42 | GEN 2:11 | Kan kowaad magiciisu wuxuu ahaa Fiishoon: kaasu waa kan ku wareegsan dhulka Xawiilaah oo dhan, meeshaas oo dahab leh; |
241 | GEN 10:6 | Wiilashii Xaamna waxay ahaayeen Kuush, iyo Misrayim, iyo Fuud, iyo Kancaan. |
249 | GEN 10:14 | iyo Fatrusiim iyo Kasluxiim (oo ay reer Falastiin ka yimaadeen), iyo Kaftoriim. |
260 | GEN 10:25 | Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil: mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg; waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay; magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan. |
283 | GEN 11:16 | Ceeberna wuxuu jiray afar iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Feleg: |
284 | GEN 11:17 | Ceeberna markuu Feleg dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
285 | GEN 11:18 | Felegna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Recu: |
286 | GEN 11:19 | Felegna markuu Recu dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo sagaal sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
314 | GEN 12:15 | Oo amiirradii Fircoon baa arkay, oo Fircoon bay u ammaaneen iyadii, oo naagtii waxaa loo kaxeeyey gurigii Fircoon. |
316 | GEN 12:17 | Oo Rabbigu belaayooyin waaweyn buu ku riday Fircoon iyo reerkiisiiba, Saaray oo naagtii Aabraam ahayd aawadeed. |
317 | GEN 12:18 | Fircoonna Aabraam buu u yeedhay, oo ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Maxaad iigu sheegi weyday inay tahay naagtaadii? |
319 | GEN 12:20 | Fircoonna niman buu u soo amray isaga: wayna soo ambabbixiyeen isagii iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan. |
326 | GEN 13:7 | Dirir baana ku dhex jirtay xoolojirradii Aabraam iyo xoolojirradii Luud. Markaasna reer Kancaan iyo reer Feris dhulkaasay degganaayeen. |
335 | GEN 13:16 | Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa. |
379 | GEN 15:18 | Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan, oo laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn, oo ah webi Yufraad: |
381 | GEN 15:20 | iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Refaa'iim, |
392 | GEN 16:10 | Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Farcankaaga aad baan u tarmin doonaa si aan loo tirin karin farabadnaantiisa aawadeed. |
535 | GEN 21:21 | Wuxuuna degay cidladii Faaraan: hooyadiis baana dhulka Masar naag uga qaadday. |
536 | GEN 21:22 | Waxayna noqotay wakhtigaas in Abimeleg iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa ay la hadleen Ibraahim iyagoo leh, Ilaah waa kugula jiraa waxa aad samayso oo dhan. |
546 | GEN 21:32 | Sidaas daraaddeed axdi bay ku dhigteen Bi'ir Shebac; markaasaa Abimeleg kacay, isaga iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa, oo waxay ku noqdeen dhulkii reer Falastiin. |
548 | GEN 21:34 | Ibraahimna maalmo badan ayuu dhulka reer Falastiin qariib ahaan ku degganaa. |
570 | GEN 22:22 | iyo Kesed, iyo Haso, iyo Fildash, iyo Yidlaf iyo Betuu'el. |
599 | GEN 24:7 | Rabbiga Ilaaha samada ah, oo iga soo kaxeeyey gurigii aabbahay iyo dalkaygii aan ku dhashay, oo ila hadlay, iiguna dhaartay, isagoo leh, Farcankaaga ayaan dalkan siinayaa, ayaa malaa'igtiisa kaa sii hor diri doona, wiilkaygana naag baad halkaas uga soo guurin doontaa. |
