52 | GEN 2:21 | Oo Rabbiga Ilaah ahu hurdo weyn buu ku riday ninkii, kolkaasuu gam'ay; kolkaasuu wuxuu ka bixiyey feedhihiisii middood, meesheediina hilib buu ku awday. |
957 | GEN 32:29 | Markaasuu ku yidhi, Magacaaga hadda ka dib lama odhan doono Yacquub, waase Israa'iil; waayo, Ilaah iyo dadba waad la dagaallantay, waanad ka adkaatay. |
959 | GEN 32:31 | Yacquubna meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Fenii'eel; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah fool ka fool baan u arkay, naftayduna way nabad gashay. |
1045 | GEN 36:4 | Caadahna waxay Ceesaw u dhashay Elifas, Basmadna waxay u dhashay Recuu'eel; |
1419 | GEN 46:32 | Nimankaasuna waa adhijirro, waayo, waxay ahaan jireen lo'ley; waxayna la yimaadeen adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haysteen oo dhan. |
1502 | GEN 49:28 | Kuwan oo dhammu waa laba iyo tobankii qabiil oo reer binu Israa'iil; tanuna waa wixii aabbahood kula hadlay oo ugu duceeyey; mid walbana sidii ducadiisu ahayd buu ugu duceeyey. |
1774 | EXO 9:31 | Oo cudbigii iyo shaciirkiiba waa baabbe'een; waayo, shaciirku waa midhaystay, cudbigana ubax baa ka baxayay. |
1848 | EXO 12:31 | Markaasuu Muuse iyo Haaruun u yeedhay habeennimadii, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, oo dadkayga ka dhex baxa, idinka iyo reer binu Israa'iilba; taga oo Rabbiga u adeega, sidaad u tidhaahdeen. |
1898 | EXO 14:8 | Markaasaa Rabbigu qallafiyey qalbigii boqorkii Masar oo Fircoon ahaa; kolkaasuu wuxuu raacdaystay reer binu Israa'iil; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku bexeen gacan sarraysa. |
1910 | EXO 14:20 | oo wuxuu kala dhex galay reer Masar iyo reer binu Israa'iil; oo waxaa jiray daruur iyo gudcur, laakiinse weliba habeennimadii wuu iftiimay; oo habeenkii oo dhan midna uma soo dhowaan ka kale. |
1960 | EXO 16:12 | Anigu waan maqlay gunuuskii reer binu Israa'iil; haddaba la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Makhribka waxaad cuni doontaan hilib, subaxdana waxaad ka dhergi doontaan kibis; oo waad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah. |
1995 | EXO 17:11 | Oo markii Muuse gacanta kor u taagayba, waxaa adkaaday reer binu Israa'iil; markuu gacanta dejiyeyna, waxaa adkaaday reer Camaaleq. |
2188 | EXO 24:10 | Markaasay waxay arkeen Ilaahii reer binu Israa'iil; oo waxaa cagihiisa ka hooseeyey sallax dhagax safayr ah oo sida samada u daahirsan. |
2303 | EXO 28:9 | Oo waxaad qaadataa laba dhagax oo onika la yidhaahdo, oo waxaad dushooda ku xaradhaa magacyada reer binu Israa'iil; |
2305 | EXO 28:11 | Sida shuqulka dhagax-xardhihii waa inaad labada dhagax u xaradhaa xaradh u eg xaradhka shaabadda, oo waana inaad ku dhigtaa magacyadii reer binu Israa'iil; oo waa inaad saldhigyo dahab ah ku dhejisaa. |
2438 | EXO 31:17 | Waa calaamo weligeed ina dhex taal aniga iyo reer binu Israa'iil; waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada iyo dhulka, oo maalintii toddobaadna wuu nastay, wuuna qabowsaday. |
2479 | EXO 33:5 | Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Idinku waxaad tihiin dad madax adag, oo haddii aan daqiiqad qudh ah dhexdiinna imaado, waan idin baabbi'in; haddaba wixii aad isku sharrixi jirteen, iska fura, bal inaan ogaado waxaan idinku sameeyo. |
3658 | NUM 1:53 | Laakiinse reer Laawi waa inay teendhooyinkooda ka dhistaan taambuugga maragga hareerihiisa, si aan cadho ugu soo degin shirka reer binu Israa'iil; oo reer Laawi waa inay u taliyaan taambuugga maragga. |
