oo dibadduu u soo bixiyey, oo ku yidhi, Bal samada fiiri, oo xiddigaha tiri, haddaad tirin kartid: oo wuxuu ku yidhi, Sidaas oo kalaa farcankaagu ahaan doonaa.
384  GEN 16:2  Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Bal eeg imminka, Rabbigu waa ii diiday inaan dhalo; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad midiidintayda u tagto, mindhaa iyadaan carruur ka heli doonaaye, Aabraamna codkii Saaray buu maqlay.
388  GEN 16:6  Laakiinse Aabraam wuxuu ku yidhi Saaray, Bal eeg, midiidintaadii gacantaaday ku jirtaaye; waxaad doonto ku samee. Saarayna si adag bay ula macaamilootay, kolkaasay midiidintii ka carartay horteeda.
393  GEN 16:11  Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Bal eeg, uur baad leedahaye, oo wiil baad dhali doontaa; magiciisana waxaad u bixin doontaa Ismaaciil, maxaa yeelay, Rabbigu waa maqlay dhibaatadaadii.
396  GEN 16:14  Sidaas daraaddeed ceelkii waxaa loo bixiyeyBi'ir Lahayroy; bal eeg, wuxuu u dhexeeyaa Qaadeesh iyo Bered.
402  GEN 17:4  Bal eeg, axdigaygii waa kula jiraaye, oo adigu quruumo badan baad aabbe u noqon doontaa.
429  GEN 18:4  Biyo yar ha laydiin keeno, oo cagamaydha, oo geedka hoostiisa ku nasta:
452  GEN 18:27  Oo Ibraahimna wuu jawaabay oo yidhi, Bal eeg, waxaan isu diray inaan Sayidka la hadlo, anoo ciid iyo dambas ah.
453  GEN 18:28  Mindhaa kontonka xaqa ah shan baa ka dhiman; miyaad magaalada oo dhan u baabbi'in hadday shanu ka dhiman tahay? Markaasuu yidhi, Baabbi'in maayo haddaan meeshaas shan iyo afartan ka helo.
455  GEN 18:30  Oo wuxuu yidhi, Sayidku yuusan cadhoon, waan la hadlayaaye. Mindhaa waxaa halkaas laga heli soddon. Markaasuu yidhi, Baabbi'in maayo haddaan soddon halkaas ka helo.
456  GEN 18:31  Markaasuu yidhi, Bal eeg, waxaan isu diray inaan Sayidka la hadlo: mindhaa waxaa halkaas laga heli labaatan. Markaasuu yidhi, Labaatanka daraaddood ayaanan u baabbi'inayn.
460  GEN 19:2  oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, sayidyadaydiiyow, soo leexda, waan idin baryayaaye, oo gala guriga addoonkiinna, oo caawa oo dhan jooga, oo cagamaydha. Aroortii baanad kici doontaan oo iska tegi doontaane. Oo waxay ku yidhaahdeen, Maya; laakiin jidkaannu joogaynaa caawa oo dhan.
466  GEN 19:8  Bal eega, waxaan leeyahay laba gabdhood oo aan weli nin u tegin; haddaba waan idin baryayaaye, aan idiin soo bixiyo iyaga, oo saad doontaan u gala, laakiin nimankan uun waxba ha ku samaynina, maxaa yeelay, waxay soo hoos galeen dugsiga saqafkayga.
475  GEN 19:17  Oo markay dibadda u soo bixiyeen ayuu ku yidhi, Naftaada la baxso; gadaashaadana ha eegin. Bannaanka oo dhanna ha joogsan, ee buurta u baxso, waaba intaas oo aad baabba'daaye.
477  GEN 19:19  Bal eeg, anigoo addoonkaaga ah raalli baad iga ahayd, oo waad weynaysay naxariistaadii aad i tustay markii aad naftayda badbaadisay; aniguse buurta uma baxsan karo, waaba intaasoo shar i gaadhaa oo aan dhintaa.