679 | GEN 25:20 | Isxaaqna afartan sannadood buu jiray markuu guursaday Rebeqah ina Betuu'el kii dalkiisu ahaa Suuriya ee reer Fadan Araam, iyadoo ahayd Laabaan kii dalkiisu Suuriya ahaa walaashiis. |
694 | GEN 26:1 | Waxaa dhulkii ka dhacday abaar, oo aan ahayn tii hore oo waagii Ibraahim dhacday. Markaasaa Isxaaq u kacay xagga Abimeleg oo ahaa boqorkii reer Falastiin xagga Geraar. |
697 | GEN 26:4 | Farcankaagana waxaan u tarmin doonaa sida xiddigaha samada, oo waxaan farcankaaga siin doonaa dalalkan oo dhan, farcankaagayna quruumaha dunida oo dhammu ku barakoobi doonaan; |
701 | GEN 26:8 | Markuu halkaas wakhti dheer joogay ayaa Abimeleg oo ahaa boqorkii reer Falastiin daaqad ka fiiriyey, oo uu arkay Isxaaq oo naagtiisii Rebeqah la qooqaya. |
707 | GEN 26:14 | wuxuuna lahaa adhi iyo lo', iyo addoommo fara badan; markaasay reer Falastiin ka masayreen. |
708 | GEN 26:15 | Ceelashii addoommada aabbihiis qodeen oo dhan waagii aabbihiis Ibraahim noolaa ayay reer Falastiin hore u awdeen oo ciid uga buuxiyeen. |
711 | GEN 26:18 | Kolkaasaa Isxaaq mar kale qoday ceelashii biyaha oo ay qodeen waagii aabbihiis Ibraahim noolaa, waayo, reer Falastiin baa awday markii Ibraahim dhintay ka dib, oo wuxuu magacyadoodii u bixiyey magacyadii aabbihiis Ibraahim u bixiyey. |
719 | GEN 26:26 | Dabadeedna Abimeleg iyo saaxiibkiis Axusad, iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa ayaa Geraar ka tegey oo Isxaaq u kacay. |
776 | GEN 28:2 | Kac oo xagga Fadan Araam tag, iyo xagga gurigii Betuu'el oo ah hooyadaa aabbeheed; oo halkaas naag ka guurso gabdhaha Laabaan oo ah hooyadaa walaalkeed. |
779 | GEN 28:5 | Isxaaqna Yacquub wuu diray: oo wuxuu u kacay Fadan Araam xagga Laabaan, ina Betuu'el kii reer Suuriya, oo ahaa Rebeqah walaalkeed tii ahayd Yacquub iyo Ceesaw hooyadood. |
780 | GEN 28:6 | Ceesawna wuxuu arkay in Isxaaq u duceeyey Yacquub oo u diray Fadan Araam, inuu halkaas naag ka guursado, iyo inuu markuu u duceeyey amray, oo ku yidhi, Waa inaadan naag ka guursan gabdhaha reer Kancaan; |
781 | GEN 28:7 | iyo in Yacquub addeecay aabbihiis iyo hooyadiis, oo uu u kacay xagga Fadan Araam. |
788 | GEN 28:14 | Farcankaaguna wuxuu noqon doonaa sida ciidda dhulka, oo waxaad ku firdhi doontaan tan iyo galbeed, iyo bari, iyo tan iyo woqooyi, iyo koonfur: oo adiga iyo farcankaagay qabiilooyinka dhulka oo dhammu ku barakoobi doonaan. |
892 | GEN 31:18 | wuuna la tegey xoolihiisii oo dhan, iyo alaabadii uu urursaday, kuwaas oo ahaa xoolihii uu helay, oo uu ku ururiyey Fadan Araam, inuu tago xaggii aabbihiis Isxaaq iyo ilaa dalkii Kancaan. |
959 | GEN 32:31 | Yacquubna meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Fenii'eel; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah fool ka fool baan u arkay, naftayduna way nabad gashay. |
960 | GEN 32:32 | Qorraxdiina waxay soo baxday markuu Fenuu'eel dhaaftay, isna bowdadiisii buu ka dhutinayay. |
979 | GEN 33:18 | Yacquubna nabad buu ku yimid magaaladii Shekem, oo ku taal dalka Kancaan, markuu ka yimid Fadan Araam; oo wuxuu degay magaalada horteeda. |
