Wildebeest analysis examples for:   som-som   Word-Word    February 11, 2023 at 19:35    Script wb_pprint_html.py   by Ulf Hermjakob

272  GEN 11:5  Rabbiguna wuxuu u soo degay inuu arko magaaladii iyo munaaraddii ay binu-aadmigu dhisayeen.
391  GEN 16:9  Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Ku noqo murwadaadii, oo gacmaheeda is-hoos dhig.
1166  GEN 39:16  Dharkiisiina way is-ag dhigtay ilaa uu sayidkiisii guriga yimid.
1197  GEN 41:1  Markii laba sannadood oo dhammu dhammaatay ayuu Fircoon riyooday, oo wuxuu is-arkay isagoo webiga ag taagan.
1199  GEN 41:3  Markaasaa waxaa dabadood webigii ka soo baxay toddoba sac oo kale oo fool xun, oo weyd ahaa, oo waxay is-ag taageen sicihii kale oo webiga qarkiisa jooga.
1843  EXO 12:26  Oo markii carruurtiinnu idinku yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan u-adeegiddan Ilaah?
2301  EXO 28:7  Waa inuu lahaadaa laba garab oo is-haysta oo ku xidhan labadiisa daraf, inuu iswada haysto kulligii.
2302  EXO 28:8  Oo dhex-xidhka daabaca leh oo dusha kaga yaal in lagu xidho waa in isku si loo sameeyaa oo uu isku waslad la ahaadaa; oo ha ahaado dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.
2305  EXO 28:11  Sida shuqulka dhagax-xardhihii waa inaad labada dhagax u xaradhaa xaradh u eg xaradhka shaabadda, oo waana inaad ku dhigtaa magacyadii reer binu Israa'iil; oo waa inaad saldhigyo dahab ah ku dhejisaa.
2321  EXO 28:27  Oo waxaad samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo waxaad ku xidhaa eefodka labadiisa garab xaggooda hoose oo dhanka hore ku yaal, oo ku dhow meeshay isku xidhmaan, oo ka sarreeya eefodka dhex-xidhkiisa oo daabaca ah.
2322  EXO 28:28  Oo laabgashiga waa inay siddooyinkiisa ku xidhaan siddooyinkii eefodka oo ha kula xidheen shalash buluug ah, inuu ku dul xidnaado dhex-xidhka daabaca ah oo eefodka, iyo inuusan laabgashigu ka furnaan eefodka.
2333  EXO 28:39  Oo jubbadda marada wanaagsan laga sameeyey waa inaad daabacdaa oo waa inaad duub ka samaysaa maro wanaagsan, oo dhex-xidh waa inaad ka samaysaa daabac.
2342  EXO 29:5  Oo waxaad qaadataa dharkii, oo waxaad Haaruun u gelisaa jubbadda, iyo khamiiska eefodka, iyo eefodka, iyo laabgashiga, oo dhexdana waxaad ugu xidhaa dhex-xidhka daabaca leh oo eefodka;
2346  EXO 29:9  Oo dhex-xidho ugu xidh, duubabna u duub Haaruun iyo wiilashiisaba; oo qaynuun weligiis ah ayay hawsha wadaadnimada ku lahaan doonaan, oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad quduus ka dhigtaa.
2531  EXO 34:34  Laakiinse markii Muuse Rabbiga u galay oo uu is-hor taagay inuu la hadlo ayuu indhashareertii iska fayday ilaa uu soo baxay; kolkaasuu soo baxay, oo wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay wixii lagu amray,
2583  EXO 36:16  Markaasuu shan daah gooni-ahaantooda isugu xidhay, lix daahna gooni-ahaan.
2670  EXO 39:5  Oo dhex-xidhkii daabaca lahaa oo dusha kaga yiil in lagu xidho, isku waslad buu la ahaa eefodka, isku sina waa loo sameeyey, waxaana laga sameeyey dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
2685  EXO 39:20  Oo waxay kaloo sameeyeen laba siddo oo dahab ah, oo waxay soo sudheen eefodka garbihiisa xaggooda hoose, oo dhanka hore ku yaal, oo ku dhow meeshay iskaga xidhmaan, oo ka sarreeya suunka eefodka dhex-xidhkiisa daabaca ah.
