54 | GEN 2:23 | Ninkiina wuxuu yidhi, Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga: waxaa iyada loogu yeedhi doonaa Naag, maxaa yeelay, iyada waxaa laga soo saaray Nin. |
93 | GEN 4:13 | Qaabiilna wuxuu Rabbiga ku yidhi, Taqsiirtaydu waa ka sii badan tahay wax aan qaadi karo. |
102 | GEN 4:22 | Sillahna waxay dhashay Tuubalqayin oo ahaa mid tumi jiray alaabtii naxaasta iyo birta ahayd oo dhan; Tuubalqayin walaashiisna waxay ahayd Nacmah. |
223 | GEN 9:17 | Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Tanu waa calaamadii axdigii aan ku adkeeyey inta jidhka leh oo dhulka joogta. |
237 | GEN 10:2 | Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas. |
238 | GEN 10:3 | Wiilashii Gomerna waxay ahaayeen Ashkenas, iyo Riifad, iyo Togarmaah. |
239 | GEN 10:4 | Wiilashii Yaawaanna waxay ahaayeen Eliishah, iyo Tarshiish, iyo Kitiim iyo Dodaaniim. |
291 | GEN 11:24 | Naaxoorna wuxuu jiray sagaal iyo labaatan sannadood, wuxuuna dhalay Terax; |
292 | GEN 11:25 | Naaxoorna markuu Terax dhalay ka dib wuxuu noolaa boqol iyo sagaal iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay. |
293 | GEN 11:26 | Teraxna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan. |
294 | GEN 11:27 | Kuwanu waa farcankii Terax. Terax wuxuu dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan; Haaraanna wuxuu dhalay Luud. |
295 | GEN 11:28 | Haaraanna wuxuu dhintay aabbihiis Terax oo jooga, wuxuuna ku dhintay dhulkii uu ku dhashay, oo la odhan jiray Uur tii reer Kaldayiin. |
298 | GEN 11:31 | Teraxna wuxuu kaxaystay wiilkiisii Aabraam, iyo Luud oo ahaa ina Haaraan, wiilkii wiilkiisii, iyo Saaray oo uu soddog u ahaa, oo ahayd naagtii wiilkiisii Aabraam; wayna kala baxeen Uur tii reer Kaldayiin, si ay u tagaan dalkii Kancaan; waxayna yimaadeen Haaraan, oo halkaasay degeen. |
299 | GEN 11:32 | Wakhtigii Terax noolaa wuxuu ahaa laba boqol iyo shan sannadood, Teraxna wuxuu ku dhintay Haaraan. |
338 | GEN 14:1 | Oo waxaa dhacday waagii Amraafel boqorka u ahaa Shincaar, Aryoogna boqorka u ahaa Ellaasaar, Kedorlaacomerna boqorka u ahaa Ceelaam, Tidcaalna boqorka u ahaa Goyiim, |
344 | GEN 14:7 | Oo way soo noqdeen, oo waxay yimaadeen Ceyn Mishfaad (oo iyana ahayd Qaadeesh), oo waxay dileen dadkii dalkii reer Camaaleq oo dhan, waxaa kale oo ay dileen reer Amor oo degganaa Hasason Tamar. |
346 | GEN 14:9 | Kedorlaacomer oo ahaa boqorkii Ceelaam, iyo Tidcaal oo ahaa boqorkii Goyiim, iyo Amraafel oo ahaa boqorkii Shincaar, iyo Aryoog oo ahaa boqorkii Ellaasaar. Waxay ahaayeen afar boqor oo shantii boqor ka gees ah. |
457 | GEN 18:32 | Oo wuxuu yidhi, Sayidku yuusan cadhoon, oo weli waan la hadlayaaye, waase markan keliya. Mindhaa waxaa halkaas laga heli toban. Wuxuuna yidhi, Tobanka daraaddood ayaanan u baabbi'inayn. |
496 | GEN 19:38 | Tii yarayd iyana waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Bencammi: isna waa reer Cammoonka maanta jooga aabbahood. |
501 | GEN 20:5 | Miyuusan isaga qudhiisu igu odhan, Waa walaashay? Oo iyana xataa waxay igu tidhi, Isagu waa walaalkay. Tan waxaan ku sameeyey daacadnimada qalbigayga iyo daahirsanaanta gacmahayga. |
544 | GEN 21:30 | Markaasuu yidhi, Toddobadan sabeenood waa inaad iga guddoontid inay markhaati ii noqoto inaan anigu ceelkan qoday. |
572 | GEN 22:24 | Addoontiisii la odhan jiray Re'uumah waxay iyana u dhashay Tebah, iyo Gaham, iyo Tahash, iyo Macakah. |
