97 | GEN 4:17 | Qaabiilna naagtiisuu u tegey; wayna uuraysatay, oo waxay dhashay Enoog. Wuxuuna dhisay magaalo, oo magaaladiina wuxuu ku magacaabay magicii wiilkiisii Enoog. |
98 | GEN 4:18 | Enoogna waxaa u dhashay Ciiraad, Ciiraadna wuxuu dhalay Mexuuya'el, Mexuuya'elna wuxuu dhalay Metuusha'el, Metuusha'elna wuxuu dhalay Lameg. |
106 | GEN 4:26 | Seedna waxaa u dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Enoos; markaasaa dadkii waxay bilaabeen inay Rabbiga ku baryaan magiciisa. |
112 | GEN 5:6 | Seedna wuxuu jiray boqol iyo shan sannadood, wuxuuna dhalay Enoos. |
113 | GEN 5:7 | Seedna markuu Enoos dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
115 | GEN 5:9 | Enoosna wuxuu jiray sagaashan sannadood, wuxuuna dhalay Qaynaan. |
116 | GEN 5:10 | Enoosna markuu Qaynaan dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo shan iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
117 | GEN 5:11 | Wakhtigii Enoos noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo shan sannadood; dabadeedna wuu dhintay. |
124 | GEN 5:18 | Yaaredna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Enoog. |
125 | GEN 5:19 | Yaaredna markuu Enoog dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
127 | GEN 5:21 | Enoogna wuxuu jiray shan iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Metushelax. |
128 | GEN 5:22 | Enoogna wuxuu la socday Ilaah saddex boqol oo sannadood markuu Metushelax dhalay ka dib, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
129 | GEN 5:23 | Wakhtigii Enoog jiray oo dhammuna wuxuu ahaa saddex boqol iyo shan iyo lixdan sannadood. |
130 | GEN 5:24 | Enoogna Ilaah buu la socday; waana la waayay; maxaa yeelay, Ilaah baa qaatay isagii. |
239 | GEN 10:4 | Wiilashii Yaawaanna waxay ahaayeen Eliishah, iyo Tarshiish, iyo Kitiim iyo Dodaaniim. |
245 | GEN 10:10 | Bilowgii boqortooyadiisu waxay ahayd Baabel, iyo Ereg, iyo Akad, iyo Kalneh, waxayna ku yiilleen waddankii Shincaar. |
338 | GEN 14:1 | Oo waxaa dhacday waagii Amraafel boqorka u ahaa Shincaar, Aryoogna boqorka u ahaa Ellaasaar, Kedorlaacomerna boqorka u ahaa Ceelaam, Tidcaalna boqorka u ahaa Goyiim, |
342 | GEN 14:5 | Sannaddii afar iyo tobnaadna waxaa yimid Kedorlaacomer, iyo boqorradii la jiray, oo waxay reer Refaa'iim ku dileen Cashterod Qarnayim, oo reer Suusiimna waxay ku dileen Haam, oo reer Eymiimna waxay ku dileen Shaweh Qiryaatayim, |
346 | GEN 14:9 | Kedorlaacomer oo ahaa boqorkii Ceelaam, iyo Tidcaal oo ahaa boqorkii Goyiim, iyo Amraafel oo ahaa boqorkii Shincaar, iyo Aryoog oo ahaa boqorkii Ellaasaar. Waxay ahaayeen afar boqor oo shantii boqor ka gees ah. |
350 | GEN 14:13 | Oo waxaa yimid mid soo baxsaday, oo wuxuu u warramay Aabraam kii ahaa Cibraaniga isagoo ag deggan dhirtii Mamre kii ahaa reer Amor, oo Eshkol iyo Caaneer walaalkood ahaa. Kuwaasu Aabraam bay gaashaanbuur la ahaayeen. |
361 | GEN 14:24 | Waxba qaadan maayo wixii ay ragga dhallinyarada ahu cuneen mooyaane, iyo qaybtii raggii i raacay. Caaneer iyo Eshkol, iyo Mamre ha qaateen qaybtooda. |
