2515 | EXO 34:18 | Waa inaad dhawrtaan Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn. Oo toddoba maalmood waa inaad cuntaan kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi ee bishii Aabiib ahayd, maxaa yeelay, bishii Aabiib ayaad Masar ka soo baxday. |
17880 | ISA 8:3 | Markaasaan u tegey nebiyaddii oo iyana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil. Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Waxaad magiciisa u bixisaa, Maheer-shaalaal-haash-bas. |
24824 | MRK 14:1 | Laba maalmood dabadeed waxaa jiray Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn. Wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay doonayeen si ay khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan. |
27409 | ACT 12:3 | Oo markuu arkay inay ka farxisay Yuhuuddii, ayuu weliba ku daray inuu soo qabto Butros. Maalmahaasna waxay ahaayeen maalmihii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn. |