8 | GEN 1:8 | Ilaahna bannaankii wuxuu u bixiyey Samo. Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii labaad. |
32 | GEN 2:1 | Samada iyo dhulkuna way dhammaadeen, iyo waxa badan ee ku jira oo dhammuba. |
55 | GEN 2:24 | Sidaas daraaddeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa: oo waxay noqonayaan isku jidh. |
95 | GEN 4:15 | Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi isagii, Sidaas daraaddeed ku alla kii dila Qaabiil, waxaa looga aargudan doonaa toddoba labanlaab. Rabbiguna calaamad buu u sameeyey Qaabiil, si aanu ku alla kii arkaaba u dilin. |
99 | GEN 4:19 | Lamegna wuxuu guursaday laba naagood; mid magaceedu wuxuu ahaa Caadah, tan kalena magaceedu wuxuu ahaa Sillah. |
102 | GEN 4:22 | Sillahna waxay dhashay Tuubalqayin oo ahaa mid tumi jiray alaabtii naxaasta iyo birta ahayd oo dhan; Tuubalqayin walaashiisna waxay ahayd Nacmah. |
103 | GEN 4:23 | Lamegna wuxuu naagihiisii ku yidhi: Caadah iyo Sillahay, codkayga maqla; Lameg naagihiisow, hadalkayga dhegaysta; Nin baan u dilay dhaawicid uu i dhaawacay aawadeed, Iyo nin dhallinyar dhufashadii uu wax igu dhuftay aawadeed. |
105 | GEN 4:25 | Aadanna naagtiisii mar kale ayuu u tegey; waxayna dhashay wiil, magiciisiina waxay u bixisay Seed, iyadoo leh, Ilaah abuur kaluu ii soo dhigay Haabiil meeshiisii; waayo, Qaabiil baa dilay isagii. |
106 | GEN 4:26 | Seedna waxaa u dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Enoos; markaasaa dadkii waxay bilaabeen inay Rabbiga ku baryaan magiciisa. |
109 | GEN 5:3 | Aadanna wuxuu jiray boqol iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay wiil isagii u eg oo araggiisii leh; magiciisiina wuxuu u bixiyey Seed. |
110 | GEN 5:4 | Aadanna markuu Seed dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood; wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
112 | GEN 5:6 | Seedna wuxuu jiray boqol iyo shan sannadood, wuxuuna dhalay Enoos. |
113 | GEN 5:7 | Seedna markuu Enoos dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
114 | GEN 5:8 | Wakhtigii Seed noolaa oo dhammuna wuxuu ahaa sagaal boqol iyo laba iyo toban sannadood; dabadeedna wuu dhintay. |
138 | GEN 5:32 | Nuuxna wuxuu jiray shan boqol oo sannadood; wuxuuna dhalay Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed. |
148 | GEN 6:10 | Oo Nuux wuxuu dhalay saddex wiil oo ahaa Sheem, iyo Xaam iyo Yaafed. |
160 | GEN 6:22 | Sidaasuu Nuux sameeyey; wax kasta sidii Ilaah ugu amray buu u sameeyey. |
171 | GEN 7:11 | Sannaddii uu Nuux lix boqol oo sannadood jiray, bisheedii labaad, maalintii toddoba iyo tobnaad oo bisha, isla maalintaas ayaa ilihii moolka weyn biyo ka buqdeen, dariishadihii samadana la furay. |
173 | GEN 7:13 | Isla maalintaas Nuux wuxuu galay doonnidii, isagii iyo Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed, oo ahaa wiilashii Nuux, iyo naagtii Nuux, iyo saddexdii naagood oo wiilashiisa ee la jiray; |
180 | GEN 7:20 | Shan iyo toban dhudhun baa biyihii xagga sare xoog ugu kaceen; buurihiina way qarsoomeen. |