363 | GEN 15:2 | Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaad i siin doontaa? Waayo, anigu carruurla'aan baan sii socdaa, reerkaygana waxaa dhaxli doona Eliiceser oo ah reer Dimishaq. |
524 | GEN 21:10 | Sidaas daraaddeed waxay Ibraahim ku tidhi, Eri addoontan iyo wiilkeedaba: maxaa yeelay, wiilka addoontanu wax la dhaxli maayo wiilkayga Isxaaq ah. |
663 | GEN 25:4 | Wiilashii Midyaanna waxay ahaayeen Ceefah, iyo Ceefer, iyo Xanoog, iyo Abiidac iyo Eldacah. Kuwanu waxay wada ahaayeen carruurtii Qetuurah. |
689 | GEN 25:30 | Markaasaa Ceesaw wuxuu Yacquub ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii aan cunee fuudkaas cas, waayo, waan daalanahay. Sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Edom. |
727 | GEN 26:34 | Ceesaw markuu afartan sannadood jiray ayuu guursaday Yuhuudiid ina Be'eerii kii reer Xeed, iyo Basmad ina Eeloon kii reer Xeed. |
932 | GEN 32:4 | Yacquubna wuxuu iska hor mariyey kuwo farriin wada oo wuxuu u diray walaalkiis Ceesaw oo degganaa dalkii Seciir oo ahaa duurkii Edom. |
981 | GEN 33:20 | Halkaasna wuxuu ka taagay meel allabari, wuxuuna u bixiyey El-elohe-Israa'iil. |
1019 | GEN 35:7 | Markaasuu halkaas ka dhisay meel allabari, wuxuuna meeshii u bixiyey Elbeytel, maxaa yeelay, Ilaah baa halkaas ugu muuqday isaga, markuu ka cararay walaalkiis. |
1028 | GEN 35:16 | Wayna ka sodcaaleen Beytel; oo intaanay Efrad weli soo gaadhin ayaa Raaxeel foolatay, fooshiina way ku rafaadday. |
1031 | GEN 35:19 | Raaxeelna way dhimatay, waxaana lagu aasay jidka loo maro Efrad, taasuna waa Beytlaxam. |
1042 | GEN 36:1 | Haddaba kuwanuna waa farcankii Ceesaw, isna waa Edom. |
1043 | GEN 36:2 | Ceesaw wuxuu gabdhihii reer Kancaan ka guursaday Caadah ina Eeloon kii reer Xeed, iyo Aaholiibaamah ina Canah, oo ahayd ina Sibecoon kii reer Xiwi, |
1045 | GEN 36:4 | Caadahna waxay Ceesaw u dhashay Elifas, Basmadna waxay u dhashay Recuu'eel; |
1049 | GEN 36:8 | Ceesawna wuxuu degay Buur Seciir; Ceesaw waa Edom. |
1050 | GEN 36:9 | Kuwanuna waa farcankii Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood oo degganaan jiray Buur Seciir. |
1051 | GEN 36:10 | Kuwanu waa wiilashii Ceesaw magacyadoodii, Elifas oo ahaa wiilkii Caadah oo naagtii Ceesaw ahayd, iyo Recuu'eel oo ahaa wiilkii Basmad oo naagtii Ceesaw ahayd. |
1052 | GEN 36:11 | Wiilashii Elifasna waxay ahaayeen Teemaan, Oomaar, Sefoo, iyo Gactaam iyo Qenas. |
1053 | GEN 36:12 | Timnac waxay ahayd addoontii uu Elifas ina Ceesaw qabay, oo waxay Elifas u dhashay Camaaleq; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Caadah ahayd. |
1056 | GEN 36:15 | Kuwanu waxa weeye ugaasyadii wiilashii Ceesaw. Waa wiilashii Elifas kii ahaa curadkii Ceesaw kuwaas oo ah ugaas Teemaan, iyo ugaas Oomaar, iyo ugaas Sefoo, iyo ugaas Qenas, |
1057 | GEN 36:16 | ugaas Qorax, iyo ugaas Gactaam, iyo ugaas Camaaleq. Kuwanu waa ugaasyadii Elifas dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii Caadah. |