1011 | GEN 34:30 | Yacquubna wuxuu Simecoon iyo Laawi ku yidhi, Dhib baad igu riddeen, maxaa yeelay, waxaad i nacsiiseen dadka dhulka deggan, oo ah reer Kancaan, iyo reer Feris. Haddaba anigoo dadkaygu yar yahay, ayay isu kay wada urursan doonaan oo ay i dili doonaan; markaasna aniga iyo reerkaygaba waa la baabbi'in doonaa. |
1021 | GEN 35:9 | Markaasaa Ilaah mar kale Yacquub u muuqday, markii uu ka yimid Fadan Araam, wuuna barakeeyey. |
1038 | GEN 35:26 | Addoontii Lee'ah oo Silfah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Gaad iyo Aasheer. Kuwanu waa wiilashii Yacquub oo isaga ugu dhashay Fadan Araam. |
1080 | GEN 36:39 | Bacal Xaanaan ina Cakboorna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Hadar, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Faacuu; naagtiisa magaceeduna wuxuu ahaa Meheetabeel, oo ay Matreed gabadha Meesaahaab dhashay. |
1082 | GEN 36:41 | iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon; |
1120 | GEN 37:36 | Markaasay kuwii reer Midyaan isagii Masar kaga iibiyeen nin la odhan jiray Footiifar, wuxuuna ahaa sirkaalkii Fircoon oo ahaa madaxa waardiyayaasha. |
1149 | GEN 38:29 | Oo waxay noqotay, markuu gacanta dib u ceshaday, inuu walaalkiis soo baxay; oo iyana waxay tidhi, De maxaad u soo dustay? Sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Feres. |
1151 | GEN 39:1 | Yuusufna waxaa la keenay Masar. Kuwii reer Ismaaciil oo isaga halkaas geeyeyna waxaa gacantoodii ka iibsaday nin Masri ahaa oo la odhan jiray Footiifar, oo Fircoon sirkaal u ahaa, oo madaxii waardiyayaasha ahaa. |
1175 | GEN 40:2 | Fircoonna aad buu ugu cadhaysnaa labadiisii sirkaal oo ahaa kii madaxa u ahaa kuwii khamriga siin jiray, iyo kii madaxa u ahaa kuwii wax u dubi jiray. |
1180 | GEN 40:7 | Markaasuu wax weyddiiyey saraakiishii Fircoon oo isaga lagula xabbisay guriga sayidkiisa, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad maanta ugu eg tihiin kuwo calool xun? |
1184 | GEN 40:11 | Koobkii Fircoonna gacantayduu ku jiray, markaasaan canabkii guray oo koobkii Fircoon ku tuujiyey, koobkiina waxaan u dhiibay gacantii Fircoon. |
1185 | GEN 40:12 | Markaasaa Yuusuf ku yidhi, Fasirkeedii waa kan: saddexda laamood waa saddex maalmood. |
1186 | GEN 40:13 | Oo weliba saddex maalmood dhexdooda ayaa Fircoon madaxaaga kor u qaadi doonaa, oo meeshaaduu kugu celin doonaa; Fircoon koobkiisiina gacantiisaad u dhiibi doontaa sidii waagii hore markaad ahaan jirtay kii khamriga siin jiray. |
1187 | GEN 40:14 | Laakiinse waan ku baryayaaye, i soo xusuuso markay kuu hagaagto, oo ii roonow, oo Fircoon ii sheeg, oo gurigan iga bixi; |
1190 | GEN 40:17 | Oo dambiishii ugu wada sarreeyey waxaa ku jiray cunto cayn kasta ah oo Fircoon loo dubay; markaasay haadkii cuntadii ka cuneen dambiishii madaxayga saarnaa. |
1191 | GEN 40:18 | Markaasaa Yuusuf u jawaabay oo ku yidhi, Fasirkeedii waa kan; saddexda dambiil waa saddex maalmood. |
1192 | GEN 40:19 | Oo weliba saddex maalmood dhexdooda ayaa Fircoon madaxaaga kor kaaga qaadi doonaa, geed buuna kaa soo deldeli doonaa, markaasaa haadku hilibkaaga cuni doonaa. |