2686  EXO 39:21  Oo laabgashigii waxay siddooyinkiisii ku xidheen siddooyinkii eefodka, waxayna kula xidheen shalash buluug ah, inuu ku dul xidhnaado dhex-xidhka daabaca ah oo eefodka, iyo inuusan laabgashigu ka debcin eefodka, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
2694  EXO 39:29  iyo dhex-xidhkii ahaa marada wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo daabacnaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
2925  LEV 8:7  Oo wuxuu isagii u geliyey jubbaddii, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhka, oo wuxuu u geliyey khamiiskii, eefodkiina wuu u geliyey, oo dhexdana wuxuu ugu xidhay dhex-xidhkii eefodka oo daabaca lahaa, oo kaasuu isagii ku xidhay.
3206  LEV 16:4  Waa inuu gashadaa jubbadda quduuska ah oo dhar linen ah laga sameeyey, oo waa inuu jidhkiisa u lebbisaa sirwaalka linenka ah, oo dhexdana waa inuu ku xidhaa dhex-xidhka linenka ah, oo duubka linenka ahna waa inuu madaxa ku duubtaa, waayo, iyagu waa dharka quduuska ah oo intuu jidhkiisa biyo ku maydho waa inuu dharkaas lebbistaa.
3275  LEV 18:23  Waa inaadan neef xayawaan ah kudin si aadan ugu nijaasoobin, oo naaguna waa inayan neef xayawaan ah is-hor taagin si ay isaga ugu jiifsato, waayo, taasu waa qasnaan.
3519  LEV 25:49  ama adeerkiis ama ina-adeerkiis way soo furan karaan, amase midkii xigaal u dhow ah oo qoladiisa ahu waa soo furan karaa, amase isaga qudhiisu hadduu taajir noqdo waa isfuran karaa.
3828  NUM 6:4  Maalmaha isa-soociddiisa oo dhan waa inuusan cunin innaba wax laga sameeyey canab tan iyo inta hoose iyo diirka sare.
3829  NUM 6:5  Maalmaha uu nidarka isa-soociddiisa qabo oo dhan waa inaan mandiil madaxiisa la marin. Ilamaa uu dhammaystiro maalmihii uu Rabbiga goonida isugu soocay waa inuu quduus ahaadaa oo timaha madaxiisana waa inuu daystaa.
3832  NUM 6:8  Oo maalmaha isa-soociddiisa oo dhan ayuu quduus u yahay Rabbiga.
3836  NUM 6:12  Oo waa inuu Rabbiga gooni isugu soocaa maalmaha isa-soociddiisa oo dhan, oo waa inuu qurbaan xadgudub u keenaa wan gu jir ah, laakiinse waa inaan maalmihii hore loo tirin, maxaa yeelay, isa-soociddiisii way nijaasowday.
3837  NUM 6:13  Oo kanu waa sharciga Nadiirka ku saabsan; markii maalmihii isa-soociddiisu ay dhammaystirmaan waa in isaga la keenaa iridda teendhada shirka,
3842  NUM 6:18  Oo Nadiirku waa inuu madaxii isa-soociddiisa ku xiiraa iridda teendhada shirka agteeda oo markaas waa inuu qaadaa timihii madaxii isa-soociddiisa, oo waa inuu ku shubaa dabka ka hooseeya allabariga qurbaannada nabaadiinada ah.
3843  NUM 6:19  Oo markaas wadaadku waa inuu qaadaa wanka garabkiisa karsan, oo dambiishana ha ka soo bixiyo xabbad moofo ah oo aan khamiir lahayn iyo xabbad canjeero ah oo aan khamiir lahayn, oo iyaga ha saaro gacanta Nadiirka markuu madaxii isa-soociddiisa xiiro dabadeed.
3965  NUM 8:25  Oo markii ay konton jir gaadhaan waa inay ka joogsadaan hawsha ka-adeegiddeeda oo aanay mar dambe adeegin,
4217  NUM 16:22  Markaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahow, adigoo ah Ilaaha binu-aadmiga oo dhan ruuxoodow, haddaba nin keliyahaa dembaabaye ma dadka shirka oo dhan baad u cadhoonaysaa?