674 | GEN 25:15 | Hadar, iyo Tema, iyo Yetuur, iyo Nafish, iyo Qedemah. |
791 | GEN 28:17 | Wuuna cabsaday, oo wuxuu yidhi, Meeshanu cabsi badanaa! Tanu meel kale ma aha, gurigii Ilaah mooyaane, tanuna waa iriddii samada. |
814 | GEN 29:18 | Yacquubna wuxuu jeclaa Raaxeel; markaasuu yidhi, Toddoba sannadood baan kuugu shaqayn gabadhaada yar oo Raaxeel ah. |
926 | GEN 31:52 | Taalladanu markaati ha ka noqoto, tiirkuna markhaati ha ka noqdo, inaanan taalladan kuugu soo dhaafayn inaan wax ku yeelo, adna aadan taalladan iyo tiirkan iigu soo dhaafayn inaad wax i yeeshid. |
1052 | GEN 36:11 | Wiilashii Elifasna waxay ahaayeen Teemaan, Oomaar, Sefoo, iyo Gactaam iyo Qenas. |
1053 | GEN 36:12 | Timnac waxay ahayd addoontii uu Elifas ina Ceesaw qabay, oo waxay Elifas u dhashay Camaaleq; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Caadah ahayd. |
1056 | GEN 36:15 | Kuwanu waxa weeye ugaasyadii wiilashii Ceesaw. Waa wiilashii Elifas kii ahaa curadkii Ceesaw kuwaas oo ah ugaas Teemaan, iyo ugaas Oomaar, iyo ugaas Sefoo, iyo ugaas Qenas, |
1063 | GEN 36:22 | Carruurtii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Heemaam, Lootaan walaashiisna waxay ahayd Timnac. |
1075 | GEN 36:34 | Yoobaabna waa dhintay, oo waxaa meeshiisii xukumi jiray Xushaam oo ka yimid dhulkii reer Teemaan. |
1081 | GEN 36:40 | Kuwanuna waa magacyadii ugaasyadii Ceesaw dhalay, siday ahaayeen qabiilooyinkoodii iyo magacyadii meelahoodii ay degganaan jireen, waana ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed, |
1083 | GEN 36:42 | iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar; |
1126 | GEN 38:6 | Markaasaa Yahuudah naag u guuriyey curadkiisii ahaa Ceer, magaceedana waxaa la odhan jiray Taamaar. |
1131 | GEN 38:11 | Markaasuu Yahuudah ku yidhi gabadhii Taamaar oo uu soddogga u ahaa, Carmalnimo ku joog guriga aabbahaa, ilaa uu wiilkayga Sheelaah koro; waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo uu isna dhintaa sidii walaalihiis. Kolkaasay Taamaar tagtay oo gurigii aabbeheed joogtay. |
1132 | GEN 38:12 | Wakhti dheer ka dib waxaa dhimatay Shuuca gabadhiisii oo ahayd naagtii Yahuudah. Markaasaa Yahuudah loo tacsiyeeyey, oo wuxuu tegey xagga kuwii idihiisa dhogorta ka xiiri jiray oo joogay Timnaad, isaga iyo saaxiibkiis Xiirah kii reer Cadullaamba. |
1133 | GEN 38:13 | Markaasaa Taamaar loo sheegay, oo waxaa lagu yidhi, Bal eeg, soddoggaa wuxuu tegayaa xagga Timnaad inuu idihiisii dhogorta ka soo xiirto. |
1134 | GEN 38:14 | Markaasay iska dhigtay dharkii carmalinimadeeda, oo waxay hagoogatay indhashareerteedii, oo intay isdedday ayay waxay fadhiisatay iriddii Cenayim, oo ku ag tiil jidka loo maro Timnaad, waayo, waxay aragtay inuu Sheelaah weynaaday, oo aan loo guurin iyada. |
1144 | GEN 38:24 | Oo waxay noqotay in muddo saddex bilood ku dhow dabadeed Yahuudah war loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Gabadhii Taamaar oo aad soddogga u ahayd waa dhillowday; oo dhillanimadeedii bay ku uuraysatay. Markaasaa Yahuudah yidhi, Soo bixiya oo ha la gubo. |
1212 | GEN 41:16 | Yuusufna Fircoon buu u jawaabay oo ku yidhi, Taasu xaggayga ma aha, laakiinse Ilaah wuxuu Fircoon siin doonaa jawaab nabadeed. |
1222 | GEN 41:26 | Toddobada sac oo wanwanaagsanu waa toddoba sannadood, toddobada sabuul oo wanwanaagsanuna waa toddoba sannadood; riyadu waa mid. |