3720 | NUM 3:27 | Oo Qohaadna waxaa ka soo farcamay reer Camraam, iyo reer Isehaar, iyo reer Xebroon, iyo reer Cusii'eel; kuwaasu waa qolooyinkii reer Qohaad. |
4360 | NUM 21:19 | Oo Mataanaahna waxay uga guureen xagga Naxalii'eel; Naxalii'eelna waxay uga guureen xagga Baamood. |
5911 | JOS 3:16 | ayay biyaha kor ka imanayay istaageen, iyagoo tuulan, oo meel aad u fog bay istaageen oo u dhow magaalada la yidhaahdo Aadaam oo ku ag taal Saaretaan. Kuwii hoos u kacay xagga badda Caraabaah, taasoo ah Badda Cusbada leh, iyana kulligood waa go'een; oo dadkii wuxuu u gudbay meel ku toosan Yerixoo. |
5919 | JOS 4:7 | Waxaad ku odhan doontaan, Sababtu waxa weeye, biyihii Webi Urdun baa ku hor kala go'ay sanduuqa axdiga Ilaah; oo markii uu ka gudbayay Webi Urdun ayay biyihii Webi Urdun kala go'een; oo dhagaxyadanu xusuus bay u ahaan doonaan reer binu Israa'iil weligood. |
5984 | JOS 7:6 | Markaasaa Yashuuca intuu dharkiisii jeexjeexay ayuu wejiga dhulka saaray oo wuxuu ku hor sujuuday sanduuqii Rabbiga tan iyo fiidkii, isaga iyo waayeellada reer binu Israa'iilba; oo waxay madaxa iska mariyeen boodh. |
6021 | JOS 8:17 | Oo nin keliyahu kuma hadhin Aacii iyo Beytel toona, oo aan daba gelin reer binu Israa'iil; oo magaaladii oo furan bay ka tageen, oo waxay eryadeen reer binu Israa'iil. |
6058 | JOS 9:19 | Laakiinse amiirradii oo dhammu waxay shirkii oo dhan ku yidhaahdeen, Waxaannu iyaga ugu dhaarannay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo haddaba sidaas daraaddeed waa inaynaan taaban iyaga. |
6063 | JOS 9:24 | Oo waxay Yashuuca ugu jawaabeen, Maxaa yeelay, hubaal waxaa annagoo addoommadaada ah lanoo sheegay sida Rabbiga Ilaahaaga ahu addoonkiisii Muuse ahaa ugu amray inuu idin siiyo dalka oo dhan, iyo in dadka dalka deggan oo dhan hortiinna laga baabbi'iyo; oo sidaas aawadeed naftayada aad baannu ugu cabsannay idinka daraaddiin, oo waxanna sidaas baannu u yeelnay. |
6070 | JOS 10:4 | Ii kaalaya, oo i caawiya, oo ina keena aynu Gibecoon baabbi'innee; waayo, waxay la nabadday Yashuuca iyo reer binu Israa'iil. |
6120 | JOS 11:11 | Oo dadkii ku jiray oo dhan waxay ku laayeen seef, wayna wada baabbi'iyeen; oo wax neefsadaa kuma hadhin, Xaasoorna dab buu ku gubay. |
6121 | JOS 11:12 | Oo Yashuuca wuxuu wada qabsaday boqorradaas magaalooyinkoodii oo dhan, iyo boqorradoodii oo dhan, oo wuxuu ku wada laayay seef, oo wuu wada baabbi'iyey; sidii uu addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray. |
6310 | JOS 18:15 | Oo waaxdii koonfureedna waxay ka bilaabatay meesha ugu fog Qiryad Yecaariim, oo soohdintu waxay martay xagga galbeed, oo waxay u baxday ishii biyaha ahayd oo Neftoo'ax; |
6428 | JOS 21:45 | Oo waxba kama baaqan innaba wixii wanaagsanaa oo Rabbigu u sheegay reer binu Israa'iil; laakiinse kulli way wada ahaadeen. |
6600 | JDG 3:30 | Sidaasay reer Moo'aab ku hoos galeen reer binu Israa'iil; dalkiina wuu xasilloonaa siddeetan sannadood. |
6658 | JDG 6:2 | Oo gacantii Midyaanna waa ka adkaatay reer binu Israa'iil; markaasaa reer binu Israa'iil waxay reer Midyaan aawadood u samaysteen boholo buuraha ku yaal, iyo godad, iyo dhufaysyo xoog leh. |
6721 | JDG 7:25 | Oo waxay gacanta ku dhigeen labadii amiir oo reer Midyaan, oo ahaa Cooreeb iyo Se'eeb; oo markaasay Cooreeb ku dileen dhagaxii Cooreeb, oo Se'eebna waxay ku dileen macsaraddii Se'eeb, wayna sii eryoodeen reer Midyaan; markaasay madaxyadii Cooreeb iyo Se'eeb Gidcoon ugu keeneen Webi Urdun shishadiisa. |