4436  NUM 23:19  Ilaah ma aha nin been sheego; Mana aha binu-aadmi qoomameeyo. Ma wuxuu yidhi buusan samaynayn? Ama ma wuxuu ku hadlay buusan yeelayn?
4558  NUM 27:2  Oo iyana markaasay is-hor taageen Muuse, iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo amiirradii iyo shirka oo dhan, xagga iriddii teendhada shirka, oo waxay yidhaahdeen,
4559  NUM 27:3  Aabbahayo wuxuu ku dhintay cidladii, laakiinse isagu kuma uu jirin kooxdii is-urursatay oo Rabbiga geesta ka ahayd, oo kooxdii Qorax ahayd, illowse isagu wuxuu u dhintay dembi uu isagu lahaa, oo isagu wiilalna ma uu lahayn.
4572  NUM 27:16  Rabbiga ah Ilaaha ruuxyada binu-aadmiga oo dhan, ha doorto nin u taliya shirka,
4577  NUM 27:21  Oo isagu waa inuu is-hor taagaa wadaadka Elecaasaar ah oo isaga wax ugu weyddiin doona xukunka Uuriimka Rabbiga hortiisa. Iyagu eraygiisay dibadda ugu bixi doonaan, oo eraygiisay gudaha ku soo geli doonaan, isaga iyo reer binu Israa'iilka isaga la jiraaba, kuwaas oo ah shirka oo dhan.
5081  DEU 5:26  Waayo, binu-aadmiga oo dhan bal yaa weligiis codka Ilaaha nool oo dabka dhexdiisa ka hadlaya maqlay, sidaan u maqalnay oo kale, oo sii noolaaday?
6010  JOS 8:6  Markaasay na soo eryan doonaan ilaa aannu iyaga magaalada ka fogayno; waayo, waxay is-odhan doonaan, Sidii markii ugu horraysay bay naga cararayaan, oo sidaasaannu uga hor carari doonnaa iyaga.
6037  JOS 8:33  Oo reer binu Israa'iil oo dhan iyo waayeelladoodii, iyo saraakiishoodii, iyo xaakinnadoodiiba, waxay istaageen sanduuqii dhankiisa shishe iyo dhankiisa soke oo ka horreeya wadaaddada reer Laawi oo siday sanduuqii axdiga Rabbiga, qariibka iyo kii waddanka ku dhashayba, oo badhkood wuxuu is-hor taagay Buur Gerisiim, badhkoodii kalena wuxuu is-hor taagay Buur Ceebaal sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray inay marka hore u duceeyaan reer binu Israa'iil.
6689  JDG 6:33  Markaasaa waxaa is-urursaday reer Midyaan, iyo reer Camaaleq, iyo reer barigii oo dhan, oo intay Webi Urdun ka gudbeen ayay dooxadii Yesreceel degeen.
7084  JDG 20:28  oo wakhtigaas waxaa is-hor taagi jiray Fiinexaas ina Elecaasaar oo ina Haaruun ahaa), oo waxay yidhaahdeen, Miyaannu mar kale haddana ku duulnaa walaalahayo reer Benyaamiin, mise waannu ka joogsannaa? Markaasuu Rabbigu ku yidhi, Taga, waayo, berri baan gacanta idiin soo gelin doonaa.
7207  RUT 4:15  Oo isna wuxuu kuu noqon doonaa naf-sooceliye iyo ku markaad gabowdo ku quudiya. Waayo, waxaa isaga kuu dhashay gabadhii aad soddohda u ahayd ee ku jeclayd, ee kaaga sii wanaagsan toddoba wiil.
7927  1SA 26:19  Haddaba waan ku baryayaaye, boqorow sayidkaygiiyow, bal maqal erayadayda anoo addoonkaaga ah. Oo haddii Rabbigu igu kaa diray qurbaan ha aqbalo, laakiinse haddii waxa igu kaa diray ay binu-aadmi yihiin, Rabbiga hortiisa ha ku inkaarnaadeen, waayo, maanta way i eryeen si aanan u sii joogin dhaxalkii Rabbiga, oo waxay igu yidhaahdeen, Tag oo ilaahyo kale u adeeg.