1193 | GEN 40:20 | Maalintii saddexaad oo la xusuustay maalintii Fircoon dhashay ayuu addoommadiisii oo dhan diyaafad u sameeyey; markaasuu kor u qaaday madaxii kii madaxa u ahaan jiray kuwii khamriga isaga siin jiray iyo madaxii kii madaxa u ahaan jiray kuwii wax u dubi jiray oo addoommadiisa dhex joogay. |
1194 | GEN 40:21 | Markaasuu madaxii kuwii khamriga keeni jiray mar kale shaqadiisii ku celiyey; oo koobkii buu u dhiibay gacantii Fircoon; |
1197 | GEN 41:1 | Markii laba sannadood oo dhammu dhammaatay ayuu Fircoon riyooday, oo wuxuu is-arkay isagoo webiga ag taagan. |
1200 | GEN 41:4 | Markaasaa sicihii foosha xumaa oo weydda ahaa waxay cuneen toddobadii sac oo qurxoonayd oo cayillanayd. Kolkaasuu Fircoon toosay. |
1203 | GEN 41:7 | Markaasaa sabuulladii xunxumaa waxay liqeen toddobadii sabuul oo buurbuurnayd oo iltirnayd. Markaasuu Fircoon toosay, oo wuxuu arkay inay riyo tahay. |
1204 | GEN 41:8 | Oo subaxdiina wuu dhibaataysnaa, kolkaasuu u cid diray oo uu u wada yeedhay saaxiriintii Masar oo dhan iyo nimankii xigmadda lahaa oo dhan; markaasaa Fircoon u sheegay riyadiisii; laakiin ma jirin mid Fircoon u fasiri karaa. |
1205 | GEN 41:9 | Markaasaa waxaa Fircoon la hadlay kii madaxa u ahaa kuwa khamriga siin jiray isaga, oo wuxuu ku yidhi, Maantaan xusuustay dembiyadaydii. |
1206 | GEN 41:10 | Fircoonow, adigoo u cadhaysnaa addoommadaada, waxaad igu xabbistay guriga madaxa waardiyayaasha, oo waxaannu ahayn aniga iyo kii madaxa u ahaa kuwii wax dubi jiray; |
1210 | GEN 41:14 | Dabadeedna Fircoon baa u cid diray oo u yeedhay Yuusuf. Markaasay dhaqso uga soo bixiyeen godxabsigii; kolkaasuu xiirtay, oo dharkiisii beddeshay, oo uu u soo galay Fircoon. |
1211 | GEN 41:15 | Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Riyaan ku riyooday, mana jiro mid fasiri karaa; oo waxaan maqlay in markii aad riyo maqashid aad fasiri kartid. |
1212 | GEN 41:16 | Yuusufna Fircoon buu u jawaabay oo ku yidhi, Taasu xaggayga ma aha, laakiinse Ilaah wuxuu Fircoon siin doonaa jawaab nabadeed. |
1213 | GEN 41:17 | Markaasaa Fircoon Yuusuf la hadlay, oo yidhi, Waxaan riyadaydii ku arkay anigoo webiga qarkiisa taagan; |
1221 | GEN 41:25 | Oo Yuusuf wuxuu ku yidhi Fircoon, Riyadaadu waa mid, oo waxa Ilaah samaynayo ayuu kuu sheegay, Fircoonow. |
1224 | GEN 41:28 | Taasu waa wixii aan kugula hadlay, Fircoonow. Waxa Ilaah samaynayo ayuu ku tusay. |
1228 | GEN 41:32 | Oo taas aawadeed riyadii labanlaab bay kuu noqotay, Fircoonow, maxaa yeelay, waxaas waxaa amray Ilaah, oo weliba Ilaah dhowaan buu samayn doonaa. |
1229 | GEN 41:33 | Haddaba Fircoonow, waxaad doontaa nin caqli iyo xigmad leh, oo u sarraysii dalka Masar oo dhan. |
1231 | GEN 41:35 | Oo cuntada oo dhan sannadahan wanaagsan oo imanaya ha ururiyeen, hadhuudhkana ha kugu hoos kaydiyeen, Fircoonow, oo intay cunto ahaan magaalooyinka u dhigaan, ha ilaaliyeen. |
1233 | GEN 41:37 | Waxaasuna Fircoon way la wanaagsanaayeen, isaga iyo addoommadiisiiba. |
1234 | GEN 41:38 | Markaasaa Fircoon wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Miyaynu heli karaynaa mid la mid ah kan, oo ah nin Ruuxa Ilaah ku jiro? |