6724 | JDG 8:3 | Ilaah wuxuu gacanta idiin geliyey amiirradii reer Midyaan oo ahaa Cooreeb iyo Se'eeb; haddaba maxaan samayn karay oo u qalma waxaad samayseen? Oo markuu sidaas ku yidhi ayaa ciilkay u qabeen ka baxay. |
6805 | JDG 9:49 | Markaasaa dadkii nin waluba wuxuu soo jaray laantiisii, oo waxay soo raaceen Abiimeleg, oo intay laamihii qalcaddii ku ag tuuleen ayay haddana dab sudheen, oo sidaasay dadkii munaaraddii Shekem joogay oo dhammu u wada le'deen; oo waxay ahaayeen in ku dhow kun qof oo rag iyo dumarba leh. |
6821 | JDG 10:8 | Oo sannaddaas way dhibeen oo dulmeen reer binu Israa'iil; oo siddeed iyo toban sannadood ayay dulmayeen kulli reer binu Israa'iilkii degganaa dalka reer Amor oo ku yaal Gilecaad Webi Urdun shishadiisa. |
6848 | JDG 11:17 | markaasaa reer binu Israa'iil waxay wargeeyayaal u direen boqorkii reer Edom, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, aannu dalkaaga dhex marno; laakiinse boqorkii reer Edom ma uu dhegaysan. Sidaas oo kalena waxay cid u direen boqorkii reer Moo'aab; laakiinse isna wuu diiday; oo reer binu Israa'iilna waxay iska joogeen Qaadeesh. |
7024 | JDG 18:29 | Oo magaaladii magaceediina waxay u bixiyeen Daan, oo waxay ku sammiyeen magicii awowgood Daan, kii u dhashay Israa'iil; habase yeeshee magaalada magaceedu wuxuu markii hore ahaa Layish. |
7133 | RUT 1:4 | Oo iyana waxay naago ka guursadeen dumarkii reer Moo'aab; oo naagahoodii mid magaceedii waxaa la odhan jiray Corfah, tan kale magaceeduna wuxuu ahaa Ruud; oo waxay halkaas degganaayeen intii toban sannadood ku dhow. |
7135 | RUT 1:6 | Markaasay kacday iyadoo wadata labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd inay ka noqoto waddankii Moo'aab; waayo, waxay waddankii Moo'aab ku maqashay in Rabbigu dadkiisii soo booqday oo uu cunto siiyey. |
7203 | RUT 4:11 | Markaasaa dadkii iridda joogay oo dhan iyo odayaashiiba waxay yidhaahdeen, Markhaatiyaal baannu ka nahay. Naagta gurigaaga soo gashay Rabbigu ha ka dhigo sidii Raaxeel iyo Lee'ah, labadaas oo ahaa kuwii dhisay reerkii Israa'iil; oo adna Efraataah ku barwaaqow, Beytlaxamna caan ku ahow. |
7301 | 1SA 4:2 | Oo reer Falastiinna waxay weerar isugu soo diyaariyeen reer binu Israa'iil; oo markii ay dagaalkii isugu yimaadeenna reer binu Israa'iil waa la jebiyey reer Falastiin hortooda; oo waxay ciidankii berrinka joogay ka laayeen afar kun oo nin. |
7338 | 1SA 6:5 | Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad samaysaan kasoobaxyadiinnii taswiirtooda, iyo jiirarkii dalkiinna kharribay taswiirtood; oo waa inaad ammaantaan Ilaaha reer binu Israa'iil; waayo, waxaa suurtowda inuu gacantiisa idinka qaado, idinka, iyo ilaahyadiinna, iyo dalkiinnaba. |
7364 | 1SA 7:10 | Oo intii Samuu'eel allabariga la gubo bixinayay ayaa reer Falastiin soo dhowaadeen inay la diriraan reer binu Israa'iil; laakiinse Rabbigu maalintaas wuxuu reer Falastiin ku soo daayay onkod weyn, wuuna baabbi'iyey, oo reer binu Israa'iil hortooday ku jabeen. |
7367 | 1SA 7:13 | Sidaas daraaddeed reer Falastiin waa la hoosaysiiyey, oo mar dambena sooma ay gelin xuduudkii reer binu Israa'iil; oo intii Samuu'eel noolaa oo dhan gacanta Rabbigu gees bay ka ahayd reer Falastiin. |
7497 | 1SA 13:10 | Oo markuu dhammeeyey bixintii uu bixinayay allabariga la gubo, waxaa yimid Samuu'eel; markaasaa Saa'uul u baxay inuu ka hor tago oo soo salaamo. |