8565  2SA 20:8  Oo markay gaadheen dhagaxii weynaa oo Gibecoon ku yiil ayaa waxaa ka hor yimid Camaasaa. Oo Yoo'aabna wuxuu guntanaa dharkiisii dagaalka ee uu xidhay, oo wuxuu kaloo ka kor dhex-xidhay seef gal lihi ku xidhnayd, oo markuu horay u soo baxay ayay ka dhacday.
8569  2SA 20:12  Oo Camaasaa wuxuu yiil jidka dhexdiisa isagoo dhiiggiisii dhex jiifa. Oo ninkiina markuu arkay in dadkii oo dhammu weli taagan yihiin ayuu Camaasaa jidkii ka qaaday oo meel ku jiiday, markaasuu marona kor saaray kolkuu arkay in dadkii yimid oo dhammu ay is-ag taageen.
8778  1KI 2:5  Oo weliba waad og tahay wixii uu Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay igu sameeyey, ee uu ku sameeyey labadii sirkaal oo ciidanka dalka Israa'iil, kuwaasoo ahaa Abneer ina Neer, iyo Camaasaa ina Yeter, ee uu labadaba dilay, iyo inuu wakhtiga nabadda dhiiggii dagaalka daadiyey, oo uu dhiiggii dagaalkana mariyey dhex-xidhkiisa dhexda ugu xidhnaa, iyo kabahiisa cagaha ugu jiray.
8835  1KI 3:16  Markaasaa waxaa boqorkii u yimid oo is-hor taagay laba naagood oo dhillooyin ah.
9027  1KI 8:39  de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo iyaga cafi, oo yeel, oo nin walba ugu abaalgud siday jidadkiisa oo dhammu yihiin, adoo qalbigiisa og, (maxaa yeelay, adigoo keliya ayaa garta waxa binu-aadmiga oo dhan qalbiyadooda ku jira;)
9440  1KI 20:29  Oo intii toddoba maalmood ah ayay is-hor degganaayeen. Oo waxay noqotay in maalintii toddobaad dagaalkii bilaabmay, oo maalin keliya ayaa ciidankii Israa'iil waxay dadkii Suuriya ka laayeen boqol kun oo nin oo lug ah.
9601  2KI 3:21  Haddaba markay reer Moo'aab maqleen in boqorradii ay yimaadeen inay la dagaallamaan ayaa waxaa is-urursaday dhammaan kuwii hub qaadi karay iyo kuwii ka weynaa, oo waxay istaageen soohdinta.
10045  2KI 18:17  Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu Laakiish ka diray Tartaan iyo Rab Saariis iyo Rabshaaqeeh oo ciidan faro badan wata, oo wuxuu iyaga Boqor Xisqiyaah ugu diray Yeruusaalem. Oo iyana intay kaceen ayay Yeruusaalem tageen. Oo markay yimaadeen waxay is-ag taageen biyomareenkii balliga sare kaasoo ku dhex yiil waddada berrinkii dharmaydhaha.
10153  2KI 22:4  Orod oo waxaad u tagtaa Xilqiyaah oo ah wadaadka sare, oo isagu ha xisaabo lacagta guriga Rabbiga la soo geliyey oo irid-dhawrayaashu ay dadka ka soo ururiyeen.
11317  2CH 6:30  de markaas samada oo ah meeshaad deggan tahay ka maqal, oo iyaga cafi, oo nin walba ugu abaalgud siday jidadkiisa oo dhammu yihiin, adoo qalbigiisa og, (maxaa yeelay, adigoo keliya ayaa garta waxa binu-aadmiga oo dhan qalbiyadooda ku jira, )
11449  2CH 12:7  Oo Rabbiguna markuu arkay inay is-hoosaysiiyeen ayaa eraygii Rabbigu u yimid Shemacyaah, wuxuuna ku yidhi, Iyagu way is-hoosaysiiyeen oo taas aawadeed anigu baabbi'in maayo, laakiinse waan samatabbixin doonaa, oo cadhadayduna Yeruusaalem kuma degi doonto iyadoo gacanta Shiishaq ku timid.