1058 | GEN 36:17 | Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel oo ahaa ina Ceesaw: ugaas Nahad, iyo ugaas Serax, iyo ugaas Shammah, iyo ugaas Misaah. Kuwanuna waa ugaasyadii uu Recuu'eel dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd. |
1060 | GEN 36:19 | Kuwanu waa wiilashii Ceesaw oo ahaa Edom, oo kuwanu waa ugaasyadoodii. |
1062 | GEN 36:21 | iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan. Kuwanu waa ugaasyadii reer Xor, oo ahaa ilma Seciir oo degganaa dhulkii Edom. |
1067 | GEN 36:26 | Kuwanuna waa carruurtii Dishon; Xemdaan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan. |
1068 | GEN 36:27 | Kuwanuna waa carruurtii Eeser; Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Caqaan. |
1071 | GEN 36:30 | ugaas Dishon, iyo ugaas Eeser, iyo ugaas Diishaan. Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor siday ahaayeen ugaasyadoodii dalka Seciir joogay. |
1072 | GEN 36:31 | Kuwanuna waa boqorradii xukumi jiray dalkii Edom intaan boqorna xukumin reer binu Israa'iil. |
1073 | GEN 36:32 | Belac ina Becoor wuxuu xukumi jiray Edom, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Dinhaabah. |
1082 | GEN 36:41 | iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon; |
1084 | GEN 36:43 | iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Kuwanu waa ugaasyadii reer Edom sidii ay u degganaayeen dhulkii ay lahaayeen. Kanu waa Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood. |
1248 | GEN 41:52 | Kii labaadna magiciisii wuxuu u bixiyey Efrayim. Waayo, wuxuu yidhi, Ilaah waa igu badiyey dalkii aan ku dhibtooday. |
1401 | GEN 46:14 | Wiilashii Sebulunna waxay ahaayeen Sered, iyo Eeloon, iyo Yaxle'eel. |
1403 | GEN 46:16 | Wiilashii Gaadna waxay ahaayeen Sifiyoon, iyo Xaggii, iyo Shuunii, iyo Esboon, iyo Ceerii, iyo Aroodii, iyo Areelii. |
1407 | GEN 46:20 | Yuusufna dalka Masar waxaa ugu dhashay Manaseh iyo Efrayim, oo waxaa u dhashay Aasenad ina Footiiferac, oo wadaadkii Oon ahaa. |
1408 | GEN 46:21 | Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Ashbeel, iyo Geeraa, iyo Nacamaan, iyo Eexii, iyo Rosh, iyo Mufiim, iyo Xufiim, iyo Ared. |
1453 | GEN 48:1 | Waxyaalahaas ka dib waxaa Yuusuf lagu yidhi, Bal eeg, aabbahaa waa bukaaye. Markaasuu wuxuu kaxaystay labadiisii wiil oo ahaa Manaseh iyo Efrayim. |
1457 | GEN 48:5 | Haddaba labadaadii wiil oo dalka Masar kuugu dhashay, intaanan kuugu iman Masar, anigaa iska leh. Efrayim iyo Manaseh ayaan u lahaan doonaa sida Ruubeen iyo Simecoon. |
1459 | GEN 48:7 | Anigana, markii aan ka imid Fadan ayaa Raaxeel igaga dhimatay dalkii Kancaan waddada loo maro, intaanan weli Efrad soo gaadhin; oo kolkaasaan iyadii ku aasay waddada loo maro Efrad, meeshaasuna waa Beytlaxam. |
1465 | GEN 48:13 | Markaasuu Yuusuf labadoodiiba kaxeeyey, intuu Efrayim gacantiisii midigta ahayd ku qabtay oo ku toosan Israa'iil bidixdiisa, Manasehna ku qabtay bidixdiisii oo ku toosan midigtii Israa'iil, wuuna u soo dhoweeyey iyagii. |
1466 | GEN 48:14 | Markaasaa Israa'iil soo fidiyey gacantiisii midigta ahayd, oo wuxuu saaray madaxii Efrayim oo kii yaraa ahaa. Gacantiisii bidixda ahaydna wuxuu saaray Manaseh madaxiisii, wuuna isdhaafiyey gacmihiisii, maxaa yeelay, Manaseh wuxuu ahaa curadkii. |