201 | GEN 8:17 | Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan. |
224 | GEN 9:18 | Oo wiilashii Nuux oo doonnidii ka soo baxay, waxay ahaayeen Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed: Xaamna waa Kancaan aabbihiis. |
225 | GEN 9:19 | Saddexdanu waxay ahaayeen wiilashii Nuux; oo iyagii farcankoodii baa dhulka oo dhan ku fiday. |
229 | GEN 9:23 | Kolkaasaa Sheem iyo Yaafed dhar qaadeen, oo labadoodu garbahay saareen, oo dib dib u socdeen, kolkaasay qaawanaantii aabbahood ku dedeen, oo wejiyadooduna way sii jeedeen, mana ay arkin qaawanaantii aabbahood. |
232 | GEN 9:26 | Oo wuxuu yidhi, Ammaanu ha u ahaato Rabbiga ah Ilaaha Sheem, Kancaanna addoon ha u noqdo. |
233 | GEN 9:27 | Ilaah ha fidiyo Yaafed, Hana dego teendhooyinka Sheem; Kancaanna addoon ha u noqdo isaga. |
236 | GEN 10:1 | Haddaba kuwanu waa farcankii wiilashii Nuux, kuwaas oo ahaa Sheem, Xaam iyo Yaafed: oo wiilal baa u dhashay iyaga daadkii dabadiis. |
242 | GEN 10:7 | Wiilashii Kuushna waxay ahaayeen Sebaa, iyo Xawiilaah, iyo Sabtaah, iyo Racmaah, iyo Sabteka: wiilashii Racmaahna waxay ahaayeen Shebaa, iyo Dedaan. |
244 | GEN 10:9 | Wuxuu ahaa ugaadhsade ku xoog weyn Rabbiga hortiisa: taas daraaddeed waxaa la yidhaahdaa, Sidii Nimrod ugaadhsade xoog weyn Rabbiga hortiisa. |
245 | GEN 10:10 | Bilowgii boqortooyadiisu waxay ahayd Baabel, iyo Ereg, iyo Akad, iyo Kalneh, waxayna ku yiilleen waddankii Shincaar. |
250 | GEN 10:15 | Kancaanna wuxuu dhalay Siidoon oo ahaa curadkiisii, iyo Xeed; |
252 | GEN 10:17 | iyo reer Xiwi, iyo reer Carqi, iyo reer Siini; |
253 | GEN 10:18 | iyo reer Arwaad, iyo reer Semaar, iyo reer Xamaad: dabadeedna qabiilooyinkii Kancaan way kala firdheen. |
254 | GEN 10:19 | Oo soohdintii reer Kancaan waxay ka bilaabmaysay Siidoon, markii loo kaco xagga Geraar, ilaa Gaasa, oo markii loo kaco xagga Sodom iyo Gomora iyo Admah iyo Seboyim, ilaa Laashac. |
256 | GEN 10:21 | Sheem oo aabbe u ahaa carruurtii Ceeber oo dhan, oo ahaa Yaafed walaalkiisii weynaa, isagana carruur baa u dhalatay. |
257 | GEN 10:22 | Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam. |
259 | GEN 10:24 | Arfaksadna wuxuu dhalay Salah; Salahna wuxuu dhalay Ceeber. |
261 | GEN 10:26 | Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah; |
263 | GEN 10:28 | iyo Coobaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa; |
265 | GEN 10:30 | Meeshay degganaayeenna waxay ka bilaabmaysay Meesha, markii loo kaco xagga Sefaar, buurta bari. |
266 | GEN 10:31 | Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Sheem; sidii qabiilooyinkoodii, iyo afafkoodii, iyo waddammadoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen. |
269 | GEN 11:2 | Waxaana dhacday markay xagga bari u sii socdaaleen inay waddankii Shincaar meel bannaan ka heleen; oo halkaas ayay degeen. |
276 | GEN 11:9 | Sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan. |
277 | GEN 11:10 | Kuwanu waa farcankii Sheem. Sheem wuxuu jiray boqol sannadood, oo laba sannadood oo daadkii ka dambaysay wuxuu dhalay Arfaksad. |