478  GEN 19:20  Bal eeg, magaaladan baa dhow inaan u cararo, waana mid yar, de iyada aan u baxsado, (miyaanay mid yar ahayn?) naftayduna waa noolaan doontaa.
479  GEN 19:21  Oo wuxuu ku yidhi isagii, Bal eeg, waxanna waan kaa aqbalay inaanan rogi doonin magaaladii aad ka hadashay.
483  GEN 19:25  wuuna rogay magaalooyinkaas, iyo Bannaankii oo dhan, iyo dadkii degganaa magaalooyinkaas oo dhan, iyo wixii dhulka ka soo baxay oo dhan.
486  GEN 19:28  oo wuxuu eegay xagga Sodom iyo Gomora, iyo dhulkii Bannaanka oo dhan, wuuna fiiriyey, oo bal eeg, qiiqii dhulka ayaa kor u baxay sidii qiiqa foornada oo kale.
487  GEN 19:29  Oo waxay noqotay, markii Ilaah baabbi'iyey magaalooyinkii Bannaanka, in Ilaah xusuustay Ibraahim, Luudna roggidda wuu ka bixiyey markuu rogay magaalooyinkii Luud dhex degganaa.
492  GEN 19:34  Oo waxay noqotay in maalintii dambe ay tii curadda ahayd ku tidhi tii yarayd, Bal eeg, xalayto aabbahay baan la jiifsaday: caawana aynu khamri cabsiinno; oo adigu u tag oo la jiifso isaga, aynu aabbeheen farcan kala hadhnee.
496  GEN 19:38  Tii yarayd iyana waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Bencammi: isna waa reer Cammoonka maanta jooga aabbahood.
499  GEN 20:3  Laakiinse Ilaah baa Abimeleg habeenkii riyo ugu yimid, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, waxaad tahay meyd uun, waana naagtii aad qaadatay aawadeed, maxaa yeelay, iyadu waa nin naagtiis.
511  GEN 20:15  Abimelegna wuxuu ku yidhi, Bal eeg dhulkaygu waa ku hor yaallaaye. Meeshaad doonto deg.
512  GEN 20:16  Saarahna wuxuu ku yidhi, Bal eeg, walaalkaa waxaan siiyey kun xabbadood oo lacag ah, waana u indhadabool kuwa kula jooga oo dhan; oo xagga wax kasta waa lagaa xaq mariyey.
528  GEN 21:14  Ibraahimna aroortii horuu kacay, wuxuuna qaaday cunto iyo sibraar biyo ah, oo Haagaar buu siiyey intuu garbaha u saaray, wiilkiina wuu siiyey, markaasuu eryay: wayna iska tagtay, oo ku wareegtay cidladii Bi'ir Shebac.
529  GEN 21:15  Biyihii sibraarka ku jirayna way dhammaadeen, kolkaasay ilmihii ku xoortay geedihii midkood hoostiisa.
545  GEN 21:31  Sidaas daraaddeed meeshaas wuxuu u bixiyey Bi'ir Shebac; maxaa yeelay, labadooduba meeshaas bay ku dhaarteen.
546  GEN 21:32  Sidaas daraaddeed axdi bay ku dhigteen Bi'ir Shebac; markaasaa Abimeleg kacay, isaga iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa, oo waxay ku noqdeen dhulkii reer Falastiin.
547  GEN 21:33  Ibraahimna geed buu Bi'ir Shebac ku beeray, oo halkaas buu ku ducaystay magaca Rabbiga Ilaaha daa'imka ah.
555  GEN 22:7  Isxaaqna waa la hadlay aabbihiis Ibraahim, oo yidhi, Aabbow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan, wiilkaygiiyow. Markaasuu ku yidhi, Bal eeg, waa kuwan dabkii iyo qoryihii, laakiinse meeh wankii allabariga la gubo loo bixin lahaa?
