Wildebeest analysis examples for:   som-som   U    February 11, 2023 at 19:35    Script wb_pprint_html.py   by Ulf Hermjakob

262  GEN 10:27  iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah;
295  GEN 11:28  Haaraanna wuxuu dhintay aabbihiis Terax oo jooga, wuxuuna ku dhintay dhulkii uu ku dhashay, oo la odhan jiray Uur tii reer Kaldayiin.
298  GEN 11:31  Teraxna wuxuu kaxaystay wiilkiisii Aabraam, iyo Luud oo ahaa ina Haaraan, wiilkii wiilkiisii, iyo Saaray oo uu soddog u ahaa, oo ahayd naagtii wiilkiisii Aabraam; wayna kala baxeen Uur tii reer Kaldayiin, si ay u tagaan dalkii Kancaan; waxayna yimaadeen Haaraan, oo halkaasay degeen.
329  GEN 13:10  Kolkaasuu Luud indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay Bannaankii Webi Urdun oo dhan, iyo inay meel waluba aad u waraabsan tahay, intaan Rabbigu baabbi'in Sodom iyo Gomora; wuxuu u ekaa beertii Ilaah, iyo sida dalka Masar markaad tagto xagga Socar.
330  GEN 13:11  Markaasuu Luud wuxuu doortay Bannaankii Urdun oo dhan; oo Luud xagga bari buu u socdaalay; oo way kala guureen.
368  GEN 15:7  Oo wuxuu ku yidhi isaga, Anigu waxaan ahay Rabbiga kaaga soo kaxeeyey Uur tii reer Kaldayiin, inaan ku siiyo dalkan si aad u dhaxashid.
939  GEN 32:11  Ma aan istaahilo waxa ugu wada yar ee ka mid ah naxariistaada iyo daacadnimadaada ee aad addoonkaaga tustay, waayo, ushaydaan kaga soo gudbay webigan Urdun, haatanna waxaan noqday laba kooxood.
1463  GEN 48:11  Markaasaa Israa'iil wuxuu Yuusuf ku yidhi, Uma aan malaynayn inaan wejigaaga arki doono, oo bal eeg, Ilaah weliba wuxuu i tusay xataa farcankaagii.
1484  GEN 49:10  Usha boqortooyadu kama tegi doonto Yahuudah, Usha taliyuhuna cagihiisa kama dhex bixi doonto; Ilaa Shiiloh yimaado; Dadkuna isagay addeeci doonaan.
1517  GEN 50:10  Markaasay waxay yimaadeen goobtii hadhuudhka lagu tumi jiray oo Aataad, oo Webi Urdun ka shishaysay, oo halkaasay ku baroorteen baroor aad u weyn oo daran; oo aabbihiis buu toddoba maalmood oo loo baroortay u dhigay.
1518  GEN 50:11  Oo markii dadkii reer Kancaan oo dalka degganaa ay arkeen baroortii ka dhacday goobtii Aataad ayay waxay yidhaahdeen, Tanu waa baroor ku xun Masriyiinta. Oo sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Aabeel Masriyiin, oo waxay ka shishaysaa Webi Urdun.
1575  EXO 2:20  Markaasuu wuxuu gabdhihiisii ku yidhi, Isagii meeyey? De maxaad ninkii uga soo kacdeen? U yeedha, kibis ha cunee.
1594  EXO 3:14  Markaasaa Ilaah wuxuu Muuse ku yidhi, ANIGU WAXAAN AHAY KAAN AHAY; oo weliba wuxuu ku yidhi, Waxaad ku odhan doontaa reer binu Israa'iil, WAAN AHAY baa ii soo kiin diray.
1695  EXO 7:9  Markii Fircoon idinla hadlo, oo idinku yidhaahdo, Cajaa'ib i tusa; markaas waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo Fircoon hortiisa ku tuur, si ay abeeso u noqoto.
1705  EXO 7:19  Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo gacanta ku kor fidi biyaha Masar, iyo webiyaashooda, iyo durdurradooda, iyo galalkooda, iyo balliyadooda biyaha ah oo dhan, si ay u noqdaan dhiig; oo dhulka Masar oo dhammu wuxuu noqon doonaa dhiig miidhan, oo ku jiri doona weelasha qoriga ah iyo weelasha dhagaxa ahba.