1469 | GEN 48:17 | Oo markii Yuusuf arkay in aabbihiis gacantiisii midigta ahayd Efrayim madaxiisa saaray ayuu taas ka xumaaday; markaasuu gacantii aabbihiis qabtay inuu ka qaado Efrayim madaxiisa oo uu saaro Manaseh madaxiisa. |
1472 | GEN 48:20 | Oo maalintaasuu u duceeyey iyagii, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil idinkay idinku ducaysan doonaan, iyagoo leh, Ilaah ha kaa dhigo sidii Efrayim iyo sidii Manaseh. Oo Efrayimna wuxuu ka hor mariyey Manaseh. |
1530 | GEN 50:23 | Yuusufna qarnigii saddexaad oo carruurtii Efrayim ayuu arkay; oo carruurtii Maakiir ina Manasehna waxay ku kor dhasheen Yuusuf lowyihiisii. |
1678 | EXO 6:22 | Reer Cusii'eelna waa Miishaa'eel, iyo Elsaafaan, iyo Sitrii. |
1679 | EXO 6:23 | Haaruunna wuxuu guursaday Eliishebac ina Cammiinaadaab oo ahayd Naxshoon walaashiis; oo waxay u dhashay Naadaab iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar. |
1680 | EXO 6:24 | Reer Qoraxna waa Asiir, iyo Elqaanaah, iyo Abii'aasaaf. Kuwanu waa qolooyinkii reer Qorax. |
1681 | EXO 6:25 | Markaasaa Elecaasaar oo ahaa ina Haaruun wuxuu guursaday gabdhihii Fuutii'eel middood, oo waxay u dhashay Fiinexaas. Kuwanu waa madaxdii reer Laawi, iyo qolooyinkoodii siday kala ahaayeen. |
1888 | EXO 13:20 | Oo waxay sodcaalkoodii ka bilaabeen Sukod, oo waxay degeen Eetaam, oo ku taal cidlada qarkeeda. |
1936 | EXO 15:15 | Markaasay ugaasyadii reer Edom yaabeen; Raggii xoogga weynaa oo Moo'aabna gariir baa qabtay. Dadkii Kancaan degganaa oo dhammuna way dhalaaleen. |
1948 | EXO 15:27 | Markaasay waxay yimaadeen meel la yidhaahdo Eelim, oo meeshaas waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah, iyo toddobaatan geed oo timir ah, oo halkaasay degeen biyaha agtooda. |
1949 | EXO 16:1 | Markaasay ka ambabbexeen Eelim, oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yimaadeen cidlada Siin la yidhaahdo, taasoo u dhaxaysa Eelim iyo Siinay, waxayna ahayd bishii labaad, maalinteedii shan iyo tobnaad, taasoo ka dambaysay baxniintii ay Masar ka soo bexeen. |
2004 | EXO 18:4 | midka kalena magiciisuna wuxuu ahaa Eliiceser; waayo, wuxuu yidhi, Ilaahii aabbahay baa i caawiyey, oo wuxuu iga samatabbixiyey seeftii Fircoon. |
2181 | EXO 24:3 | Markaasaa Muuse dadkii u yimid, oo wuxuu u sheegay hadalladii Rabbiga oo dhan iyo amarradii oo dhan. Markaasaa dadkii oo dhammu isku cod ku jawaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ereyadii Rabbigu ku hadlay oo dhan waannu wada yeeli doonnaa. |
2295 | EXO 28:1 | Oo soo kaxayso walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, oo kala soo dhex bax reer binu Israa'iil, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada, kuwaasu waxa weeyaan Haaruun qudhiisa iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar oo wada ah wiilashii Haaruun. |
2473 | EXO 32:34 | Ee haddaba tag, oo meeshii aan kaala hadlay dadka u hor kac, oo bal eeg, malaa'igtayda ayaa ku hor kici doontee; habase yeeshee maalinta aan soo booqdo ayaan dembigooda u ciqaabi doonaa. |
