Wildebeest analysis examples for:   som-som   Word'Word?    February 11, 2023 at 19:35    Script wb_pprint_html.py   by Ulf Hermjakob

500  GEN 20:4  Abimelegna uma uusan dhowaan iyada, wuxuuna yidhi, Sayidow, miyaad quruun xaq ah baabbi'inaysaa?
1785  EXO 10:7  Markaasaa Fircoon addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Ilaa goormuu ninkanu dabin inagu noqonayaa? Inaga sii daa nimanka, Rabbiga Ilaahooda ah ha u adeegeene. War miyaadan weli ogayn in Masar baabba'day?
2451  EXO 32:12  Bal Masriyiintu maxay u odhan doonaan, Wuxuu iyaga u saaray xumaan inuu buuraha ku laayo iyo inuu dhulka iyaga ka baabbi'iyo? Rabbiyow, ka leexo cadhadaada kulul oo ka noqo xumaantan aad damacsan tahay inaad dadkaaga ku samaysid.
4112  NUM 14:3  Bal Rabbigu muxuu inoogu soo kexeeyey dalkan aynu seefta ku le'anayna? Naagaheenna iyo dhallaankeennu dhac bay noqonayaan. Sow inaynu Masar ku noqonno inooma roona?
4258  NUM 17:28  Mid kasta oo soo dhowaada oo u soo dhowaadaa taambuugga Rabbiga wuu dhiman doonaa. Haddaba kulligayo miyaannu wada baabba'aynaa?
4560  NUM 27:4  In kastoo uusan wiilal lahayn magicii aabbahayo maxaa qabiilkiisa looga dhex baabbi'inayaa? Haddaba aabbahayo walaalihiis dhul dhaxal ah nagu dhex sii.
6452  JOS 22:24  oo haddii aannan taas u samaynin feejignaan iyo sabab aawadood, annagoo leh, Waa dambe carruurtiinnu waxay la hadli doonaan carruurtayada, oo waxay ku odhan doonaan, Maxaa idinka galay Rabbiga Ilaaha u ah reer binu Israa'iil?
6856  JDG 11:25  Haddaba miyaad ka wanaagsan tahay boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Baalaaq ina Sifoor? Miyuu weligiis la diriray reer binu Israa'iil, oo miyuu weligiis la dagaallamay reer binu Israa'iil?
7107  JDG 21:3  Oo waxay yidhaahdeen, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, maxaa waxanu uga dhex dhaceen reer binu Israa'iil in maanta qabiil ka dhimanaado reer binu Israa'iil?
7329  1SA 5:8  Sidaas daraaddeed waxay u cid dirteen oo soo urursadeen madaxdii reer Falastiin oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, War maxaynu ku samaynaa sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil ha lagu soo wareejiyo Gad. Oo iyana sanduuqii Ilaaha reer binu Israa'iil halkaasay ku soo wareejiyeen.
7414  1SA 9:21  Markaasaa Saa'uul u jawaabay oo ku yidhi, War sow anigu ma ahi reer Benyaamiin oo u wada yar qabiilooyinka reer binu Israa'iil? Oo weliba jilibkaygu sow ugama sii yara qabiilka reer Benyaamiin jilibyadiisa? Haddaba maxaad sidan iigula hadlaysaa?
7547  1SA 14:37  Markaasaa Saa'uul Ilaah talo weyddiistay, oo wuxuu yidhi, Miyaan reer Falastiin raacdaystaa? Oo ma doonaysaa inaad iyaga soo geliso gacanta reer binu Israa'iil? Laakiinse maalintaas Ilaah uma uu jawaabin.
7579  1SA 15:17  Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, In kastoo aad isla yarayd, sow madax lagaagama dhigin qabiilooyinka reer binu Israa'iil? Oo Rabbigu waa kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya reer binu Israa'iil;
7628  1SA 17:8  Oo intuu soo istaagay ayuu ku qayliyey ciidammadii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, War maxaad ugu soo baxdeen oo aad dagaal isugu soo diyaariseen? Sow anigu ma ihi reer Falastiin, idinna ma ihidin addoommadii Saa'uul? Haddaba nin iska soo doorta, oo isna ha ii soo dhaadhaco.