1223 | GEN 41:27 | Toddobada sac oo weyd ah oo foosha xun, oo ka soo daba baxay waa toddoba sannadood, oo haddana toddobada sabuul oo madhan, oo dabayshii bari qallajisay waxay noqon doonaan toddoba sannadood oo abaar ah. |
1224 | GEN 41:28 | Taasu waa wixii aan kugula hadlay, Fircoonow. Waxa Ilaah samaynayo ayuu ku tusay. |
1230 | GEN 41:34 | Tan yeel oo waxaad doorataa niman dalka u sarreeya, oo waxa toddobada sannadood oo barwaaqada ah dhulka ka baxa inta shanaad ha ururiyeen. |
1267 | GEN 42:14 | Markaasuu Yuusuf iyagii ku yidhi, Taasu waa tii aan idinkula hadlay, anigoo leh, Basaasyaad tihiin. |
1271 | GEN 42:18 | Kolkaasaa maalintii saddexaad Yuusuf iyagii ku yidhi, Tan yeela, oo waad noolaan doontaan, waayo, anigu Ilaah baan ka cabsadaa. |
1375 | GEN 45:16 | Markaasaa warkii laga maqlay gurigii Fircoon, oo waxaa la yidhi, Yuusuf walaalihiis baa yimid. Taasna aad bay uga farxisay Fircoon iyo addoommadiisiiba. |
1400 | GEN 46:13 | Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac iyo Fuwaah, iyo Yoob, iyo Shimroon. |
1513 | GEN 50:6 | Markaasaa Fircoon ku yidhi, Tag oo aabbahaa u soo aas siduu kugu dhaariyey. |
1518 | GEN 50:11 | Oo markii dadkii reer Kancaan oo dalka degganaa ay arkeen baroortii ka dhacday goobtii Aataad ayay waxay yidhaahdeen, Tanu waa baroor ku xun Masriyiinta. Oo sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Aabeel Masriyiin, oo waxay ka shishaysaa Webi Urdun. |
1564 | EXO 2:9 | Markaasaa gabadhii Fircoon waxay ku tidhi iyadii, Tag, oo ilmahan qaad oo ii nuuji, oo anna waxaan ku siin doonaa mushahaaradaada. Markaasay naagtii yarkii qaadday oo nuujisay. |
1621 | EXO 4:19 | Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi Muuse, isagoo Midyaan jooga, Tag, oo Masar ku noqo, waayo, dadkii doondoonayay inay nafta kaa qaadaan way wada dhinteen. |
1629 | EXO 4:27 | Markaasaa Rabbigu wuxuu Haaruun ku yidhi, Tag inaad Muuse kaga hor tagtid cidlada dhexdeeda. Markaasuu tegey, oo wuxuu kaga hor tegey buurta Ilaah, kolkaasuu dhunkaday. |
1703 | EXO 7:17 | Oo waxaa Rabbigu ku leeyahay, Tan ayaad ku ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay, bal ogow, ushan aan gacanta ku hayo ayaan ku dhufan doonaa biyaha webiga ku jira, markaasay waxay u rogman doonaan dhiig. |
1730 | EXO 8:15 | Markaasaa saaxiriintii waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Tanu waa fartii Ilaah. Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi. |
1736 | EXO 8:21 | Markaasaa Fircoon wuxuu u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Ilaahiin dalka dhexdiisa allabari ugu bixiya. |
1786 | EXO 10:8 | Markaasaa Muuse iyo Haaruun mar kale loo keenay Fircoon. Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Taga oo Rabbiga Ilaahiinna ah u adeega, laakiinse waa ayo kuwa tegayaa? |
1802 | EXO 10:24 | Markaasaa Fircoon Muuse u yeedhay oo wuxuu ku yidhi, Taga oo Rabbiga u adeega; laakiinse adhyihiinna iyo lo'diinnu ha joogeen; yaryarkiinnuse ha idin raaceen. |
1832 | EXO 12:15 | Toddoba maalmood waxaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn; weliba maalinta kowaad waa inaad khamiirka ka saartaan guryihiinna; waayo, ku alla kii cuna kibis khamiir leh maalinta kowaad ilaa maalinta toddobaad, qofkaas waa laga gooyn doonaa reer binu Israa'iil. |
1836 | EXO 12:19 | Toddoba maalmood waa inaan guryihiinna khamiir laga helin; waayo, ku alla kii wax khamiir leh cuna, qofkaas waa laga gooyn doonaa shirka reer binu Israa'iil, hadduu yahay qariib iyo hadduu waddanka ku dhex dhashayba. |