2524 | EXO 34:27 | Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Erayadan qor, waayo, waxaan idinla dhigtay adiga iyo reer binu Israa'iilba axdi erayadan waafaqsan. |
2982 | LEV 10:4 | Markaasaa Muuse u yeedhay Miishaa'eel iyo Elsaafaan, oo ahaa wiilashii Cusii'eel kaasoo ahaa Haaruun adeerkiis, oo wuxuu ku yidhi, Soo dhowaada, oo walaalihiin ka soo qaada meesha quduuska ah horteeda oo waxaad geeysaan xerada dibaddeeda. |
2984 | LEV 10:6 | Markaasaa Muuse ku yidhi Haaruun iyo wiilashiisii ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, Timaha madaxiinnu yaanay arbushnaan, dharkiinnana ha dildillaacinina yeydnan dhimane, si aan Rabbigu ugu cadhoon ururka oo dhan, laakiinse walaalihiin ah reer binu Israa'iil oo dhammu ha ka ooyeen gubashadii Rabbigu huriyey. |
2990 | LEV 10:12 | Kolkaasaa Muuse la hadlay Haaruun, iyo wiilashiisii hadhay oo ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, oo wuxuu ku yidhi, Qurbaanka hadhuudhka ah oo ka hadhay qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyey qaata oo isagoo aan khamiir lahayn ku cuna meesha allabariga dhinaceeda, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan. |
2994 | LEV 10:16 | Oo Muuse aad buu u doondoonay ridii ahayd qurbaanka dembiga, markaasuu ogaaday in la gubay, kolkaasuu ku xanaaqay Elecaasaar iyo Iitaamaar oo ahaa Haaruun wiilashiisii hadhay, oo wuxuu iyagii ku yidhi. |
3610 | NUM 1:5 | Oo nimanka isla kiin taagi doona magacyadooduna waa kuwan: reer Ruubeen waxaa ka iman Eliisuur ina Shedeeyuur. |
3614 | NUM 1:9 | Reer Sebulunna waxaa ka iman Elii'aab ina Xeelon. |
3615 | NUM 1:10 | Oo kuwa reer Yuusufna waxaa reer Efrayim ka iman Eliishaamaac ina Cammiihuud: oo waxaa reer Manaseh ka iman Gamalii'eel ina Fedaahsuur. |
3619 | NUM 1:14 | Oo reer Gaadna waxaa ka iman Eliyaasaaf ina Decuu'eel. |
3637 | NUM 1:32 | Oo kuwa reer Yuusuf oo ahaa reer Efrayim farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan, |
3638 | NUM 1:33 | intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilkii reer Efrayim waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol. |
3666 | NUM 2:7 | Qabiilka reer Sebulunna, oo amiirka reer Sebulunna waa inuu ahaadaa Elii'aab ina Xeelon. |
3669 | NUM 2:10 | Oo xagga koonfureedna waa inuu ahaadaa calanka xerada reer Ruubeen, siday ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Ruubeenna waa inuu ahaadaa Eliisuur ina Shedeeyuur. |
3673 | NUM 2:14 | Qabiilka reer Gaadna, oo amiirka reer Gaadna waa inuu ahaadaa Eliyaasaaf ina Recuu'eel. |
3677 | NUM 2:18 | Oo dhanka galbeedna waa inuu ahaadaa calanka xerada reer Efrayim siday ciidammadoodu yihiin, oo amiirka reer Efrayimna waa inuu ahaadaa Eliishaamaac ina Cammiihuud. |
3683 | NUM 2:24 | Oo kulli intii xerada reer Efrayim laga tiriyey waxay ahaayeen boqol iyo siddeed kun iyo boqol, siday ciidammadoodii ahaayeen. Oo iyana waa inay marka saddexaad baxaan. |
3695 | NUM 3:2 | Oo kuwanu waa wiilashii Haaruun magacyadoodii, Naadaab oo curadkii ahaa, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar. |