7874  1SA 25:10  Markaasaa Naabaal ugu jawaabay Daa'uud addoommadiisii, Waa ayo Daa'uud? Wiilka Yesayse waa kuma? Maalmahan waxaa jira addoommo badan oo nin kastaa ku caasiyooba sayidkiisa.
8074  2SA 2:22  Markaasaa Abneer haddana Casaaheel ku yidhi, War ha i eryane, gees iiga leexo; maxaan dhulka kuugu dhufanayaa? Haddaba sidee baan wejiga u siin karayaa walaalkaa Yoo'aab?
8078  2SA 2:26  Dabadeedna Abneer wuxuu u dhawaaqay Yoo'aab, oo ku yidhi, War seeftu miyey weligeed baabbi'inaysaa? Ugudambaystase inay qadhaadh noqonayso sow ma ogid? Haddaba ilaa goormay noqonaysaa markaad dadka kala hadlayso inay ka hadhaan walaalahooda ay eryanayaan?
9170  1KI 12:16  Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, teendhooyinkiinnii taga. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil tageen teendhooyinkoodii.
9283  1KI 15:31  Haddaba Naadaab falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabka taariikhda boqorrada dalka Israa'iil?
9291  1KI 16:5  Haddaba Bacshaa falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey, iyo xooggiisii oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
9300  1KI 16:14  Haddaba Eelaah falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
9306  1KI 16:20  Haddaba Simrii falimihiisii kale iyo fallaagowgiisii uu sameeyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
9313  1KI 16:27  Haddaba Coomrii falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii uu muujiyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
9461  1KI 21:7  Markaasaa naagtiisii Yesebeel waxay ku tidhi, War miyaadan haatan u talin boqortooyada Israa'iil? Haddaba kac oo wax cun, oo qalbigaagana ka farxi; anigaa ku siinaya Naabood ka reer Yesreceel beertiisa canabka ah.
9522  1KI 22:39  Haddaba Axaab falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo gurigii uu dhisay oo foolka maroodiga ahaa, iyo magaalooyinkii uu dhisay oo dhammuba sow kuma wada qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
9555  2KI 1:18  Haddaba Axasyaah falimihiisii kale ee uu sameeyey sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
9689  2KI 6:11  Oo boqorkii Suuriyana qalbigiisu waxyaalahan aad buu uga welwelsanaa; oo wuxuu isugu yeedhay addoommadiisii, oo ku yidhi, War maad ii sheegtaan midkeenna la jira boqorkii dalka Israa'iil?
9831  2KI 10:34  Haddaba Yeehuu falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
9883  2KI 13:8  Haddaba Yehoo'aaxaas falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisiiba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
9887  2KI 13:12  Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii uu kula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
9915  2KI 14:15  Haddaba Yehoo'aash falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii, iyo siduu ula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
9928  2KI 14:28  Haddaba Yaaraabcaam falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii, iyo siduu u dagaallamay, iyo siduu dalka Israa'iil ugu soo celiyey Dimishaq iyo Xamaad oo ay dadkii Yahuudah lahaayeen sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
9950  2KI 15:21  Haddaba Menaxeem falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
10053  2KI 18:25  Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.
11416  2CH 10:16  Oo dadkii Israa'iil oo dhammuna markay arkeen inaan boqorku dhegaysan ayaa dadkii waxay boqorkii ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Bal maxaan qayb ku leennahay Daa'uud? Dhaxalna kuma lihin ina Yesay. Haddaba dadkii Israa'iilow, nin kastow, teendhadaadii tag. Oo Daa'uudow, bal eeg, reerkaagii waa kuu kaas. Markaasay dadkii Israa'iil oo dhammu teendhooyinkoodii tageen.
11718  2CH 25:9  Markaasaa Amasyaah wuxuu ku yidhi ninkii Ilaah, Haddaba sidee baannu ka yeelaynaa boqolkii talanti oo aan siiyey ciidanka Israa'iil? Kolkaasaa ninkii Ilaah u jawaabay oo ku yidhi, Rabbigu wuu awoodaa inuu ku siiyo wax intaas ka sii badan.
11735  2CH 25:26  Haddaba Amasyaah falimihiisii kale, kuwii hore iyo kuwii dambeba, sow kuma qorna kitaabkii boqorradii dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil?