1874 | EXO 13:6 | Toddoba maalmood waa inaad kibis aan khamiir lahayn cuntaan, oo maalinta toddobaad waa inay iid Rabbiga u ahaato. |
1890 | EXO 13:22 | Tiirkii daruurta ahaa oo maalinta, iyo tiirkii dabka ahaa oo habeenka kama tegin dadka hortiisa. |
1938 | EXO 15:17 | Iyaga gudahaad soo gelin doontaa, oo waxaad ku beeri doontaa buurta dhaxalkaaga, Taasoo ah meesha aad u samaysatay inaad degganaatid, Rabbiyow, Waana meesha quduuska ah oo gacmahaagu diyaariyeen. |
1963 | EXO 16:15 | Oo markay reer binu Israa'iil arkeen ayaa midkoodba ka kale ku yidhi, Maxay tahay? Waayo, ma ay garanayn waxay tahay. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Tanu waa kibistii Rabbigu idiin siiyey inaad cuntaan. |
2160 | EXO 23:15 | Oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn waa inaad dhawrtaa. Toddoba maalmood waa inaad cuntaa kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi oo bisha Aabiib ah, maxaa yeelay, bishaas ayaad Masar ka soo baxday; oo midkiinna hortayda yuusan iman isagoo faro madhan. |
2272 | EXO 26:36 | Oo waa inaad iridda Teendhada u samaysaa daah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh. |
2294 | EXO 27:21 | Taambuugga shirka gudihiisa oo ku yaal ilxidhka dibaddiisa, kuna hor yaalla maragga, fiidka ilaa subaxda waa inay Haaruun iyo wiilashiisu Rabbiga hortiisa ku diyaariyaan laambadda; oo wuxuu reer binu Israa'iil u noqon doonaa qaynuun weligiis u jira ka ab ka ab. |
2324 | EXO 28:30 | Oo laabgashiga xukumaadda waa inaad gelisaa Uuriimka iyo Tummiimka, oo waa inay Haaruun qalbigiisa saarnaadaan markuu Rabbiga hortiisa tago; oo Haaruun waa inuu qalbigiisa ku qaadaa xukumaadda reer binu Israa'iil had iyo goorba. |
2414 | EXO 30:31 | Oo waa inaad la hadashaa reer binu Israa'iil oo waxaad ku tidhaahdaa, Tanu waxay ka ab ka ab ii noqon doontaa saliid lagu subkado oo quduus ah. |
2428 | EXO 31:7 | kuwaasoo ah taambuugga shirka, iyo sanduuqa maragga, iyo daboolka dul saaran, iyo alaabta Taambuugga oo dhan, |
2475 | EXO 33:1 | Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Tag, oo halkan ka socda, adiga iyo dadkii aad dalkii Masar ka soo bixisayba, oo waxaad u kacdaan dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo aan mid walba ku idhi, Farcankaagaan siin doonaa. |
2481 | EXO 33:7 | Haddaba Muuse wuxuu qaadi jiray taambuugga oo uu ka dhisi jiray xerada dibaddeeda, meel xerada ka durugsan; oo wuxuu u bixiyey Taambuuggii shirka. Oo mid kasta oo Rabbiga doonay, wuxuu u baxay taambuuggii shirka oo xerada dibaddeeda ahaa. |
2482 | EXO 33:8 | Oo markii Muuse Taambuuggii u baxay, dadkii oo dhammu way wada keceen, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeda ayuu istaagay, oo waxay eegayeen Muuse ilaa uu Taambuuggii galay. |
2483 | EXO 33:9 | Oo markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay. |
2484 | EXO 33:10 | Oo dadkii oo dhammuna way wada arkeen tiirkii daruurta ahaa oo Taambuugga iriddiisii hor qotoma; kolkaasay dadkii oo dhammu wada kaceen oo Ilaah caabudeen, nin walba oo teendhadiisa iriddeeda ag jooga. |
2485 | EXO 33:11 | Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ula hadlay sida nin saaxiibkiis ula hadlo, iyagoo iska soo hor jeeda. Kolkaasuu haddana xeradii ku soo noqday; laakiinse midiidinkiisii ahaa Yashuuca ina Nuun oo nin dhallinyar ahaa ayaan Taambuuggii ka bixin. |