7533 | 1SA 14:23 | Sidaasuu Rabbigu maalintaas u badbaadiyey reer binu Israa'iil; oo dagaalkiina wuxuu u sii gudbay xagga Beytaawen. |
7563 | 1SA 15:1 | Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Rabbigu wuxuu ii soo diray inaan kuu subko inaad boqor u ahaatid dadkiisa reer binu Israa'iil; haddaba bal maqal codka erayada Rabbiga. |
7568 | 1SA 15:6 | Markaasaa Saa'uul wuxuu reer Qeyn ku yidhi, Taga oo ka dhex baxa reer Camaaleq, yaanan idinku dhex baabbi'ine; waayo, markii ay reer binu Israa'iil oo dhammu Masar ka soo baxeen waad u wada roonaateen. Sidaas aawadeed reer Qeyn way ka dhex baxeen reer Camaaleq. |
7571 | 1SA 15:9 | Laakiinse Saa'uul iyo dadkiiba way reebeen Agag, iyo intii ugu wanaagsanayd oo dhan oo idihii, iyo dibidii, iyo xoolihii shishislaa, iyo wanankii yaryaraa, iyo wixii wanaagsanaa oo dhan; oo ma ay doonayn inay wada baabbi'iyaan; laakiinse waxay wada baabbi'iyeen wixii la quudhsaday iyo intii liidatay oo dhan. |
7579 | 1SA 15:17 | Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, In kastoo aad isla yarayd, sow madax lagaagama dhigin qabiilooyinka reer binu Israa'iil? Oo Rabbigu waa kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya reer binu Israa'iil; |
7666 | 1SA 17:46 | Maanta Rabbigu gacantayduu ii soo kaa gelin doonaa; waanan ku dili doonaa, oo madaxaanan kaa gooyn doonaa; oo maanta meydka reer Falastiin ciidankooda waxaan siin doonaa haadka hawada, iyo dugaagga dhulka, si dunida oo dhammu ay u ogaato in Ilaah ku dhex jiro reer binu Israa'iil; |
7707 | 1SA 18:29 | Saa'uulna aad buu uga sii cabsanayay Daa'uud; oo Saa'uulna had iyo goorba Daa'uud cadow buu u ahaa. |
8029 | 2SA 1:4 | Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, sidee baa wax u dhaceen? Bal ii sheeg. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Dadkii dagaalkii way ka carareen, oo dadkii badidiisiina way le'deen; oo Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba waa dhinteen. |
8085 | 2SA 3:1 | Haddaba waxaa jiray dagaal dheer oo dhex maray reer Saa'uul iyo reer Daa'uud; oo Daa'uudna waa sii xoog badnaanayay, laakiinse reer Saa'uul way sii xoog yaraanayeen. |
8170 | 2SA 6:10 | Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu diiday inuu wado sanduuqii Rabbiga oo uu geeyo magaaladii Daa'uud; laakiinse Daa'uud sanduuqii buu gees ugu leexshay gurigii Cobeed Edoom kii reer Gad. |
8181 | 2SA 6:21 | Markaasaa Daa'uud Miikaal ku yidhi, Waxay ahayd Rabbiga hortiisa, kii iga doortay aabbahaa iyo reerkiisii oo dhan, oo iga dhigay amiir u taliya dadka Rabbiga, kuwaas oo ah reer binu Israa'iil; oo sidaas daraaddeed ayaan Rabbiga hortiisa ugu cayaarayaa. |
8279 | 2SA 11:17 | Oo raggii magaaladuna way soo baxeen, oo Yoo'aab la dirireen, oo dadkiina qaar baa ka dhintay, kuwaas oo ahaa addoommadii Daa'uud; Uuriyaah kii reer Xeedna wuu dhintay. |
8538 | 2SA 19:25 | Kolkaasaa waxaa yimid inuu boqorka ka hor tago Mefiiboshed oo ahaa ina Saa'uul; oo kaasu maalintii boqorku tegey iyo ilaa maalintii uu soo nabad noqday inta ka dhex leh cagihiisa ma uu hagaajin, gadhkiisiina ma uu jarin, dharkiisiina ma uu maydhin. |
8611 | 2SA 22:6 | Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool; Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada. |
8643 | 2SA 22:38 | Anigu waxaan eryaday cadaawayaashaydii, oo waan baabbi'iyey; Dibna ugama soo noqon jeeray wada baabbe'een. |