13044  JOB 8:11  War miyaa cawdu ka bixi kartaa meel aan dhoobo lahayn? Cawsduurkuse miyuu bixi karaa biyola'aantood?
15439  PSA 89:49  Bal waa ninkee kan iska noolaan doona isagoo aan dhimasho arkin, Oo naftiisa ka samatabbixin doona xoogga She'ool? (Selaah)
17143  PRO 23:29  Bal yaa hoog leh? Oo yaa caloolxumo leh? Oo yaa murammo leh? Oo yaa calaacal badan leh? Oo yaa u dhaawacan sababla'aan? Oo yaa indho casaan ah leh?
17473  ECC 5:5  Afkaaga ha u oggolaan inuu jidhkaaga dembaajiyo, oo malaa'igta horteedana ha ka odhan, Qalad bay ahaayeen. Bal maxaad Ilaah codkaaga ugu cadhaysiisaa si uu shuqulka gacmahaaga u baabbi'iyo?
17515  ECC 7:16  Aad xaq ha u noqon oo hana iska dhigin mid aad xigmad u leh, waayo, bal maxaad isu baabbi'inaysaa?
18410  ISA 36:10  Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.
18756  ISA 51:13  Ma waxaad illooday Rabbiga ku sameeyey oo samooyinka kala bixiyey, oo dhulka aasaaskiisa dhigay, oo ma waxaad had iyo goor maalin kasta ka cabsanaysaa kan wax dulma cadhadiisa, sidii isagoo diyaar u ah inuu wax baabbi'iyo? Haddaba bal meeday kan wax dulma cadhadiisu?
20098  JER 44:19  Oo markaannu foox u shidnay boqoradda samada, oo aannu iyada qurbaanno cabniin ah u daadinnay, miyaannu kibis ugu samaynay innaannu iyada ku caabudno amase miyaannu iyada qurbaanno cabniin ah u daadinnay nimankayaga la'aantood?
20148  JER 47:6  Rabbiga seeftiisay, ilaa goormaad xasilloonaan la'aanaysaa? Galkaaga gal, naso, oo xasilloonow.
20737  EZK 11:13  Oo intaan wax sii sheegayay ayaa Felatyaah ina Benaayaah dhintay. Markaasaan wejiga u dhacay oo cod dheer baan ku qayliyey, oo idhi, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad doonaysaa inaad inta reer binu Israa'iil ka hadhay wada baabbi'iso?
22349  HOS 13:14  Anigu waxaan iyaga ka soo furan doonaa xoogga She'oolka, oo waxaan ka soo badbaadin doonaa dhimashada. Dhimashoy, meeye belaayooyinkaagii? She'oolow, meeday baabbi'intaadii? Toobaddu indhahayga way ka qarsoonaan doontaa.
23581  MAT 12:23  Kolkaasaa dadkii badnaa oo dhammu yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn ina Daa'uud?
24308  MRK 1:24  Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay Kan Quduuska ah ee Ilaah.
24777  MRK 12:35  Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, intuu macbudka wax ku barayay, Culimmadu sidee bay u yidhaahdaan, Masiixu waa ina Daa'uud?
25166  LUK 4:34  Na daa! Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay, Kan Quduuska ah ee Ilaah.
25424  LUK 9:54  Markaasaa xertiisii Yacquub iyo Yooxanaa goortay arkeen, waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, ma doonaysaa inaannu dab amarno inuu cirka ka soo dego oo baabbi'iyo?
25823  LUK 19:23  Maxaad haddaba lacagtaydii baangiga u dhigi weyday, si, markaan imaado, aan u soo qaato lacagtaydii iyo faa'iidadeediiba?
25889  LUK 20:41  Wuxuuna ku yidhi, Sidee bay u yidhaahdaan, Masiixu waa ina Daa'uud?
26528  JHN 9:19  oo weyddiiyeen, iyagoo leh, Kanu ma wiilkiinnii baa aad leedihiin, Wuxuu ku dhashay indhala'aan? Sidee buu hadda wax ku arkaa?
26998  ACT 1:6  Sidaas daraaddeed markay isu yimaadeen, ayay weyddiiyeen isaga oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbow, ma haddeer baad boqortooyada u soo celinaysaa Israa'iil?
29172  GAL 3:3  Ma sidaasaad u garaadla'dihiin? Idinkoo Ruuxa ku bilaabay miyaad haatan jidhka ku dhammaynaysaan?