2519 | EXO 34:22 | Oo waa inaad dhawrtaan Iidda Toddobaadyada, taasoo ah marka la goosto midhaha ugu horreeya ee sarreenka, iyo Iidda Waxurursiga ah marka sannadda ugu dambaysa. |
2590 | EXO 36:23 | Oo looxyada ayuu Taambuugga u sameeyey, oo waxay ahaayeen labaatan loox dhinaca koonfureed. |
2604 | EXO 36:37 | Oo iridda Teendhada wuxuu u sameeyey daah ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh. |
2653 | EXO 38:19 | Tiirarkooduna waxay ahaayeen afar, saldhigyadoodii naxaasta ahaana afar; qabsatooyinkooduna waxay ahaayeen lacag, oo tiirarka madaxyadoodii waxaa ku dahaadhnaa lacag, waxyaalihii laysugu xidhayna waxay wada ahaayeen lacag. |
2796 | LEV 3:17 | Tan iyo ab ka ab waa inuu qaynuun joogto ah ku ahaadaa meel kastoo aad deggan tihiinba inaydaan cunin xaydh iyo dhiig midnaba. |
2915 | LEV 7:35 | Taasu waa qaybtii subkidda oo Haaruun iyo qaybtii subkidda oo wiilashiisa oo la kala baxayo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, maalintii iyaga loo keenay Rabbiga inay isaga uga adeegaan jagada wadaadnimada, |
2926 | LEV 8:8 | Oo haddana wuxuu isagii saaray laabgashigii, oo laabgashigiina wuxuu geliyey Uuriimkii iyo Tummiimkii. |
2946 | LEV 8:28 | Kolkaasaa Muuse gacmahoodii ka qaaday oo wuxuu qurbaankii la gubayay kula dul gubay meesha allabariga, oo waxay ahaayeen quduuskadhigidda oo caraf udgoon loo bixiyo. Taasu waxay ahayd qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo. |
2981 | LEV 10:3 | Markaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna wuu iska aamusay. |
2984 | LEV 10:6 | Markaasaa Muuse ku yidhi Haaruun iyo wiilashiisii ahaa Elecaasaar iyo Iitaamaar, Timaha madaxiinnu yaanay arbushnaan, dharkiinnana ha dildillaacinina yeydnan dhimane, si aan Rabbigu ugu cadhoon ururka oo dhan, laakiinse walaalihiin ah reer binu Israa'iil oo dhammu ha ka ooyeen gubashadii Rabbigu huriyey. |
3233 | LEV 16:31 | Maalintaasu waxay idiin tahay sabti nasasho weyn leh, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan. Taasu waa qaynuun weligiis jira. |
3363 | LEV 21:17 | Haaruun la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Tan iyo ab ka ab ku alla kii farcankaaga ahu, isagoo iin leh, yuusan u dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo. |
3530 | LEV 26:5 | Tumidda hadhuudhkiinnu waxay gaadhi doontaa guridda canabkiinna, guridda canabkuna waxay gaadhi doontaa ilaa wakhtiga beeridda, oo cuntadiinna ayaad cuni doontaan ilaa aad dheregtaan, oo dalkiinnana ammaan baad ku degganaan doontaan. |
3718 | NUM 3:25 | Oo reer Gershoonna waa inay teendhada shirka ugu taliyaan taambuuga, iyo Teendhada, iyo dedkeeda, iyo daaha iridda teendhada shirka, |
3733 | NUM 3:40 | Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Tiri curadyada labka ah oo reer binu Israa'iil oo dhan, intii bil jirta ama ka sii weyn, oo magacyadooda ku soo xisaab. |
3748 | NUM 4:4 | Tanu waa hawshii reer Qohaad ee ku jirtay teendhada shirka. Waa inay waxyaalaha ugu wada quduusan ka adeegaan. |
3768 | NUM 4:24 | Tanu waa hawshii qolooyinka reer Gershoon oo ah adeegidda iyo waxqaadkaba. |
3777 | NUM 4:33 | Taasu waa hawshii qolooyinka reer Meraarii, sida ay tahay dhammaan hawshooda ku saabsan teendhada shirka, oo waxay ka hoosaysaa gacantii Iitaamaar ina Haaruun ee wadaadka ah. |
3944 | NUM 8:4 | Oo shuqulkii laambaddu wuxuu ahaa dahab la tumay. Tan iyo salkeeda ilaa ubaxeeda waxay wada ahayd dahab la tumay. Sidii Rabbigu Muuse u tusay ayuu laambaddii u sameeyey. |