278 | GEN 11:11 | Sheemna markuu Arfaksad dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
279 | GEN 11:12 | Arfaksadna wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Salah: |
280 | GEN 11:13 | Arfaksadna markuu Salah dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
281 | GEN 11:14 | Salahna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Ceeber. |
282 | GEN 11:15 | Salahna markuu Ceeber dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
287 | GEN 11:20 | Recuna wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Seruug. |
288 | GEN 11:21 | Recuna markuu Seruug dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
289 | GEN 11:22 | Seruugna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Naaxoor: |
290 | GEN 11:23 | Seruugna markuu Naaxoor dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
296 | GEN 11:29 | Aabraam iyo Naaxoorna way guursadeen: Aabraam naagtiisii waxaa la odhan jiray Saaray; naagtii Naaxoorna waxaa la odhan jiray Milkah, waxayna ahayd gabadhii Haaraan, aabbihii Milkah iyo Iskah. |
297 | GEN 11:30 | Saarayna waxay ahayd madhalays; ilmona ma ay lahayn. |
298 | GEN 11:31 | Teraxna wuxuu kaxaystay wiilkiisii Aabraam, iyo Luud oo ahaa ina Haaraan, wiilkii wiilkiisii, iyo Saaray oo uu soddog u ahaa, oo ahayd naagtii wiilkiisii Aabraam; wayna kala baxeen Uur tii reer Kaldayiin, si ay u tagaan dalkii Kancaan; waxayna yimaadeen Haaraan, oo halkaasay degeen. |
304 | GEN 12:5 | Aabraamna wuxuu kaxaystay naagtiisii Saaray, iyo Luud oo ahaa wiilkii walaalkiis, iyo xoolahoodii ay urursadeen oo dhan, iyo dadkii ay Haaraan ka heleen oo dhan; kolkaasay u kaceen dalkii Kancaan, oo waxay yimaadeen dalkii Kancaan. |
305 | GEN 12:6 | Aabraamna dalkii buu dhex maray ilaa meeshii la odhan jiray Shekem iyo tan iyo geedkii Moreh. Wakhtigaasna reer Kancaan dalkay joogeen. |
310 | GEN 12:11 | Oo waxay noqotay in markii uu ku soo dhowaaday inuu Masar galo, uu ku yidhi naagtiisii Saaray, Bal eeg, waan ogahay inaad tahay naag arag quruxsan, |
316 | GEN 12:17 | Oo Rabbigu belaayooyin waaweyn buu ku riday Fircoon iyo reerkiisiiba, Saaray oo naagtii Aabraam ahayd aawadeed. |
329 | GEN 13:10 | Kolkaasuu Luud indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay Bannaankii Webi Urdun oo dhan, iyo inay meel waluba aad u waraabsan tahay, intaan Rabbigu baabbi'in Sodom iyo Gomora; wuxuu u ekaa beertii Ilaah, iyo sida dalka Masar markaad tagto xagga Socar. |
331 | GEN 13:12 | Aabraam wuxuu degay dalkii Kancaan, Luudna wuxuu degay magaalooyinkii Bannaanka ku yiil, oo teendhadiisii wuxuu u wareejiyey xagga Sodom. |
332 | GEN 13:13 | Haddaba dadkii Sodom shar miidhan bay ahaayeen, Ilaahna aad iyo aad bay ugu dembaabeen. |
338 | GEN 14:1 | Oo waxaa dhacday waagii Amraafel boqorka u ahaa Shincaar, Aryoogna boqorka u ahaa Ellaasaar, Kedorlaacomerna boqorka u ahaa Ceelaam, Tidcaalna boqorka u ahaa Goyiim, |
339 | GEN 14:2 | inay la dirireen Berac oo boqor u ahaa Sodom, iyo Birshac oo boqor u ahaa Gomora, iyo Shinaab oo boqor u ahaa Admah, iyo Shemeeber oo boqor u ahaa Seboyim, iyo boqorkii Belac (oo iyana ahayd Socar). |