1727  EXO 8:12  Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada fidi oo ciidda dhulka ku dhufo si uu dalka Masar oo dhammu injir miidhan u noqdo.
2324  EXO 28:30  Oo laabgashiga xukumaadda waa inaad gelisaa Uuriimka iyo Tummiimka, oo waa inay Haaruun qalbigiisa saarnaadaan markuu Rabbiga hortiisa tago; oo Haaruun waa inuu qalbigiisa ku qaadaa xukumaadda reer binu Israa'iil had iyo goorba.
2330  EXO 28:36  Oo waa inaad samaysaa waslad khafiifa oo dahab saafiya ah, waxaad ku xaradhaa xaradhka u eg xaradhka shaabadda oo leh, WAA U QUDUUS RABBIGA.
2423  EXO 31:2  Bal eeg, magac baan ugu yeedhay Besaleel ina Uurii, oo ah ina Xuur, qabiilkiisuna yahay Yahuudah;
2477  EXO 33:3  U kaca dalkaas caanaha iyo malabka la barwaaqaysan. Anigu idin dhex socon maayo, waayo, waaba intaasoo aan jidka idinku baabbi'iyaa, maxaa yeelay, idinku waxaad tihiin dad madax adag.
2562  EXO 35:30  Markaasaa Muuse wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Bal eega, Rabbigu wuxuu magac ugu yeedhay Besaleel oo ah ina Uurii, oo ah ina Xuur, oo qabiilkiisu yahay Yahuudah;
2656  EXO 38:22  Oo kulli wixii Rabbigu ku amray Muuse waxaa sameeyey Besaleel oo ahaa ina Uurii oo ahaa ina Xuur, oo qabiilkiisu ahaa Yahuudah.
2695  EXO 39:30  Oo waxay kaloo sameeyeen taajkii quduuska ahaa ee ahaa wasladdii khafiifka oo dahabka saafiga ahayd, oo waxay dushiisii ku qoreen far u eg xaradhkii shaabadda oo leh, WAA U QUDUUS RABBIGA.
2926  LEV 8:8  Oo haddana wuxuu isagii saaray laabgashigii, oo laabgashigiina wuxuu geliyey Uuriimkii iyo Tummiimkii.
3463  LEV 24:16  Kii magaca Rabbiga caaya sida xaqiiqada ah waa in la dilaa. Ururka oo dhammu hubaal waa inay isaga dhagxiyaan, oo hadduu shisheeye yahay iyo hadduu waddani yahayba, markuu magaca Rabbiga caayo waa in la dilaa.
4105  NUM 13:29  Oo reer Camaaleq waxay deggan yihiin dalka xaggiisa koonfureed, oo reer Xeed iyo reer Yebuus iyo reer Amorna waxay deggan yihiin buuraha, oo reer Kancaanna waxay deggan yihiin badda agteeda iyo Webi Urdun dhinaciisa.
4248  NUM 17:18  Usha reer Laawi waxaad ku qortaa magaca Haaruun. Qabiilooyinkooda madaxdooda mid kastaaba waa inuu ul lahaadaa.
4255  NUM 17:25  Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Usha Haaruun dib ugu celi maragga hortiisa in iyada loo haysto calaamo ka gees ah dadka caasiya, inaad iga joojisid gunuuskooda ay ii gunuusaan, yaanay iyagu dhimane.
4320  NUM 20:8  Usha qaado, oo adiga iyo walaalkaa Haaruun dadka shirka ah oo dhan soo shiriya, oo iyagoo arkaya dhagaxa la hadla, biyo ha soo daayee; oo waa inaad iyaga dhagaxa biyo uga keentaa, si aad u wada waraabisid shirka iyo lo'doodaba.
4359  NUM 21:18  Ceelkii ay amiirradii qodeen, Oo ay dadkii gobta ahu ku qodeen Ushii dowladnimada iyo ulahoodii. Oo cidladiina waxay uga guureen xagga Mataanaah.
4377  NUM 22:1  Markaasaa reer binu Israa'iil guureen, oo waxay degeen bannaanka Moo'aab oo Webi Urdun ka shisheeya oo Yerixoo ka soo hor jeeda.