562  GEN 22:14  Ibraahimna meeshaas wuxuu u bixiyey Yehowah Yireh; xataa ilaa maanta waxaa la yidhaahdaa, Buurta Rabbiga ayaa lagu arki doonaa.
567  GEN 22:19  Haddaba Ibraahim wuxuu ku noqday raggiisii dhallinyarada ahaa, markaasay kaceen oo waxay wada tageen Bi'ir Shebac, Ibraahimna wuxuu iska degay Bi'ir Shebac.
568  GEN 22:20  Oo waxaa dhacay waxyaalahaas dabadood, in Ibraahim loo sheegay, oo lagu yidhi, Bal eeg, Milkah carruur bay u dhashay walaalkaa Naaxoor.
569  GEN 22:21  Waxay yihiin Cuus oo ah curadkiisa, iyo Buus oo ah walaalkiis, iyo Qemuu'el oo ah Araam aabbihiis;
570  GEN 22:22  iyo Kesed, iyo Haso, iyo Fildash, iyo Yidlaf iyo Betuu'el.
571  GEN 22:23  Betuu'elna wuxuu dhalay Rebeqah. Siddeeddan bay Milkah u dhashay Naaxoor, oo ahaa Ibraahim walaalkiis.
578  GEN 23:6  Bal na maqal sayidkaygiiyow, adigu dhexdayada waxaad ku tahay amiir weyn. Midka ugu wanaagsan qabriyadayada meydka naagtaada ku aas.
605  GEN 24:13  Bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabdhaha dadka magaaladuna waxay u soo baxayaan inay biyo dhaansadaan.
607  GEN 24:15  Intuusan hadalkii dhammayn, waxaa soo baxday, iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, Rebeqah oo u dhalatay Betuu'el wiilkii Milkah, oo ahayd naagtii Naaxoorkii ahaa Ibraahim walaalkiis.
616  GEN 24:24  Oo waxay ku tidhi isagii, Anigu waxaan ahay ina Betuu'el, wiilkii Milkah ay Naaxoor u dhashay.
639  GEN 24:47  Markaasaan weyddiiyey oo ku idhi, Ina ayaad tahay? Oo waxay tidhi, Ina Betuu'el wiilkii Naaxoor ay Milkah u dhashay isaga. Markaasaan sangeliskii sanka u sudhay; dugaagadihiina gacmaha u geliyey.
642  GEN 24:50  Markaasay Laabaan iyo Betuu'el jawaabeen oo yidhaahdeen, Waxanu wuxuu ka soo baxay xagga Rabbiga, annana kugulama hadli karno xumaan iyo samaan toona.
643  GEN 24:51  Bal eeg, Rebeqah waa ku hor joogtaaye, kaxee oo la tag, oo ha noqoto sayidkaaga wiilkiisii naagtiisa, sidii Rabbigu ku hadlay.
654  GEN 24:62  Isxaaqna wuxuu ka yimid xagga jidka Bi'ir Lahayroy, waayo, wuxuu degganaa dhulka Koonfureed.
670  GEN 25:11  Ibraahim geeridiisii ka dib ayaa Ilaah barakeeyey wiilkiisii Isxaaq; Isxaaqna wuxuu ag degganaa Bi'ir Lahayroy.
679  GEN 25:20  Isxaaqna afartan sannadood buu jiray markuu guursaday Rebeqah ina Betuu'el kii dalkiisu ahaa Suuriya ee reer Fadan Araam, iyadoo ahayd Laabaan kii dalkiisu Suuriya ahaa walaashiis.
691  GEN 25:32  Markaasaa Ceesaw yidhi, Bal eeg, geeri baan ku dhowahay; haddaba curadnimadu maxay ii taraysaa?
713  GEN 26:20  Markaasaa xoolojirradii reer Geraar la dirireen xoolojirradii Isxaaq, iyagoo leh, Biyaha annagaa leh. Ceelka magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceseq, maxaa yeelay, way la dirireen isagii.