8754 | 1KI 1:34 | Oo wadaadka Saadooq ah iyo Nebi Naataan isaga halkaas ha ku subkeen, oo ha ka dhigeen boqorkii dalka Israa'iil; oo markaas waxaad afuuftaan buunka oo waxaad tidhaahdaan, Boqor Sulaymaan ha noolaado. |
8822 | 1KI 3:3 | Oo Sulaymaanna Rabbiga wuu jeclaa, oo wuxuu ku socday qaynuunnadii aabbihiis Daa'uud; laakiin meelaha sarsare ayuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray. |
8826 | 1KI 3:7 | Haddaba Rabbigayow, Ilaahow, anoo addoonkaaga ah, boqor baad iiga dhigtay meeshii aabbahay Daa'uud; laakiinse waxaan ahay wiil yar, oo garan maayo si loo baxo iyo si loo soo galo toona. |
9154 | 1KI 11:43 | Markaasaa Sulaymaan dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii aabbihiis Daa'uud; oo wiilkiisii Rexabcaam ayaa meeshiisii boqor ka noqday. |
9180 | 1KI 12:26 | Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu qalbiga iska yidhi, Haddaba boqortooyadu waxay u noqon doontaa reerkii Daa'uud; |
9252 | 1KI 14:31 | Oo Rexabcaamna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagula aasay awowayaashiis magaaladii Daa'uud; oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Abiiyaam. |
9260 | 1KI 15:8 | Oo Abiiyaam wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aasaa. |
9266 | 1KI 15:14 | Laakiinse meelihii sarsare lama baabbi'in; habase yeeshee Aasaa qalbigiisu waa ku qummanaa Rabbiga hortiisa cimrigiisii oo dhanba. |
9276 | 1KI 15:24 | Markaasaa Aasaa dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooshaafaad |
9320 | 1KI 16:34 | Oo wakhtigiisii Yerixoo waxaa dhisay nin reer Beytel ah oo magiciisa la odhan jiray Xii'eel; oo markuu aasaaskeedii dhigay waxaa ka dhintay wiilkiisii curadka ahaa oo Abiiraam ahaa, markuu irdaheedii taagayna waxaa ka dhintay wiilkiisii yaraa oo Seguub ahaa, oo waxay noqotay sidii eraygii Rabbigu kula hadlay Yashuuca ina Nuun. |
9406 | 1KI 19:16 | Oo Yeehuu ina Nimshiina waxaad u boqortaa dalka Israa'iil; oo Eliishaa ina Shaafaad oo ah reer Aabeel Mehoolaahna waa inaad u subagtaa inuu meeshaadii nebi ka ahaado. |
9534 | 1KI 22:51 | Oo Yehooshaafaadna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooraam. |
9604 | 2KI 3:24 | Oo markay yimaadeen xeradii dadka Israa'iil ayaa dadka Israa'iil ku kaceen oo laayeen reer Moo'aab; iyana way ka carareen hortooda, oo dadka Israa'iilna dhulkii bay hore u galeen iyagoo reer Moo'aab laynaya. |
9755 | 2KI 8:24 | Markaasaa Yooraam dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Axasyaah. |
9857 | 2KI 12:4 | Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna meelihii sarsare weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen. |
9875 | 2KI 12:22 | Oo kuwii isagii dilay waxay ahaayeen addoommadiisii oo ahaa Yooskar oo ay Shimcaad dhashay iyo Yehoosaabaad oo ay Shomeer dhashay; wuuna dhintay, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah. |
9894 | 2KI 13:19 | Markaasaa ninkii Ilaah dhirfay oo wuxuu ku yidhi, War waxaa ku ekayd inaad ku dhufatid shan ama lix jeer; oo markaas reer Suuriya waad wada layn lahayd ilaa aad wada baabbi'iso; laakiinse haatan reer Suuriya waxaad laynaysaa saddex jeer oo keliya. |
9904 | 2KI 14:4 | Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadku weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare. |
9933 | 2KI 15:4 | Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare. |