4494  NUM 26:3  Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagii kula hadleen bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda.
4554  NUM 26:63  Kuwaasu waa kuwii ay tiriyeen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa oo ku tiriyey reer binu Israa'iil bannaankii Moo'aab oo webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda.
4577  NUM 27:21  Oo isagu waa inuu is-hor taagaa wadaadka Elecaasaar ah oo isaga wax ugu weyddiin doona xukunka Uuriimka Rabbiga hortiisa. Iyagu eraygiisay dibadda ugu bixi doonaan, oo eraygiisay gudaha ku soo geli doonaan, isaga iyo reer binu Israa'iilka isaga la jiraaba, kuwaas oo ah shirka oo dhan.
4678  NUM 31:12  Oo maxaabiistii iyo boolidii iyo wixii la soo dhacay waxay u keeneen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan oo joogay xeradii ku tiil bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa oo Yerixoo ka soo hor jeeday.
4725  NUM 32:5  Oo weliba waxay yidhaahdeen, Haddaad raalli naga tihiin, annagoo addoommadaada ah dalkan inaannu hantinno noo sii, oo Webi Urdun ha naga gudbin.
4739  NUM 32:19  Waayo, annagu iyaga la dhaxli mayno Webi Urdun dhankiisa kale iyo xaggaas hore toona, maxaa yeelay, dhaxalkayagii wuxuu noogu dhacay Webi Urdun dhankiisan bari.
4741  NUM 32:21  oo aad raggiinna hubka leh oo dhammu Webi Urdun ku dhaafaysaan Rabbiga hortiisa ilamaa uu isagu cadaawayaashiisa ka wada eryo hortiisa,
4747  NUM 32:27  laakiinse annagoo addoommadaada ah kulli intayada dagaalka hub u leh oo dhammu Webi Urdun waannu gudbaynaa, oo Rabbiga hortiisa ayaannu ku dagaal galaynaa sidaad tidhi, sayidkayagiiyow.
4749  NUM 32:29  Oo Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddii reer Gaad iyo reer Ruubeen Webi Urdun idinla gudbaan, intooda Rabbiga hortiisa dagaalka hub u leh oo dhammu, oo dalka lagaga adkaado hortiinna, markaas waa inaad iyaga hanti u siisaan dalka Gilecaad.
4752  NUM 32:32  Annagoo hub leh ayaannu gudbaynaa oo Rabbiga hortiisa waxaannu galaynaa dalka reer Kancaan, oo hantidii aan dhaxalka u helnayna waxay noogu hadhaysaa Webi Urdun dhinacan.
4810  NUM 33:48  Oo haddana buurihii Cabaariim way ka guureen, oo waxay degeen bannaanka dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhow ee Yerixoo ka soo hor jeeda.
4811  NUM 33:49  Oo haddana waxay degeen Webi Urdun agtiisa tan iyo Beytyeshimood iyo xataa tan iyo Aabeel Shitiim oo ku yaal bannaanka dalka Moo'aab.
4812  NUM 33:50  Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,
4813  NUM 33:51  Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun gudubtaan oo aad dalka Kancaan gashaan,
4830  NUM 34:12  Oo soohdintu waxay hoos ugu dhaadhici doontaa Webi Urdun oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Badda Cusbada leh. Intaasu waxay ahaan doontaa dalkiinna siday soohdimihiisu u wareegsan yihiin.
4833  NUM 34:15  Labadaas qabiil iyo qabiilka badhkiis waxay dhaxalkoodii u heleen Webi Urdun shishadiisa, ee Yerixoo barigeeda ah, xagga qorrax ka soo baxa.
4848  NUM 35:1  Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,
4857  NUM 35:10  Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun dhaaftaan oo aad gashaan dalka Kancaan,
4861  NUM 35:14  Oo Webi Urdun shishadiisa waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, dalka Kancaanna waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, oo iyagu waa inay ahaadaan magaalooyin magangal ah.
4894  NUM 36:13  Intaasu waa amarradii iyo xukummadii uu Rabbigu u soo dhiibay Muuse oo uu ku amray reer binu Israa'iil oo jooga bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday.