716  GEN 26:23  Markaasuu halkaas ka tegey, oo wuxuu u kacay Bi'ir Shebac.
725  GEN 26:32  Oo isla maalintaas ayay addoommadii Isxaaq yimaadeen, oo ay uga warrameen ceelkii ay qodeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Biyaannu helnay.
726  GEN 26:33  Markaasuu u bixiyey Shebcaah; sidaas daraaddeed magaaladaas magaceeda waxaa ilaa maantadan la yidhaahdaa Bi'ir Shebac.
727  GEN 26:34  Ceesaw markuu afartan sannadood jiray ayuu guursaday Yuhuudiid ina Be'eerii kii reer Xeed, iyo Basmad ina Eeloon kii reer Xeed.
730  GEN 27:2  Markaasuu yidhi, Bal i eeg, haatan waan gaboobay, garanna maayo maalinta dhimashadayda.
737  GEN 27:9  Bal adhiga u kac, oo iiga keen laba waxar oo wanwanaagsan, oo waxaan aabbahaa uga samayn hilib macaan, oo ah kan uu jecel yahay,
753  GEN 27:25  Markaasuu ku yidhi. Bal ii soo dhowee, aan cunee wiilkayga hilibkiisa ugaadheed, si aan kuugu duceeyo. Kolkaasuu u soo dhoweeyey, oo isna wuu cunay: oo wuxuu kaloo u keenay khamri, wuuna cabbay.
754  GEN 27:26  Markaasaa aabbihiis Isxaaq ku yidhi, Bal ii soo dhowow, oo i dhunko, wiilkaygiiyow.
755  GEN 27:27  Isna wuu u soo dhowaaday, oo wuu dhunkaday. Markaasuu ursaday dharkiisa, wuuna u duceeyey, oo yidhi, Bal eeg, urta wiilkaygu Waa sida urta duurka Rabbigu barakeeyey,
765  GEN 27:37  Isxaaqna wuu jawaabay oo wuxuu Ceesaw ku yidhi, Bal eeg, waxaan isaga ka dhigay sayidkaagii, walaalihiis oo dhanna waxaan u siiyey isaga inay addoommo u noqdaan, hadhuudh iyo khamrina waan u ballanqaaday, ee maxaan haddaba adiga kuu sameeyaa, wiilkaygiiyow?
767  GEN 27:39  Markaasaa aabbihiis Isxaaq u jawaabay oo ku yidhi, Bal eeg, rugtaadu waxay ahaan doontaa meel ka baxsan dhulka barwaaqadiisa Iyo sayaxa samada sare ka yimaada.
770  GEN 27:42  Rebeqahna waxaa loo sheegay hadalkii wiilkeedii weynaa oo ahaa Ceesaw; markaasay intay u cid dirtay u yeedhay wiilkeedii yaraa oo ahaa Yacquub, oo waxay ku tidhi isagii, Bal eeg, walaalkaa Ceesaw wuxuu isku qalbi qabowjiyaa talajirka uu ku talo jiro inuu ku dilo.
776  GEN 28:2  Kac oo xagga Fadan Araam tag, iyo xagga gurigii Betuu'el oo ah hooyadaa aabbeheed; oo halkaas naag ka guurso gabdhaha Laabaan oo ah hooyadaa walaalkeed.
779  GEN 28:5  Isxaaqna Yacquub wuu diray: oo wuxuu u kacay Fadan Araam xagga Laabaan, ina Betuu'el kii reer Suuriya, oo ahaa Rebeqah walaalkeed tii ahayd Yacquub iyo Ceesaw hooyadood.
784  GEN 28:10  Yacquubna waa ka tegey Bi'ir Shebac, oo wuxuu u kacay xagga Haaraan.
793  GEN 28:19  Meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Beytel: laakiinse markii hore magaalada magaceedu wuxuu ahaa Luus.