9970 | 2KI 16:3 | Laakiinse wuxuu ku socday jidkii boqorrada dalka Israa'iil; oo weliba wiilkiisii ayuu dab dhex mariyey sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda. |
9987 | 2KI 16:20 | Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah. |
10033 | 2KI 18:5 | Oo wuxuu isku halleeyey Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo dabadiis boqorradii dalka Yahuudah oo dhan laguma arag mid isagii la mid ah, hortiisna ma jirin. |
10076 | 2KI 19:11 | Bal eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalka oo dhan ku sameeyeen, iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen; haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa? |
11796 | 2CH 28:27 | Markaasaa Aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaalada Yeruusaalem, waayo, isagii lama gelin qabuurihii boqorrada dalka Israa'iil; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Xisqiyaah. |
11913 | 2CH 32:33 | Oo Xisqiyaah wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa isagii lagu aasay meesha laga fuulo qabuurihii farcanka Daa'uud; oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuba isagii bay sharfeen markuu geeriyooday. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Manaseh. |
12215 | EZR 8:9 | Wiilashii Yoo'aabna waxaa ka socday Cobadyaah oo ahaa ina Yexii'eel; oo waxaa isaga la jiray laba boqol iyo siddeed iyo toban nin. |
12760 | EST 3:9 | Haddaba, boqorow, taas haddaad raalli ka tahay, ha la qoro in iyaga la baabbi'iyo; oo anna waxaan bixin doonaa toban kun oo talanti oo lacag ah, oo waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa boqorka shuqulkiisa u taliya inay iyagu maalkaas geliyaan khasnadaha boqorka. |
12954 | JOB 4:20 | Subaxdii iyo fiidkii inta ka dhex leh ayay baabba'aan; Weligoodba way halligmaan iyadoo aan ciduna ka fikirayn. |
13464 | JOB 24:24 | Iyaga waa la sarraysiiyaa, laakiin in yar dabadeed way wada baabba'aan; Hubaal iyaga waa la hoosaysiiyaa, oo jidka ayaa looga tuuraa sida kuwa kale oo dhan, Oo waxaa loo jaraa sida sabuul hadhuudh oo kale. |
18031 | ISA 15:1 | Kanu waa warka culus ee Moo'aab ku saabsan. Caartii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay; Qiirtii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay. |
21929 | DAN 4:20 | Oo waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan, |
23236 | MAT 1:23 | Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, Ilaah baa inala jooga. |
23320 | MAT 5:17 | Ha u malaynina inaan u imid inaan sharciga ama qorniintii nebiyada baabbi'iyo; uma aan iman inaan baabbi'iyo, laakiin waxaan u imid inaan wada oofiyo |
24240 | MAT 27:42 | Kuwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo. Waa Boqorka Israa'iil; haddeer iskutallaabta ha ka soo dego, annaguna waannu rumaysan doonnaaye. |
24998 | LUK 1:36 | Bal eeg, ina-adeertaa Elisabedna wiil bay uuraysatay iyadoo da'weyn; oo tanuna waxay tii madhalays loogu yeedhi jiray u tahay bisheedii lixaad. |
25078 | LUK 2:36 | Waxaa jirtay nebiyad Anna la odhan jiray, ina Fanuu'eel, oo ahayd qoladii Aasheer, wayna da'weynayd; nin bayna la jirtay toddoba sannadood bikradnimadeeda dabadeed. |
27300 | ACT 9:15 | Laakiin Rabbigu wuxuu ku yidhi, Soco, maxaa yeelay, wuxuu ii yahay weel aan doortay inuu magacayga hor geeyo dadka aan Yuhuudda ahayn iyo boqorrada iyo reer binu Israa'iil; |
27563 | ACT 16:11 | Haddaba ayaannu Taroo'as ka dhoofnay, oo waxaannu toos u aadnay Samotraki, maalintii xigtayna waxaannu nimid Ne'abolis; |