4895  DEU 1:1  Kuwanu waa erayadii Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay joogeen Webi Urdun shishadiisa cidlada dhexdeeda, oo ah Caraabaah oo ka soo hor jeedda Suuf, meel u dhexaysa Faaraan, iyo Tofel, iyo Laabaan, iyo Xaseerood, iyo Diisaahaab.
4899  DEU 1:5  Oo meeshaas ee Webi Urdun ka shishaysa oo ku taal dalka reer Moo'aab ayaa Muuse ka bilaabay inuu caddeeyo sharcigan, oo wuxuu yidhi,
4969  DEU 2:29  oo ii yeel siday ii yeeleen reer Ceesaw oo deggan Buur Seciir iyo reer Moo'aab oo deggan Caar, ilamaa aan Webi Urdun uga gudbo dalkii Rabbiga Ilaahayaga ahu na siinayo.
4985  DEU 3:8  Oo waagaas ayaynu dalka kala baxnay farihii labadii boqor oo reer Amor oo degganaa Webi Urdun shishadiisa tan iyo dooxada Arnoon iyo ilaa Buur Xermoon.
4994  DEU 3:17  iyo Caraabaah, iyo Webi Urdun oo soohdinta ah, tan iyo Kinnered iyo xataa ilaa badda Caraabaah oo ah Badda Cusbada oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah xaggeeda bari.
4997  DEU 3:20  ilaa uu Rabbigu nasiyo walaalihiin siduu idiin nasiyey oo kale, oo iyana ay hantiyaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu iyaga ka siinayo Webi Urdun shishadiisa, markaas ninkiin waluba ha ku soo noqdo hantidiisa aan siiyey.
5002  DEU 3:25  Haddaba waan ku baryayaaye, aan u gudbo oo aan arko dalka wanaagsan oo ka shisheeya Webi Urdun, kaasoo ah buurtaas wanaagsan iyo Lubnaan.
5004  DEU 3:27  Haddaba u kac Buur Fisgaah dusheeda, oo indhaha ku taag xagga galbeed iyo xagga woqooyi iyo xagga koonfureed iyo xagga bari, maxaa yeelay, adigu ka gudbi maysid Webigan Urdun.
5027  DEU 4:21  Oo weliba Rabbigu wuu iigu cadhooday idinka daraaddiin, oo wuxuu ku dhaartay inaanan Webi Urdun ka gudbin, iyo inaanan gelayn dalka wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu dhaxal idiin siinayo,
5028  DEU 4:22  laakiinse anigu waa inaan dalkan ku dhintaa, oo waa inaanan Webi Urdun ka gudbayn, laakiinse idinku waad gudbi doontaan, waanad hantiyi doontaan dalkaas wanaagsan.
5032  DEU 4:26  waxaan samada iyo dhulka maanta ugu yeedhayaa inay idinku marag furaan, inaad dhaqso uga wada baabbi'i doontaan dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan. Dalkaas cimrigiinnu kuma raagi doono, laakiinse kulligiin waad wada baabbi'i doontaan.
5047  DEU 4:41  Markaasaa Muuse wuxuu gooni ka dhigay saddex magaalo oo ku taal Webi Urdun shishadiisa xagga qorrax ka soo baxa,
5052  DEU 4:46  iyagoo jooga dooxada Webi Urdun ka shishaysa oo ka soo hor jeedda Beytfecoor oo ku taal dalkii boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo Xeshboon degganaa oo Muuse iyo reer binu Israa'iil ay dileen waagii ay dalka Masar ka soo baxeen.
5053  DEU 4:47  Oo dalkiisii bay hanti u qaateen iyo dalkii boqorkii Baashaan oo Coog ahaa, kuwaasoo ahaa labadii boqor oo reer Amor oo joogay Webi Urdun shishadiisa xagga qorrax ka soo baxa.
5055  DEU 4:49  iyo Caraabaah Webi Urdun ka shishaysa oo dhan oo xagga bari ka xigta, iyo tan iyo badda Caraabaah oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah.
5160  DEU 9:1  Reer binu Israa'iilow, maqla, maanta waa inaad Webi Urdun ka gudubtaan inaad gashaan oo hantidaan quruumo idinka waaweyn oo idinka sii xoog badan iyo magaalooyin waaweyn oo deyrkoodu samada ku tolan yahay,
5240  DEU 11:30  War sow iyagu kama shisheeyaan Webi Urdun xagga jidka dambe oo qorrax-u-dhaca, oo ah dalka reer Kancaanka Caraabaah deggan, oo ka soo hor jeedda Gilgaal, oo ku dhinac yaal geedaha Moreh?