340 | GEN 14:3 | Kuwanu waxay kulligood isugu yimaadeen Dooxo Siddiim (oo iyana ahayd Baddii Cusbada). |
342 | GEN 14:5 | Sannaddii afar iyo tobnaadna waxaa yimid Kedorlaacomer, iyo boqorradii la jiray, oo waxay reer Refaa'iim ku dileen Cashterod Qarnayim, oo reer Suusiimna waxay ku dileen Haam, oo reer Eymiimna waxay ku dileen Shaweh Qiryaatayim, |
343 | GEN 14:6 | reer Xorna waxay ku dileen buurtoodii Seciir, iyo ilaa Aylfaaraan oo u dhowayd cidlada. |
345 | GEN 14:8 | Oo waxaa soo baxay boqorkii Sodom, iyo boqorkii Gomora, iyo boqorkii Admah, iyo boqorkii Seboyim, iyo boqorkii Belac (oo iyana ahayd Socar); oo waxay Dooxo Siddiim ugu diyaargaroobeen inay la dagaallamaan |
346 | GEN 14:9 | Kedorlaacomer oo ahaa boqorkii Ceelaam, iyo Tidcaal oo ahaa boqorkii Goyiim, iyo Amraafel oo ahaa boqorkii Shincaar, iyo Aryoog oo ahaa boqorkii Ellaasaar. Waxay ahaayeen afar boqor oo shantii boqor ka gees ah. |
347 | GEN 14:10 | Haddaba Dooxo Siddiim waxaa ka buuxay boholo waaweyn oo dhoobo ah; oo boqorradii Gomora iyo Sodom way carareen, oo halkaasay ku dhaceen, intii kalena waxay u carareen xagga buurta. |
348 | GEN 14:11 | Oo waxay qaateen alaabtii Sodom iyo Gomora oo dhan, iyo cuntadoodii oo dhan, wayna iska tageen. |
349 | GEN 14:12 | Oo waxaa kaloo ay la tageen Luud, oo ahaa wiilkii Aabraam walaalkiis, oo Sodom degganaa, iyo alaabtiisii oo dhan, wayna iska tageen. |
354 | GEN 14:17 | Markuu ka soo noqday layntii Kedorlaacomer iyo boqorradii la jiray ka dib ayaa boqorkii Sodom Aabraam kaga hor tegey Dooxo Shaweh oo ahayd Dooxadii Boqorka. |
355 | GEN 14:18 | Oo Malkisadaq oo ahaa boqorkii Saalem baa keenay cunto iyo khamri: wuxuuna ahaa wadaadkii Ilaaha ugu sarreeya. |
358 | GEN 14:21 | Boqorkii Sodom wuxuu Aabraam ku yidhi, Dadka uun i sii, alaabtana adigu iska qaado. |
359 | GEN 14:22 | Laakiin Aabraam wuxuu boqorkii Sodom ku yidhi, Gacantaydaan kor u taagay oo waxaan ku dhaartay Rabbiga, kan ah Ilaaha ugu sarreeya, ee leh samada iyo dhulka, |
363 | GEN 15:2 | Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaad i siin doontaa? Waayo, anigu carruurla'aan baan sii socdaa, reerkaygana waxaa dhaxli doona Eliiceser oo ah reer Dimishaq. |
366 | GEN 15:5 | Oo dibadduu u soo bixiyey, oo ku yidhi, Bal samada fiiri, oo xiddigaha tiri, haddaad tirin kartid: oo wuxuu ku yidhi, Sidaas oo kalaa farcankaagu ahaan doonaa. |
369 | GEN 15:8 | Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaan ku ogaadaa inaan dhaxli doono? |
383 | GEN 16:1 | Saaray oo ahayd Aabraam naagtiisii carruur uma ay dhalin isagii: waxayna lahayd gabadh midiidin ah, oo Masriyad ah, magaceedana waxaa la odhan jiray Haagaar. |
384 | GEN 16:2 | Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Bal eeg imminka, Rabbigu waa ii diiday inaan dhalo; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad midiidintayda u tagto, mindhaa iyadaan carruur ka heli doonaaye, Aabraamna codkii Saaray buu maqlay. |