11454  2CH 12:12  Oo markuu isagu is-hoosaysiiyey ayaa cadhadii Rabbigu ka noqotay si aan Rabbigu isaga dhammaantiisba u baabbi'in, oo weliba dalka Yahuudah waxyaalo wanwanaagsan baa laga heli jiray.
11843  2CH 30:11  Habase yeeshee qaar ah reer Aasheer iyo reer Manaseh iyo reer Sebulun ayaa is-hoosaysiiyey oo Yeruusaalem yimid.
11906  2CH 32:26  Habase ahaatee Xisqiyaah wuu is-hoosaysiiyey oo kibirkii qalbigiisa wuu ka soo noqday isaga iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuba, sidaa daraaddeed cadhadii Rabbigu iyaga kuma ay soo degin wakhtigii Xisqiyaah.
11947  2CH 34:9  Markaasay u yimaadeen Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare, oo waxay u dhiibeen lacagtii guriga Ilaah la geliyey, oo irid-dhawrayaasha reer Laawi ay ka soo ururiyeen reer Manaseh iyo reer Efrayim, iyo kuwii kale oo reer binu Israa'iil ah oo dhan, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba.
12281  EZR 10:24  Raggii gabayaaga ahaana waxaa laga helay Eliyaashiib; irid-dhawryadiina waxaa laga helay Shalluum, iyo Telem, iyo Uurii.
12426  NEH 7:1  Haddaba markii derbigii la dhisay, oo aan taagay albaabbadii, oo irid-dhawryadii iyo kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii reer Laawi la doortay,
12611  NEH 11:19  Oo weliba irid-dhawryadii oo ahaa Caquub, iyo Talmon, iyo walaalahood oo irdaha dhawri jiray waxay ahaayeen boqol iyo laba iyo toddobaatan.
12653  NEH 12:25  Oo Matanyaah, iyo Baqbuqyaah, iyo Cobadyaah, iyo Meshullaam, iyo Talmon, iyo Caquub waxay ahaayeen irid-dhawryadii dhawri jiray bakhaarradii u dhowaa irdaha.
12673  NEH 12:45  Oo waxay dhawreen wixii ku saabsanaa u adeegidda Ilaahood iyo wixii ku saabsanaa isdaahirinta, oo kuwii gabayaaga ahaa iyo irid-dhawryadiina saasoo kalay yeeleen, sidii uu amarkii Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaan ahaa.
12675  NEH 12:47  Oo wakhtigii Serubaabel iyo wakhtigii Nexemyaah reer binu Israa'iil oo dhammu way wada bixin jireen qaybihii kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii irid-dhawryadaba intii maalin kasta loo baahnaan jiray; oo in bay gooni uga dhigeen reer Laawi, oo reer Laawina in bay gooni uga dhigeen reer Haaruun.
12735  EST 2:7  Oo isagu wuxuu soo koriyey Hadasaah, taasoo ahayd ina-adeertiis Esteer, waayo, iyadu aabbe iyo hooyo toona ma ay lahayn; gabadhuna way suurad wacnayd, wayna qurux badnayd; oo markii aabbeheed iyo hooyadeed dhinteen ayaa Mordekay qaatay oo sidii gabadhiisii ka dhigtay.
12962  JOB 5:7  Laakiinse binu-aadmigu dhibaato buu u dhashay, Sida dhimbiiluhu kor ugu duulaan.
13013  JOB 7:1  War sow hawl diyaar uma aha binu-aadmiga dhulka jooga? Sowse maalmihiisu ma aha sida kuwa shaqaale oo kale?
13029  JOB 7:17  Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo aad u weynaynaysaa, Balse maxaad uga fikiraysaa isaga?
13142  JOB 12:10  Kaasoo gacantiisa ku haya nafta wax kasta oo nool Iyo neefta binu-aadmiga oo dhan.
13150  JOB 12:18  Wuxuu furaa boqorrada xidhan, Oo dhex-xidh buuna u xidhaa.
13204  JOB 14:19  Biyuhu dhagaxyaday lisaan, Oo daadkooduna wuxuu qaada ciidda dhulka, Oo adna sidaasoo kalaad u baabbi'isaa binu-aadmiga rajadiisa.