5241  DEU 11:31  Waayo, waxaad ka gudubtaan Webi Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waadna hantiyi doontaan oo dhex degi doontaan.
5252  DEU 12:10  Laakiinse markaad Webi Urdun ka gudubtaan oo aad degtaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin dhaxalsiinayo, oo uu idinka nasiyo cadaawayaashiinna idinku wareegsan oo dhan, si aad ammaan ugu degganaataan,
5589  DEU 27:2  Oo maalintii aad Webi Urdun uga gudubtaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo waa inaad dhagaxyo waaweyn qotomisaan oo aad nuurad ku malaastaan,
5591  DEU 27:4  Oo markaad Webi Urdun ka gudubtaan, waa inaad Buur Ceebaal ku qotomisaan dhagaxyada aan maanta idinkaga amrayo, oo iyaga waa inaad nuurad ku malaastaan.
5599  DEU 27:12  Reer Simecoon, iyo reer Laawi, iyo reer Yahuudah, iyo reer Isaakaar, iyo reer Yuusuf, iyo reer Benyaamiin waa inay kor istaagaan Buur Gerisiim inay dadka u duceeyaan markaad Webi Urdun ka gudubtaan.
5728  DEU 30:18  waxaan maanta idiin caddaynayaa inaad hubaal halligmaysaan, oo cimrigiinnu ku dheeraan maayo dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad gashaan oo aad hantidaan.
5732  DEU 31:2  Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Maanta waxaan jiraa boqol iyo labaatan sannadood, oo mar dambe ma bixi karo, mana soo geli karo, oo Rabbiguna wuxuu igu yidhi, Webigan Urdun ka gudbi maysid.
5743  DEU 31:13  iyo in carruurtooda aan hore u aqoonu ay maqlaan, oo ay bartaan inay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, in alla intaad deggan tihiin dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan.
5807  DEU 32:47  Waayo, taasu idiinma aha wax aan waxtar lahayn, maxaa yeelay, waaba naftiinnii, oo waxyaalahaas daraaddood ayaa cimrigiinnu ugu dheeraan doonaa dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan.
5820  DEU 33:8  Oo markuu Laawi u ducaynayayna wuxuu yidhi, Tummiimkaagii iyo Uuriimkaagii waxay la jiraan kaaga aad jeceshahay, Oo aad Masaah ku tijaabisay, Oo aad biyihii Meriibaah agtooda kula dirirtay,
5855  JOS 1:2  Addoonkaygii Muuse ahaa waa dhintay, haddaba kac, oo webigan Urdun ka tallaaba, adiga iyo dadkan oo dhammuba, oo waxaad u gudubtaan dalka aan siinayo iyaga, kuwaasoo ah reer binu Israa'iil.
5864  JOS 1:11  Bal xerada dhex mara, oo waxaad dadka ku amartaan, oo ku tidhaahdaan, Saadkiinna diyaarsada, waayo, saddex maalmood waa inaad kaga gudubtaan webigan Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu hanti ahaan idiin siinayo.
5867  JOS 1:14  Dumarkiinna, iyo dhallaankiinna, iyo xoolihiinnuba waxay joogi doonaan dalkii Muuse idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa, laakiinse raggiinna xoogga leh oo hubka sita oo dhammu waa inay walaalahood ka hor gudbaan, oo ay caawiyaan iyaga,
5868  JOS 1:15  ilaa Rabbigu walaalihiin nasiyo, siduu idinkaba idiin nasiyey, oo ay iyana hantiyaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo; oo markaasaad ku soo noqon doontaan dalkii hantidiinna, oo waad hantiyi doontaan dalkii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo ah xagga qorrax ka soo baxa.
5878  JOS 2:7  Nimankiina markaasay u raacdaysteen xagga Webi Urdun ilaa meeshii laga gudbi jiray; oo isla markii kuwii iyaga raacdaynayay baxeen ayaa iriddii la xidhay.