1235 | GEN 41:39 | Markaasuu Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Mar haddii Ilaah ku tusay waxyaalahan oo dhan, ma jiro mid sidaadoo kale caqli iyo xigmad u leh. |
1237 | GEN 41:41 | Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Bal eeg, dalka Masar oo dhan ayaan kaa sarraysiiyey. |
1238 | GEN 41:42 | Markaasuu Fircoon gacantiisa ka bixiyey kaatunkiisii, oo Yuusuf gacanta u geliyey, oo wuxuu u xidhay dhar aad u wanaagsan, silsilad dahab ahna qoortuu u sudhay; |
1240 | GEN 41:44 | Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waxaan ahay Fircoon, oo adiga la'aantaa ninna gacantiisa ama cagtiisa kor uma qaadi doono dalka Masar oo dhan. |
1241 | GEN 41:45 | Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf magiciisii u bixiyey Saafnad Facneh, oo wuxuu u guuriyey Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon. Yuusufna markaasuu dalkii Masar oo dhan u baxay oo wada maray. |
1242 | GEN 41:46 | Yuusufna soddon sannadood buu jiray markuu hor istaagay Fircoon oo ahaa boqorkii Masar. Markaasaa Yuusuf Fircoon hortiisii ka tegey, oo wuxuu wada maray dalkii Masar oo dhan. |
1246 | GEN 41:50 | Oo Yuusuf waxaa u dhashay laba wiil intii aan sannaddii abaarta ahayd iman, oo waxaa u dhashay Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon. |
1251 | GEN 41:55 | Oo markii dalkii Masar oo dhammu wada abaarsaday ayaa dadkii Fircoon cunto ugu qayliyeen. Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi Masriyiintii oo dhan, Yuusuf u taga, oo wuxuu idin yidhaahdo yeela. |
1268 | GEN 42:15 | Haddaba tan baa laydinku tijaabin doonaa; nolosha Fircoon baan ku dhaartay inaydaan halkan ka tegi doonin, in walaalkiinnii yaraa halkan yimaado mooyaane. |
1269 | GEN 42:16 | Mid idinka mid ah dira, oo ha keeno walaalkiin, idinkuna waad xidhnaan doontaan, in la tijaabiyo hadalkiinna, bal inay runi idinku jirto iyo in kale, haddii kalese hubaal nolosha Fircoon baan ku dhaartay inaad basaasyo tihiin. |
1343 | GEN 44:18 | Markaasaa Yahuudah u soo dhowaaday oo ku yidhi, Sayidkaygiiyow, anigoo addoonkaaga ah waxaan kaa baryayaa inaan hadal yar kugula hadlo, sayidkaygiiyow, oo ha ii cadhoon anigoo ah addoonkaaga; waayo, waxaad la mid tahay sida Fircoon oo kale. |
1361 | GEN 45:2 | Markaasuu intuu codkiisii kor u qaaday ooyay; oo Masriyiintiina way maqleen, dadkii guriga Fircoonna way maqleen. |
1367 | GEN 45:8 | Haddaba sidaas daraaddeed idinka ma ahayn kii halkan ii soo diray, laakiinse wuxuu ahaa Ilaah; oo isagu Fircoon buu aabbe iiga dhigay, iyo sayidkii dadka gurigiisa oo dhan, iyo taliyihii dalka Masar oo dhan. |
1375 | GEN 45:16 | Markaasaa warkii laga maqlay gurigii Fircoon, oo waxaa la yidhi, Yuusuf walaalihiis baa yimid. Taasna aad bay uga farxisay Fircoon iyo addoommadiisiiba. |
1376 | GEN 45:17 | Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Walaalahaa waxaad ku tidhaahdaa, Idinku sidan yeela, gaadiidkiinna rarta, oo taga oo dalkii Kancaan u kaca; |
1380 | GEN 45:21 | Markaasaa wiilashii Israa'iil saas yeeleen, Yuusufna wuxuu iyagii siiyey gaadhifardood, sidii Fircoon amarkiisu ahaa, sahayna jidkuu u siiyey. |