13214  JOB 15:7  War ma ninkii binu-aadmiga ugu hor dhashaad tahay? Mase buuraha hortood baad soo dhalatay?
13221  JOB 15:14  Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo uu daahir ahaado? Kii naagu dhashayse muxuu yahay oo uu xaq ahaado?
13334  JOB 20:4  Miyaadan ogayn in waayihii hore iyo Tan iyo waagii binu-aadmiga dhulka la saaray
13471  JOB 25:6  Intee buu ka sii liitaa nin dirxi ahu! Iyo binu-aadmiga dirxiga ahu!
13625  JOB 31:33  Haddaan xadgudubkaygii daboolay sidii binu-aadmiga oo kale, Anigoo xumaantayda laabtayda ku qarinaya,
13640  JOB 32:8  Laakiinse binu-aadmiga ruux baa ku jira, Oo Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa ayaa iyaga waxgarasho siisa.
13666  JOB 33:12  Bal eeg, waan kuu jawaabi doonaa, haddaba waxan xaq kuma tihid, Waayo, Ilaah baa binu-aadmiga ka sii weyn.
13670  JOB 33:16  Markaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa, Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa,
13671  JOB 33:17  Si uu dadka uga soo celiyo qasdigooda xun, Oo uu binu-aadmiga kibir uga qariyo,
13683  JOB 33:29  Bal eeg, waxyaalahan oo dhan Ilaah baa binu-aadmiga ku sameeya, Laba ama saddex jeer,
13702  JOB 34:15  Dadka oo dhammu waa wada baabbi'i lahaa, Oo binu-aadmiguna ciidduu ku noqon lahaa.
13710  JOB 34:23  Waayo, isagu uma baahna inuu in kale binu-aadmiga ka sii fikiro, Inuu isagu Ilaah hortiisa garsoorid u tago.
13765  JOB 36:25  Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen, Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.
13768  JOB 36:28  Oo daruuraha ka soo da'a, Oo binu-aadmiga aad ugu dul shubma.
13823  JOB 38:26  Si roob ugu da'o dhul aan binu-aadmina joogin, Iyo cidlada aan ninna degganayn,
13985  PSA 5:6  Kan ismadax-weyneeya hortaada soo istaagi maayo, Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan.
14052  PSA 9:21  Rabbiyow, iyaga cabsi geli, Oo quruumuhu ha is-ogaadeen inay dad uun yihiin. (Selaah)
14069  PSA 10:17  Rabbiyow, waad maqashay waxay kuwa is-hoosaysiiyaa doonayaan, Oo qalbigooda waad diyaarin doontaa, oo dhegtaadana waad u dhigi doontaa,
14079  PSA 12:2  Rabbiyow, dadkaaga caawi, waayo, nin cibaado leh waa la waayayaa, Waayo, binu-aadmiga intii aaminka ahayd way ka dhammaadeen.
14086  PSA 12:9  Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay, Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.
14217  PSA 21:11  Midhahooda dhulkaad ka baabbi'inaysaa, Farcankoodana binu-aadmiga dhexdiisa.
14369  PSA 31:20  Wanaaggaagu weynaan badanaa, kan aad u kaydisay kuwa kaa cabsada, Oo weliba aad binu-aadmiga hortiisa ugu diyaarisay kuwa isku kaa halleeya.
14398  PSA 33:13  Rabbigu samaduu wax ka soo fiiriyaa, Oo wuxuu arkaa binu-aadmiga oo dhan,
14466  PSA 36:8  Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa! Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.
14692  PSA 49:13  Laakiinse binu-aadmigu sharaf kuma waaro, Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
14800  PSA 56:5  Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa, Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?
14814  PSA 57:5  Naftaydu waxay ku dhex jirtaa libaaxyo, Oo anigu waxaan dhex jiifaa kuwo dab lagu shiday, Kuwaasoo ah binu-aadmiga oo ilkahoodu yihiin warmo iyo fallaadho, Oo carrabkooduna yahay seef af badan.