5881  JOS 2:10  Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen.
5896  JOS 3:1  Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo Shitiim way ka guureen, oo Webi Urdun yimaadeen, isagii iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo halkaasay degeen intaanay gudbin ka hor.
5903  JOS 3:8  Oo waa inaad amartaa wadaaddada sanduuqa axdiga sida, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii aad gaadhaan biyaha Webi Urdun qarkooda waa inaad Webi Urdun isdhex taagtaan.
5906  JOS 3:11  Bal eega, Rabbiga dhulka oo dhan sanduuqiisii axdiga ayaa idin hor maraya xagga Webi Urdun dhexdiisa.
5908  JOS 3:13  Oo markii wadaaddada sida sanduuqa Rabbiga ah Rabbiga dhulka oo dhan ay calaacalaha cagahoodu taabtaan biyaha Webi Urdun, ayaa biyaha Webi Urdun kala go'i doonaan, kuwaasoo ah biyaha kor ka imanaya, oo markaasay meel istaagi doonaan iyagoo tuulan.
5909  JOS 3:14  Oo markii dadku ka tegey teendhooyinkooda si ay Webi Urdun uga gudbaan aawadeed, iyadoo ay ka horreeyaan wadaaddada sida sanduuqii axdiga,
5910  JOS 3:15  oo markii kuwa sanduuqa sida ay soo gaadheen Webi Urdun, oo wadaaddada sida sanduuqa ay cagahoodu galeen biyaha qarkooda, (waayo, xilliga waxgoosashada oo dhan Webi Urdun qararkiisa oo dhan buu buuxdhaafaa)
5912  JOS 3:17  Oo wadaaddadii siday sanduuqii axdiga Rabbiga waxay istaageen dhul engegan oo Webi Urdun dhexdiisa ah, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku gudbeen dhul engegan, ilaa ay quruuntii oo dhammu ka wada gudubtay Webi Urdun.
5913  JOS 4:1  Oo markii quruuntii oo dhammu ay ka wada gudubtay Webi Urdun, ayaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,
5915  JOS 4:3  oo waxaad iyaga ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Webi Urdun dhexdiisa oo ah meeshii cagaha wadaaddadu istaageen, waxaad ka qaaddaan laba iyo toban dhagax, oo waxaad ula gudubtaan dhanka kale, oo waxaad dhigtaan meeshaad caawa ku dhaxaysaan.
5917  JOS 4:5  Oo Yashuuca wuxuu ku yidhi iyagii, Ka hor gudba sanduuqa Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waxaad tagtaan Webi Urdun dhexdiisa, oo midkiin waluba dhagax garabka ha ku qaado, inta reer binu Israa'iil qabiilooyinkooda tiradoodu tahay,
5919  JOS 4:7  Waxaad ku odhan doontaan, Sababtu waxa weeye, biyihii Webi Urdun baa ku hor kala go'ay sanduuqa axdiga Ilaah; oo markii uu ka gudbayay Webi Urdun ayay biyihii Webi Urdun kala go'een; oo dhagaxyadanu xusuus bay u ahaan doonaan reer binu Israa'iil weligood.
5920  JOS 4:8  Oo reer binu Israa'iil waxay yeeleen sidii Yashuuca ku amray, oo waxay Webi Urdun dhexdiisa ka qaadeen laba iyo toban dhagax, oo ah intii qabiilooyinka reer binu Israa'iil tiradoodu ahayd sidii Rabbigu u sheegay Yashuuca, oo waxay u gudbiyeen meeshii ay ku dhaxeen, oo halkaasay dhigeen.
5921  JOS 4:9  Oo Yashuuca wuxuu laba iyo toban dhagax qotomiyey Webi Urdun dhexdiisa, taasoo ah meeshii wadaaddada sida sanduuqa axdiga ay cagahoodu istaageen; oo ilaa maantadan weli meeshii bay jiraan.
5922  JOS 4:10  Waayo, wadaaddadii siday sanduuqa waxay istaageen Webi Urdun dhexdiisa, ilaa ay dhammaadeen wax waluba wixii Rabbigu ku amray Yashuuca inuu dadka kula hadlo, sidii wixii Muuse ku amray Yashuuca oo dhan, oo dadkiina way degdegeen oo gudbeen.